Office of Puntland Human Rights Defender

Office of Puntland Human Rights Defender

Share

Office of Puntland Human Rights Defender is an independent institution entrusted to serve Human Righ

19/03/2026

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป

Waxaan dhammaan bulshada reer Puntland, umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitri-ga.

17/02/2026

RAMADAN MUBARAK ๐ŸŒ™.

11/11/2025

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said Mumin , iyo Guddiga Shuruurcda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Puntland Parliament

Kulanka Guddiga iyo Difaacaha oo ah latashi ku saabsanaa Wax-ka-baddelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

Photos from Office of Puntland Human Rights Defender's post 11/11/2025

11, Nofeember, 2025
Garoowe, Puntland โ€“ Soomaaliya

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said Mumin , iyo Guddiga Shuruurcda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Puntland Parliament

Kulanka Guddiga iyo Difaacaha oo ah latashi ku saabsanaa Wax-ka-baddelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

Kulankan oo uu Shir-gudoomiyey Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi ayaa looga wadahadlay in loo helo aragtiyo sharci, su'aala ka jira qodobada xeerka iyo in lagu kordhiyo talooyin wax ku ool ah, oo lagu horumarinayo xeerka, si loo waafajiyo Shareecadda, Dastuurka iyo Xeerarka caalamiga ah ee dhawraha xuquuqda maxaabiista iyo hawlaha xabsiyada Puntland.

Guddigu, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in latashi lagala yeesho xeerkan dhinacyada ay khusayso iyo daneeyayaasha xuquuqda Aadanaha si loo helo aragti sharci oo dhammaystir leh.

Difaacaha, ayaa guddiga ku booriyey in wax-ka-badelka xeerka xabsiyada Puntland, saldhig looga dhigo dhammaan nidaamyada la xiriira xabsiyada, isagoo tixgalinaya dhaqanka kala duwan ee kooxaha maxaabiista ah, sixdna u ah aasaaska iyo habsami u socodka nolosha maxaabiista iyo maamulka xabsiyada Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu Guddiga Shuruucda Caddaaladda, A. Diinta iyo Dastuurka ee G. Wakiillada Puntland ku bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

26/10/2025

TACSI
ุงู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุงู†ุง ุงู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsida iyo murugada geerida la qaybsanayaa qoyska, qaraabada iyo ehelada uu ka baxay, Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Faarax Maxamed (Garcase), oo ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Waxaan Allaah u waydiinayaa Marxuuka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sammir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ehelada uu ka geeriyooday marxuumka. Aammin Aammin Aammin.

Photos from Office of Puntland Human Rights Defender's post 25/10/2025

Garoowe, Puntland - Soomaaliya
Sabti: 25 Oktoobar, 2025

Kal-fadhiga 57-aad Ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Oo furmay maanta.

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Cand Muumin @ Said Mumin oo maanta ka qayb-galay furitaanka Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Munaasabadda Kal-fadhiga 57-aad ee Golaha oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiya Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xubno ka mid ah laba Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Duqa Garoowe, Isimo, Culimo, hayโ€™ado caalami ah, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil, Hawl-wadeennada, Saxaafadda iyo marti sharaf-ka kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa akhriyey khudbadda Golaha kal-fafhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka horjeediyey Golaha khudbadda Dastuuriga ah, si rasmiyana u furay Kal-fadhiga 57-aad, si-waafaqsan Qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

โ€“ DHAMMAAD โ€“

21/10/2025

Garoowe, Puntland โ€“ Soomaaliya
21, Oktoober, 2025

Tacsi
ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ู€ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนูˆู†ูŽ

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, Avv. Siciid Cabdi Muumin, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuum Cali Faarax Cali (Farmayeeri), oo ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Marxuumka oo ahaa Agaasimaha Hayโ€™adda Puntland Development Research Center-PDRC kana mid ahaa Asaasayaashii xarunta, mudda dheerna ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada rayidka ah, door muhiim ah ka soo qaatay nabadda, wadahadallada iyo xallinta khilaafaadyada bulshada.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle u weydiinayaa naxariis, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan shaqaalaha xarunta iyo Golaha laโ€™talinta ee PDRC iyo guud ahaan shacabka Puntland.

- DHAMMAAD -

05/06/2025

Garowe, Puntland - Soomaaliya

Jimce, 6-da Juunyo, 2025
Jimce, 10 Dhuสปl-Hijjah 1446

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป!

Dhammaan Dadwaynaha Soomaaliyeed, Shacbiga Puntland iyo Umadda Islaamka ah, waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda wayn ee Ciidda Carafo oo ah midda ugu wayn munaasabadaha Muslimiinta.

Waxaan Eebbe waydiisanaynaa in uu innaga aqbalo acmaasha Soonka, Xajka iyo maalinta Carafo.

Waxaan ku boorrinayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka Puntland in la caawiyo, la garab istaago, lagana farxiyo dadka danyarta ah.

Ugu dambeyn,

Allaah waxaan ka baryaynaa inuu Ciiddaan Ciideeda kale innagu gaarsiiyo Caafimaad, Nabad, Barwaaqo, Horumar, iyo in Qofba Qofka kale dhawro Sharafkiisa iyo Xuquudiisa

Aammiin Aammiin Aammiin




Photos from Office of Puntland Human Rights Defender's post 17/05/2025

Garoowe, Puntland - Soomaaliya
Jimce, 16 May 2025

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Garoowe Wafti ka socda Quruumaha Midoobay ee dhawrista Xuquuqda Aadanaha. Waftigaas uu hogaaminayey u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Mr. Ben Saul.

Kulankaas waxaa looga wada hadlay raadinta xaqiiqooyinka xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, la dagaalanka argagixisada, saamaynta xasilooni darrada iyo barakaca bulshada goobaha dagaallada.

Saraakiisha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waxay ka warbixiyeen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha Puntland, doorka xafiisku ka qaatay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Puntland, qorshayaasha iyo waxyaabaha la gaaray, xiriirka wadashaqayneed ee hayโ€™addaha dawladda Puntland, iyo talooyin ku aaddan xoojinta kor-joogtaynta iyo iskaashiga bahwadaagta xuquuqda aadanaha.



Nations Transitional Assistance
Mission in Somalia


DHAMMAAD
+++

Xiriirka Dadweynaha Xafiiska D. X. Aadanaha DPL
www.ophrd.pl.so | Facebook | Twitter | Email:[email protected] | [email protected] | Wicidda Deg degga ah 323

29/03/2025

Garoowe, Puntland - Soomaliya
Ciid Al Fitri 1446/2025
Axad, 30 Maarso 2025

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป

Waxaan hambalyo la wadaagayaa dhammaan Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Umadda Islaamka ah, munaasabadda maalinta Ciidul Fitri-ga.

Waxaan Eebbe waydiisanaynaa in uu innaga aqbalo Soonka iyo Acmaasha ee bishii Rammadaan-ka.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Shacabka Puntland in la caawiyo, la garab istaago, lagana farxiyo dadka danyarta ah.

Ugu dambeyn waxaan Alle ka baryaynaa in Ciiddaan Ciideeda kale nagu gaarsiiyo Caafimaad, Nabad, Barwaaqo, Horumar iyo in Qofba Qofka kale dhawro Xuquudiisa

Aammiin Aammiin Aammiin


/2025

27/03/2025

Xaxiiska Difaacaha wuxuu si gaar ah ugu boorinnaynaa hay'adaha ammniga in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaha gaystay dilka marxuum Cabdimaalik Aadan Xuseen oo illaa iyo hadda aan la soo qaban, si sharciga loo horgeeyo.

Waxaa kaloo xafiisku ka digayaa in qof si sharci-darro ah lagu xiro, loona ciqaabo dambi uusan lahayn.

25/03/2025

Garoowe, Puntland - Soomaaliya
Talaado; ,25 Maarso, 2025

Kiiska Faadumo Xiddig waa mid u baahan caddaalad. Xafiiska Difaacuhuna isagoo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah wuxuu arrintan mar horeba kala shaqeeyay hay'adaha ammaanka iyo Garsoorka

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Garowe
252