Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization

Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization

Share

Puntlan MoCFD has been formed at January 2014, giving it more time to achieve the ambition of holding free and fair elections Our Five Key Strategies
1.

Strengthening our Ministry
2. Implementing Democratization
3. Promoting Civic Education
4. Reforming the Constitution
5. Negotiating Federalism

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 20/08/2017
Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 20/08/2017

Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta puntland oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Saciid Caynab ayaa kulan laqaatay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntland (TPEC). Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda maanta oo ah 20/08/2017, waxaana looga wada hadlay wada shaqeynta labadda dhinac "Guddiga iyo Wasaaradda" sida dardargalinta nidaamka Dimuqraadiyeynta Puntland.
kulanka oo saacado qaatay waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 16/08/2017

Madaxda wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo ay hogaaminayaan Wasiirka Wasaaradda iyo Wasiir Kuxigeenka ayaa kulan is barasho iyo is xog dhaafsi ah la yeeshay Guddiga Siyaasadda, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Caalamiga ah ee barlamaanka Puntland oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku xigeenka Gudigaas Xildh.Saciid Cabdi Samatar Surcad.

Isbarasho ka dib Madaxda wasaaradda iyo Guddigu waxa ay kawada hadleen sida ugu wanaagsan oo u wada shaqayn lahaayeen maadaama Guddiga iyo Wasaaradda ay ka dhaxeyso shaqo aad u balaaran.

Ugu danbeyn kulankii dhexmaray Madaxda Wasaaradda iyo Guddiga Siyaasadda, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Caalamiga ah ee barlamaanka Puntland waxa uu ku soo dhamaaday Guul iyo isfahan buuxa.

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 16/08/2017

saaka oo ay taariikhdu tahay 16/8/2017 waxaa hool waynaha wasaaradda dastuurka Arrimaha federaalka Iyo Dimuqraadiyeynta ka furmay tababar la xiriira tayaynta shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan waaxda maamulka iyo Maaliyadda, tababarkaas oo uu fulinyay lataliyaha wasaaradda Mudane Warsame Kaytoon,
sidoo kale waxaa tababarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdifataax Saciid Caynab.

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 14/08/2017

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14/8/2017 waxay madaxda wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawlada Puntland oo ay hogaaminayeen Wasiirka Wasaaradda Mr Cabdifataax saciid Caynab iyo wasiir kuxigeenka Mr Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil ay kulan la qaateen wafdi ka socda Hay,adda Diakonia xafiiskeeda Garoowe, waxayna kawada hadleen sidii loo dardargelin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Iyo Hay,adda oo horay isula shaqayn jiray gaar ahaan hanaanka Dimuqraadiyadda Iyo Maamul Wanaaga (Democracy and Good Governance) oo hay,addu ka caawisao Wassaaradda.

sidoo kale isla maanta waxay Madaxda wasaaraddu ay la kulmaan madax ka tirsan urradda dhalinyarada puntland sida PYAN iyo MUDAN iyaga ookawada hadlay sida ugu wanaagsan oo isula shaqeyn lahaayeen wasaaradda iyo urrada dhalinyarada Puntland

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 05/07/2017

Waxaa xalay Wasaaradda Datuurka,Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland lagu martiqaaday barnaamijka Himilo oo uu tabiyo televison ka iyo idaacadda Dawlaada Puntland iskana kaashadaan hay,adda maamul wanaaga Puntland, Madaxda Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ali Og iyo dhamaan agaasimayaasha ayaa warbixin iyo waraysi dheer siiyay tv ga isla markaasna ka jawaabay su,aalihii la waydiiyay.
dhawaan baan idin lawadaagin waraysiga oo dhamaystiran inshalaah

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 24/06/2017

saaka oo sabti ah taariikhduna tahay 24/6/2017 waxaa xarunta dhexe ee wasaaradda Dastuurka,Arrimaha federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe shir ku wada qaatay Wasaaradda Iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ee dawladda federaalka ah ee soomaaliya.
kulanka inta lagu gudo jiray ayaa waxaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo is xogdhaafsi la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Photos from Puntland Ministry of Constitution, Federal Affairs and Democratization's post 19/06/2017

maanta oo ah isniin 19 june 2017 waxaa ay wasaarada Dastuurka arrimaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta dawlada puntland kulan la qaadatay madax ka socota xafiiska UNSOM ee Puntland waxa ayna kawada hadleen qaabka ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo waxbarshada madaniga ah ee Dastuurka .

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Garowe

Opening Hours

Monday 07:30 - 14:00
Tuesday 07:30 - 14:00
Wednesday 07:30 - 14:00
Thursday 07:30 - 14:00
Saturday 07:30 - 14:00
Sunday 07:30 - 14:00