Gen. Aadan Cabdi Xaashi

Gen. Aadan Cabdi Xaashi

Share

Official page of Commander-in-Chief Puntland Defence Force , Brig. General Adan Abdi Hashi

twitter.com/@Gen.Aadan.Xaashi

29/03/2025

CIIDA WANAAGSAN.

Waxaan halkaan hambalyada ciida uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kan Puntland si gaar ah ciidanka difaaca Puntland,caruurtooda iyo xaasaskooda, nabad iyo caafimaad ku ciida.

26/12/2024

Waxaan halkaan salaan iyo hambalyo uga dirayaa dhammaan ciidanka difaaca Puntland oo maanta dhoolatus ku sameeyey deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari.

11/12/2024

Aniga oo ku hadlaya Afka Ciidanka Difaaca Puntland Puntland waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Allah ha u naxariistee Gen. Cawil Axmed Yuusuf (Cawil Dhiig-sokeeye),oo maanta ku geeriyooday magaalada Adis ababa.

โ€œWaxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan ehelada marxuum Cawil Shacabka iyo ciidanka difaaca Puntland iyo Soomaaliya oo uu cawil ugu soo shaqeeyey geesinimo iyo hal adaygโ€

Alle ha janeeyee Gen. Cawil wuxuu ka mid ahaa saraakiishii kasoo shaqaysay asaaska Ciidanka Difaaca Puntland iyo dib usoo celinta Dowladda Soomaaliya oo uu mar soo noqday taliyaha madaxtooyada Soomaaliya.

20/09/2024

Waxaan maanta deegaanka kala-bayr ka dhagax dhigay dhismaha taliska qaybta 7-aad ee Bari iyo Karkaar oo laga dhisi doono deegaanka KALA-BAYR ee gobalka Bari,saldhigaan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay difaaca puntland iyo dib u dhiska taliska oo yeeshay saldhig rasmi ah oo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan. Guulaysta.

Photos from Gen. Aadan Cabdi Xaashi's post 20/09/2024

Waxaan maanta deegaanka kala-bayr ka dhagax dhigay dhismaha taliska qaybta 7-aad ee Bari iyo Karkaar oo laga dhisi doono deegaanka KALA-BAYR ee gobalka Bari,

saldhigaan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay difaaca puntland iyo dib u dhiska taliska oo yeeshay saldhig rasmi ah oo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan.

Guulaysta.

02/07/2024

TACSI :- INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland S/Guuto Gen. Aadan Cabdi Xaashi isagoo ku hadlaya Magacyada Sareeyaasha , Saraakiisha , Saraakiil xigeenada, Alifleyda iyo Dableyda ee Ciidamadda Qalabka sida iyo xaasaskooda

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland gaar ahaan ehelada iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyeynaya Geerida naxdinta lahayd ee ku timid G/sare Warsame Jaamac Samatar Haybe [ warsame Adoon] oo maanta ku geeriyooday Magaladda Garowe .

Marxuum-ku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sida wanaagsan ugu soo shaqaysay dawladda iyo shacabka reer Puntland

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Janatul Fardows ka waraabiyo, eheladii iyo qoyskii uu ka tagayna samir iyo imaan ka siiyo

Aamiin , Aamiin, Aamiin .

= ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— .

Xafiiska Waaxdda Warfaafinta
Taliska Guud - Ciidanka Difaaca DPL
Website : www.defence.pl.so
E-mail : [email protected] .

15/06/2024

| Waxaannu ugu Hambaleyeenaya Alif-leyda , Dableyda , Sareeyaasha , Saraakiisha Ciidanka Qalabka-Sida Dowladda Puntland iyo Eheladooda & Qoysas-kooda oo idil

Munaasibadda Barakaysan ee Ciidda Carrafo awgeed , waxaan idiin rajaynaynaa farxad iyo raynrayn

Waxaana Eebbe ka baryaynaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan

Ciid wanaagsan dhammaan ummada Soomaaliyeed gaara ahaan Bulshadda Reer Puntland .

ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ ูˆุนูŠุฏูƒู… ู…ุจุงุฑูƒ

Photos from Gen. Aadan Cabdi Xaashi's post 15/06/2024

Garoowe , 15 - June - 2024 | waxaan maanta ka qayb galay Kalfadhiga ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni .

Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka DPL
H.E Ilyas Osman Lugatoor , Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane , Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare , Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka , Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha , Guddiga Doorashada Puntland , Duqa Degmada Garoowe , Isimo , Cullimo , Hayโ€™adaha Caalamiga ah , Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA , Saraakiisha Ciidamadda Qalabka sida DPL , Hawl-wadeennada Madaxtooyada & Marti Sharf kale .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada , isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo

[ Qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland ] .

= ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— .

Photos from Gen. Aadan Cabdi Xaashi's post 08/06/2024

Garoowe , 08 - June - 2024 : waxaan maanta ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ku qaabilay Wefti Saraakiil Sar-sare ah oo ka socda Dowladda UK [ Ingiriiska ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง ] Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen Madaxda Hayโ€™addaha Amaanka Puntland ayaa looga wadahadlay sidii si miradhal leh la isaga kaashan lahaa Arrimaha Amaanka , waxaana uu kulan kusoo dhammaaday si guul ah .

= ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— .

Photos from Taliska Ciidanka Difaaca Puntland's post 08/06/2024
07/06/2024

: INNA LILAAHI WA INNA ILLAYHI RAAJICUUN

Allaah ha uu naxariisto oo jannadii fardowso ha geeyo Shiikh Mubaarak Shiikh Maxamed Rabiic , oo xalay ku geeriyooday Garoowe .

Wuxuu ka mid ahaa Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed ee wakhtigooda inta badan ku bixiyey Dacwada iyo wannaag farista .

Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Culimaaโ€™udiinka , Qoyskii iyo ehelkiisii , Marxuumka Allaah ha uu danbi dhaafo dhammaanteena Samir iyo iimaan ha kasiiyo

~ Aamiin Aamiin Aamiin .

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


CF9C +24
Garowe