Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdiraxmaan Mohamed Faroole, ayaa shir guddoomiyey Shirka Maamulka Sare ee Wasaaradda (Weekly Senior Management Meeting).
Shirkan ayaa noqon doona mid si joogta ah udhexmara Wasiirka, agaasimaha guud iyo agaasima waaxeedyada wasaaradda, kaasoo looga hadli doono hawlaha horutabinta leh ee wasaaradda.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Halkaan waa pageka Wasaaradda caafimaadka Puntland. This is the official page for the Puntland Ministry of Health.
11/04/2026
Garoowe,11, April 2026 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mohamad Abdirahman Mohamed, ayaa shir guddoomiyey Shirka Maamulka Sare ee Wasaaradda (Weekly Senior Management Meeting).
Shirkan ayaa noqon doona mid si joogta ah udhexmari doona Wasiirka, agaasimaha guud iyo agaasima waaxeedyada wasaaradda, kaasoo looga hadli doono hawlaha horutabinta leh ee wasaaradda.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Wasiirka Caafimaadka Puntland, Mohamed Abdirahmaan Mohamed oo ku guda jira kulamada uu la leeyahay madaxda waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa maanta la kulmay waaxda Caafimaadka Dadweynaha (Public Health Department), iyadoo kulanka uu diiradda saaray dib-u-habeynta iyo dardar-gelinta howlaha Wasaaradda.
09/04/2026
Garoowe,09, April 2026 : Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mohamad Abdirahman Mohamed ayaa maanta kulan la qaatay waaxda caafimaadka Guud (Public Health) ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Kusimaha agaasimaha caafimaadka bulshada Su’aad Mohamuud iyo madaxda qaybaha kala duwan ayaa soo bandhigay qorshahooda iyo warbixin guud oo ku saabsan sida shaqadu usocoto.
Wasiir Mohamed Abdirahmaan ayaa la wadaagay qorshaha uu doonayo in lagu hago guud ahaan wasaaradda gaar ahaan waaxda caafimaadka bulshada oo ah mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee wasaaradda qabtana adeega ugu muhiimsan, waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la laba jibaaro shaqada socota sidoo kalena kor loo qaado isku xirnaanshaha bulshada loona gudbiyo fariimo wacyigalin ah oo lagu fahansiinayo laguna barayo adeega wasaaraddu uhayso si looga hortago cuduro inay dilaacaan ama fafaan.
Wasiirka ayaa ugu danbeyn kula dardaarmay baahida loo qabo kor uqaadida shaqada la hayo iyo udhawaanshaha bulshada.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
07/04/2026
Garoowe,07, April 2026 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda UNICEF, oo uu hoggaaminayay Madaxa Barnaamijyada UNICEF Soomaaliya, Mads Oyen, oo ay wehelinaysay Zighe, oo ka tirsan khubarada caafimaadka ee UNICEF.
Kulankan oo ahaa mid isbarasho iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed, ayaa diiradda lagu saaray howlaha caafimaad ee ka socda Puntland ee ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo UNICEF. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay qorshayaasha sanadka 2026 iyo mudnaanta la siinayo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Mohamed ayaa uga mahadceliyey hay’adda Unicef wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda, waxaa sidoo kale uu xusay in loo baahanyahay in la sii xoojiyo si loo gaaro yoolal caafimaad ee wasaaradda udagan.
Madaxa wafdiga UNICEF, Mads Oyen, ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dhinac, isagoo xustay in UNICEF ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Wasaaradda. Waxa sidoo kale ku ammaantay Wasaaradda horumarka muuqda ee ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee caafimaadka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu gaarsiinayo adeegyo tayo leh bulshada.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Dr. Mohamed Mohamuud Xidig.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
Khudbadii Wasiirkii h**e ee wasaaradda caafimaadka Hon Said Jamac Qorsheel ee xil wareejinta maanta.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Mohamed Abdirahman Faroole oo maanta xilka la wareegay ayaa kormeeray xafiisyada xarunta dhexe iyo isbitaalka guud ee Garowe
Wasiirka Caafimaadka Puntland Mohamed Abdirahman Faroole oo maanta xilka la wareegay ayaa kormeeray xafiisyada xarunta dhexe ee Wasaarada iyo isbitaalka guud ee Garowe
06/04/2026
Garoowe, 06 April 2026: Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyo Mudane Cali Maxamed Cismaan oo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda. Mas’uuliyiintan cusub ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Mohamed Mohamuud Xidig, ayaa munaasabadda ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda muddadii ay hoggaanka hayeen masuuliyiintii h**e. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyay horumarrada laga gaaray adeegyada caafimaadka, iyo qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Wasaaraddu hiigsanayso.
Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii la qabtay labadii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu xusay kaalintii muuqata ee Wasaaraddu ka qaadatay hawlgalladii ka socday Calmiskaad, isagoo tilmaamay in la furay isbitaallo ku yaalla magaalooyinka Garoowe iyo Galdogob, isla markaana uu gabagabo marayo dhismaha isbitaalka Boosaaso.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamed Abdirahmaan Mohamed Faroole, ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda—kuwa xarunta dhexe, gobollada iyo degmooyinka—iyadoo uu carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadii horay u socotay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo waxqabadkii Wasiirkii h**e.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka si ay u gaaraan dhammaan bulshada, isla markaana uu ka shaqayn doono tayeynta adeegyada inta uu xilka hayo. Waxa uu shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa shaqo, waqtiga, iyo masuuliyadda saaran.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirrada, xubno ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimeyaal, shaqaalaha Wasaaradda, saraakiil ka socotay Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Mohamed Abdirahmaan oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka iyo wasiirudawlaha iyo wasiirkii h**e ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee wasaaraadda waxayna booqdeen Cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
05/04/2026
Garoowe, 05 April 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland (Puntland State Public Health Reference Laboratory – PS-PHRL) oo dib-u-dayactir iyo casriyeyn lagu sameeyay, kuna yaalla magaalada Garoowe.
Munaasabadda furitaanka ayaa ka tarjumeysa dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan xoojinta awoodda shaybaarka ee baaritaannada cudurrada kala duwan iyo taageeridda nidaamka caafimaadka dadweynaha.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha shaybaarka, isagoo warbixin faahfaahsan ka dhageystay Agaasimaha shaybaarka Dr. Mohamuud Mohamed Hussein, oo sharaxay howlaha muhiimka ah ee xaruntu bulshada u qabato.
Sidoo kale, wasiirka ayaa indha indheeyay dib-u-habeynta, qalabeynta iyo horumarinta lagu sameeyay xarunta, kuwaas oo sare u qaadaya tayada adeegyada la siinayo bulshada.
Furitaanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud Xidig,qaar kamid ah agaasimayasha wasaaaradda.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha shaybaarka dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka, isagoo xusay muhiimadda uu shaybaarku u leeyahay ilaalinta caafimaadka bulshada Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
05/04/2026
Garoowe, 05 April 2026: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah (Public Health Emergency), oo ah xarun muhiim u ah isku dubaridka hawlaha gargaarka degdegga ah iyo xakamaynta cudurrada faafa.
Xaruntaan ayaa door weyn ka qaadan doonta:-
1. Isku xirka iyo hagidda gurmadka degdegga ah
2. La socodka iyo xakamaynta cudurrada faafa
3. Ururinta xogaha caafimaad iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah
Wasiir Qorsheel oo furitaanka xarunta hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay muhiimada xaruntaan, waxaana uu sheegay in laga heli doono xog sax ah iyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha cudurro dillaaca, isagoo tilmaamay inay tahay xarun muhiim u ah badbaadada bulshada.
Furitaanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, agaasimayaal ka tirsan wasaaradda iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
01/04/2026
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u magacaabay Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed Farole Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland,
Marwo Maryan Cismaan Axmed Fangase
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo
Mudane Cali Maxamed Cismaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Garowe
