Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation

Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation

Share

This is the official page of Ministry of Planning, Economic Development and International Cooperation of the Puntland Government.

Bogga rasmiga ah e Wasaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland. Puntland Ministry of Planning, Economic Development And International Cooperation

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 06/05/2026

AGAASIMAHA GUUD OO KA QAYBGALAY SHIRKA DIBU-EEGISTA QORSHEYAASHA DOWLADDA PUNTLAND IYO MIDOWGA YURUB

Nayroobi-06-May: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa magaalada Nayroobi dalka Kenya kaga qeybgalay shirka dib-u-eegista qorshayaashii 2025–2026 ee Midowga Yurub iyo Dowladda Puntland.

Shirkan oo ahaa EU TAPF (Technical Assistance and Partnership Facility) & partners’ retreat ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta hay’adaha, iyo mideynta dadaallada horumarineed.

Agaasimaha Guud ayaa soo bandhigay mudnaanta horumarineed ee dowladda Puntland labada sano ee soo socda, oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dejinta siyaasado iyo sharciyo tayo leh, dhismaha iyo casriyeynta nidaamyada hay’adaha dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyo tababar oo kor loogu qaadayo awoodda shaqaalaha dowliga ah.

.......................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 05/05/2026

WASIIRKA OO BOSAASO KUSOO DHAWEEYAY WAFTI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBEY

‎‎Bosaaso: 05-May-2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Yusuf Ahmed mohamud (Barre Faatax) ayaa magaalada Bosaaso kusoo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ay hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Guddiga Xasaradaha ee UNDP Shoko Nodo, kuwaas oo safar shaqo ku yimi Puntland.

‎Kulanka waxaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya dowladda Puntland iyo hay'addaha Qaramada Midoobay, iyada oo xoogga la saarayo dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta mashaariicda.

‎Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Dabagalka Mashaariicda, Duqa degmada Boosaaso iyo xubno ka socda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 05/05/2026

WASIIR DOWLAHA OO KA QAYBGALEY KULANKA DOWLADDA IYO HOGGAANKA HAY'ADDA WFP

‎Garoowe: 05-May-2026: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mohamed Jama Abdirahman ayaa ka qaybgaley kulanka Dowladda Puntland iyo hoggaanka sare ee hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) oo ka dhacey qasriga Madaxtooyada caasimadda Garoowe.

‎Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxwayne Kuxigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor waxaa looga hadlay xaaladda abaaraha soo noqnoqday, deeqaha caalamiga ah ee yaraaday, dedaallada gargaar gaadhsiinta dadka nugul, daryeelka carruurta, mashaariicda bini'aadantinnimo iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

‎Waftiga hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) oo uu hoggaaminayay Agaasime ku-xigeenka Fulinta, Mudane Matthew Hollingworth, sidoo kalana ay qayb ka ahaayeen madaxa hay'adda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, madaxa, Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale ayaa bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan ee dowladnimada Puntland.

‎Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo wafdiga WFP la wadaagtay habka ay dowladda toos ugu heli lahayd deeqaha loogu talagay Puntland ayaa hay'adda uga mahadceliyay dedaalkooda iyo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland waxa uu sidoo kale ku boorriyay in ay adkeeyaan wadashaqaynta wanaagsan iyo isku xidhnaanshaha WFP iyo Dowladda Puntland.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 04/05/2026

WASIIRADA OO KULAN QAATAY HAY'ADDA UNICEF

‎Garoowe: 04-May-2026: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mohamed Hassan Ibrahim oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha Mohamed Jama Abdirahman ayaa kulan la qaatay wafti ka socda hay'adda Unicef.

‎Kulanka waxaa looga wada-hadlay xoojinta wadashaqeynta, isku-dubbaridka fulinta qoryaashe hawleedyada u dhexeeya hay'adaha dawladda iyo Unicef, gaar ahaan horumarinta adeegyada bulshada sida adeegyada caafimaadka, Waxbarashada , biyaha iyadoo mudnaanta la siinayo dhalaanka iyo hooyada.

Sidoo kale kulanka waxaa diiradda lagu saarey xoojinta soo-saarista xogta oo muhiim u ah qorsheynta, qiimeynta waxqabadyada iyo isla xisaabtanka ku dhisan, qoondeyn mudnaan leh iyo qorsheyn xaqiiqo & xogogaalnimo ku salaysan.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

01/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Yusuf Ahmed mohamud (Barre Faatax) oo farriin la wadaagay Shaqaalaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan kuwa Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.

28/04/2026

WASIIRADA OO KULAN LA QAATAY HAY'ADDA PSI

‎Garoowe: 28-April-2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Puntland Yusuf Ahmed mohamud (Barre Faatax), oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Mohamed Hassan Ibrahim Wasiiru-dowlaha Mohamed Jama Abdirahman iyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa kulan xog-warran la yeeshay madaxda hay’adda Population Services International (PSI), oo uu hoggaaminayay John Sauer, madaxa biyaha iyo fayodhawrka (Global WASH Director) iyo Cabdiqani Hersi oo ah wakiilka hay’adda ee Puntland.

‎Kulanka waxaa diiradda lagu saaray shaqooyinka hay'addu waddo iyo dadaallada bulshada lagu gaarsiinayo adeegyada caafimadka, biyaha iyo fayodhowrka deegaanada fog-fog, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga horumarineed ee PSI iyo DPL.

‎Masuuliyiinta Wasaaradda oo warbixin ka ka bixiyey shaqooyinka mudnaanta leh ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh dowladda, gaar ahaan kor u qaadista adeegyada aas-aasiga ah iyo taageerada bulshada nugul.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 28/04/2026

AGAASIMAHA GUUD OO KA QAYBGALEY SHIRKA LA-TASHIGA SAAMILEYDA MAALGASHIGA PUNTLAND

‎Garoowe: 27-April-2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa ka qaybgaley shirka la-tashiga saamileyda ee u eegista xeerka maalgashiga Puntland oo ay qabatay Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga oo kaashaneysa xafiiska EU-TAPF.

‎Shirka oo sidoo kale ku saabsanaa diyaarinta xeerka shirkadaha iyo habraaca siyaasadaha sadex-geesoodka ah ee PPP, waxaa ka qaybgalay madax kala duwan oo ka socotay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

28/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowladda Puntland Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa ka qaybgalay shirka saamileyda ee dib u eegista xeerka maalgashiga Puntland oo ay qabatay Wasaaradda Ganacsiga.

28/04/2026

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta oo kulan la qaatay wafti ka socda hay’adda United Nation Office on Drug and Crime (UNODC) oo uu hoggaaminayo wakiilka Soomaaliya.

Photos from Puntland Ministry of Planning, Economic Dev and International Cooperation's post 28/04/2026

WASIIRADA OO LA KULMAY UNODC

‎Garoowe: 28-April-2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Yusuf Ahmed mohamud (Barre Faatax) oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Mohamed Hassan Ibrahim Wasiiru-Dowlaha Mohamed Jama Abdirahman iyo Agaasimaha Guud Eng. Abdulkadir Abdidahir ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socday hay’adda UNODC oo uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya ee hay'adda, Mostafa Elbanna, qaybna ay ka ahaayeen madaxa xafiiska Puntland Mahamed Guuled iyo madax kale.

‎Kulanka waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed, gaar ahaan qorshayaasha mudnaanta u leh Puntland, iskaashiga la dagaallanka dambiyada ka dhaca badaha, kor uqaadista ka warqabka, xaaladaha xabsiyada, tahriibka, iyo adkeynta guud ahaan wada shaqaynta laamaha dowladda.

‎........................DHAMMAAD...................
‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Xaafadda Wasaaradaha, Agagaarka Hotel Martisor
Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00