12/05/2026
Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Sedex Kamid ah Ciidanka Community Police kuwaas oo loo gartay in ay Shaqooyinkooda ahayeen kuwo ku Firfircoon Mudadii Commuity Poliska Gobalka Nugaal.
Kulankaan ayaa waxaa Ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada amniga Dowlada Puntland' Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal iyo Saraakiil Ciidan.
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland ayaa sheegay in Cid walba lagu abaal marin doono shaqooyinka ay u qabtaan Bulshada waxana uu adkeeya in Gobolada Puntland oo Dhan ay ka qaban Doonaan Wacyigalin iyo dardargalin shaqo si loo Xoojiyo Booloska iyo Shacabka Wada Shaqeyntooda.
30/04/2026
Waxaan La wareegay Xilka' Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Wacyigelinta Ciidanka Booliska Puntland, oo Dhawaan ii magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Siciid Abdulaahi Dani'
26/04/2026
Qardho: Taliyihii H**e ee Qeybta Booliska Gobalka Karkaar Hadana Ah Taliyaha Hogaanka Xiriirka Bulshada Dowlada Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shahaado Sharaf Shaqo Gudoon siiyay Qeyb kamid ah Saraakiishii kala soo shaqeysay Amaanka Guud ee Gobalka Karkaar Kuwaas oo Ku Muteestay Dadaal iyo Howlkarnimo Shaqo.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ah Mahadsanidii ayaa maantay ka qabsoontay Xarunta Taliska taasoo lagu maamuusay Saraakiishii ka qeyb qaadatay doorkii muuqday amaanka Magalada Qardho iyo Deeganada ku Teedsan.
Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Saraakiisha Ciidamada iyo kuwa Saldhigyada Magaalada.
Masuuliyiintii iyo marti sharaftii goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah u ammaanay Taliye Xuseen iyo Saraakiishii la soo shaqeysay'iyagoo xusay dadaalkii iyo juhdigii uu geliyay horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo isku xirka bulshada gobolka Karkaar.
Taliyaha Hogaanka Xiriirka Bulshada Dowlada Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in maamuuskan uu yahay mid lagu abaalmarinayo shaqadii wanaagsanayd ee ay soo Qabteen Sarakiishaan Mudadii ay amaanka ka shaqeynayeen, isagoo tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaatay xasilinta iyo horumarka deegaanka.
Taliye Xuseen Cali ayaa Sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo maamulka Gobalka Karkaar, isaga oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay shaqada ay soo qabteen sarakiishaan dhalinyarada ah iyo guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah uga shaqeeyeen bulshada iyo maamulka.
25/04/2026
Qardho: 25 April 2026: Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Caydiid Axmed Nuur, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii h**e ee qaybta, G/Sare Xuseen Cali Maxamed, munaasabad xil wareejin ah oo si habsami leh uga dhacday gobolka.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa ka qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, maamulka gobolka iyo degmada Qardho, iyo masuuliyiin kale oo marti sharaf ah.
Sidoo kale, G/le Xudayfi Xuseen Cismaan ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar.
Masuuliyiinta ka qayb gashay munaasabadda ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay taliyihii h**e, iyagoo Alle uga baryay inuu la garab galo taliyaha cusub gudashada waajibaadkiisa shaqo.
08/04/2026
MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY DHISMAHA TALISKA QEYBTA BOOLIISKA EE GOBOLKA KARKAAR.
Qardho: 08 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Karkaar oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ab Golaha Wakiillada, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Karkaar , Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo marti Sharaf kale .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Gobolka Karkaar, isagoo halkaasi warbixin kaga dhegaystay Masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.
19/03/2026
Ciid Mubaarak.
Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidda. ALLE ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay.
ALLE ha inaga yeelo kuwii ku guulaysta adduun iyo aakhiro, ciidaan ciideedana ha inaku gaarsiiyo Amni nabad, caafimaad iyo iimaan sugan.
Ciid Mubaarak dhammaantiin.
19/03/2026
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhamaan Saraakiisha amniga gobolka karkaar isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidul Fidriga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha sugidda amniga gaar ahaan goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan xilliga ciidda sida masaajidda, suuqyada, iyo goobaha fagaareyaasha ah.
Dhinaca Kale Taliye Xuseen ayaa Ciidamad uga mahadceliya Dadaalka ay Amniga ku bixiyeen Ciidamada kuwaas oo Habeen iyo Maalin Bulshada ku dhexjiray inta ay Caruurtooda u iibinayeen dharka ciida kuwaas oo Ciidmaada Xiliyo Danbe ka tagaaya Goobaha Ganacsiga Magalada.