Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Directions Website Contact the organization

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa kiiska cudurka Ebola ee laga xaqiijiyey dalka Kenya, waxay ...
06/10/2026

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa kiiska cudurka Ebola ee laga xaqiijiyey dalka Kenya, waxay bulshada la wadaagaysaa digniinaha iyo tilmaamaha ka hortagga ee ku xusan war-saxaafadeedka hoose. ⬇️

06/10/2026

: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed oo ka hadlay munaasabadda sagootinta iyo mahad-celinta loo sameeyey Eng. Abdirashiid Awed, oo muddo 12 sano ah madax ka ahaa Qaybta ICT-da ee Wasaaradda.

Garoowe, 06 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed Faroole, ...
06/10/2026

Garoowe, 06 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed Faroole, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad sagootin iyo mahadcelin ah oo loo sameeyay Eng. Cabdirashiid Awad, oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxa Qaybta Information and Communication Technology (ICT) ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Osmaan Ahmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cali Maxamed Cismaan, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha kale ee Wasaaradda.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Maxamed Xuseen Maxamed, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ku ammaanay Eng. Cabdirashiid Awad wada-shaqayntii wanaagsanayd ee ka dhaxaysay iyo kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu ku lahaa hawlaha iyo horumarinta Wasaaradda.

Eng. Cabdirashiid Awad ayaa uga mahadceliyay Wasiirka, maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda wada-shaqayntii iyo taageeradii uu ka helay muddadii uu Wasaaradda ka tirsanaa. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay mar walba u noqon doonto musdanbeed, isagoo sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo Eng. Maxamed, oo uu xilka ku wareejiyay, isaga oo ku tilmaamay inuu leeyahay aqoon, karti iyo khibrad, maadaama ay muddo wada soo shaqaynayeen.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa Eng. Cabdirashiid Awad uga mahadceliyay muddadii dheerayd ee uu u adeegayay Wasaaradda, dadaalkii iyo shaqadii uu qabtay, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalkiisa.

Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyay in Eng. Cabdirashiid Awad uusan ka fogaan doonin Wasaaradda, isla markaana loo magacaabi doono La-taliyaha Wasaaradda ee Arrimaha ICT, si looga faa’iidaysto aqoontiisa iyo khibraddiisa muddada dheer.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa sheegay in wararkii laga baahiyay Eng. Cabdirashiid Awad aysan waxba ka jirin, isla markaana qorshaha Wasaaraddu ahaa in loo qabto munaasabad ballaaran oo lagu maamuuso laguna sagootiyo. Waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay muujinayso fashilka dadka faafiya wararka beenta ah, isagoo bulshada ugu baaqay in aysan dhagaysan ama ku mashquulin wararka aan salka iyo xaqiiqada lahayn.

Wasiiradda ayaa Eng Abdirashiid gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadyado kale oo wasaaraddu ugu talagashay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA - WASAARADDA
CAAFIMAADKA PUNTLAND
🌐 https://moh.pl.so/
💼 Puntland Ministry of Health
𝕏
♪ .puntland
▶️

Astaanta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
06/10/2026

Astaanta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

SAFARKII SHAQO EE WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND UU KU MARAY QAYBO KA MID AH GOBOLKA MUDUG
05/10/2026

SAFARKII SHAQO EE WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND UU KU MARAY QAYBO KA MID AH GOBOLKA MUDUG

Goldogob, 05 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, MudaneMohamad Abdirahman Mohamed, oo safar...
05/10/2026

Goldogob, 05 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, MudaneMohamad Abdirahman Mohamed, oo safar shaqo ku maraya qaybo ka mid ah Gobolka Mudug, ayaa booqday Cisbitaalka Himilo ee Degmada Goldogob.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Cisbitaalka Himilo oo uga warbixiyay adeegyada caafimaad ee ay bulshada u fidiyaan iyo shaqada ka socota cisbitaalka.

Wasiirka ayaa maamulka iyo hawlwadeennada cisbitaalka uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan bulshada Degmada Goldogob, isaga oo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan adeegyada caafimaad, isla markaana ilaaliyaan kalsoonida bulshada.

Wasiirka waxaa booqashada ku weheliyay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Ku-simaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur, iyo La-taliyaha Wasiirka ee Qorshaynta, Dr. Cabdirisaaq Dheere.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA – WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND

📧 [email protected]
🌐 moh.pl.so
💼 Puntland Ministry of Health
𝕏
♪ .puntland
▶️

04/10/2026

: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed oo kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Goldogob iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla degmada, isagoo u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad ee bulshada.

04/10/2026

-jeedin: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed oo kormeer Shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Goldogob.

WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERAY CISBITAALKA DEGMADA GOLDOGOBGoldogob, 04 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Ca...
04/10/2026

WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERAY CISBITAALKA DEGMADA GOLDOGOB

Goldogob, 04 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed, ayaa maanta kormeer ku tagay Cisbitaalka Degmada Goldogob, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha Cisbitaalka, Maxamed Cabdullaahi Aadan.

Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud iyo adeegyada caafimaad ee ka socda, wuxuuna warbixin ka dhageystay Agaasimaha Cisbitaalka.

Kormeerka kadib, Wasiirka ayaa kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka, isaga oo kula dardaarmay inay sii dardargeliyaan adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan. Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka iyo shaqada ay bulshada u hayaan.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Ku-simaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur, iyo La-taliyaha Wasiirka ee Qorshaynta, Dr. Cabdirisaaq Dheere.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA – WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND

📧 [email protected]
🌐 moh.pl.so
💼 Puntland Ministry of Health
𝕏
♪ .puntland
▶️

WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERAY XARUMO CAAFIMAAD OO KU YAALLA DEGMADA GOLDOGOBGoldogob, 04 October 2026: Wasi...
04/10/2026

WASIIRKA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERAY XARUMO CAAFIMAAD OO KU YAALLA DEGMADA GOLDOGOB

Goldogob, 04 October 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed, oo safar shaqo ku maraya qaybo ka mid ah Gobolka Mudug, ayaa gaaray Degmada Goldogob, halkaas oo uu kormeer ku tagay Xarunta Caafimaadka Shaafi iyo Isbitaalka Daaweynta Dhimirka ee Goldogob.

Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee labada xarumood iyo adeegyada caafimaad ee ay bulshada u fidiyaan, isaga oo warbixin ka dhageystay maamullada xarumaha oo uga warbixiyay shaqada iyo adeegyada ka socda.

Wasiirka ayaa maamulka iyo hawlwadeennada xarumaha uga mahadceliyay shaqada ay bulshada u hayaan, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda iyo tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Ku-simaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur, iyo La-taliyaha Wasiirka ee Qorshaynta, Dr. Cabdirisaaq Dheere.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA – WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND

📧 [email protected]
🌐 moh.pl.so
💼 Puntland Ministry of Health
𝕏
♪ .puntland
▶️

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caafimaadka Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Caafimaadka Puntland:

Shortcuts

Share