06/10/2025
𝗪𝗮𝗿-𝗦𝗮𝘅𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱
Mowqifka Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda “GCD” ee Is-Afgaradka Dhexmaray Xukuumadaha Puntland iyo Somaliland.
Dawladda iyo shacabka Puntland waxay mar walba u yihiin lafdhabar ilaalinta midnimada iyi wadajirka dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.
Puntland waxaa lagu aasaasay mabda’ ku dhisan ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, raadinta nidaam federaal ah oo caddaalad iyo awood-qaybsi ku dhisan, difaacidda danaha iyo midnimada bulshada reer Puntland, iyo xaqsoorka guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Haddaba, heshiiska is-afgarad ee lagu sheegay in ay gaareen Puntland iyo Somaliland waa xadgudub cad oo ka hor imanaya mabda’a midnimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu si gaar ah u iftiiminayaa qodobadan:
1.Ku xadgudubka himiladii Puntland: Is-afgaradka waxaa lagu sheegay in Puntland ay “soo dhoweynayso xaqa ay Somaliland u leedahay aaya ka tashigeeda.” Tani waa gaf iyo meel ka dhac culus oo ka hor imanaya himilada aasaaska Puntland, sida ku xusan qodobka 1aad, farqaddiisa 2aad, iyo qodobka 4aad, farqaddiisa 1aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Puntland waxaa lagu dhisay ujeeddo ah ilaalinta midnimada iyo federaalka Soomaaliya, ee ma aha in la aqoonsado gooni isu taag ama kala goyn.
2.Hoos u dhigista maqaamka dawladnimo ee Puntland:
Is-afgaradka wuxuu hoos u dhigay maqaamka sharci ee Dawladda Puntland, iyadoo lagu soo koobay ereyga “Puntland” oo kaliya, halkii ay ahayd “Dawladda Puntland.” Tani waa meel ka dhac kale oo si ula kac ah hoos loogu dhigayo maqaamka dawladnimo ee Puntland. Sida ku cad qodobka 1aad, farqadda 1aad ee Dastuurka Puntland, magaca rasmiga ah waa “Dawladda Puntland ee Soomaaliya”.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu caddaynayaa in nabadaynta Ceerigaabo ay tahay arrin u baahan ka qaybgal dhammaan qaybaha bulshada deegaanka, si loo helo nabad waarta oo ku dhisan wada-tashi, caddaalad iyo isku tanaasul bulshada dhexdeeda ah.
Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Puntland inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana xakameeyo xadgudubyada iyo meel ka dhacyada sharci ee ay Xukuumadda Puntland ku tallaabsanayso, si looga hortago in Puntland ka weecdo himilooyinkii iyo mabaadi’dii lagu aasaasay dawladnimadeeda.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa iskaashi kasta oo ay galayso Dawladda Puntland oo aan xadgudub ku ahayn maqaamkeeda dawladnimo, danaha reer Puntland iyo guud ahaan midnimada Soomaaliya.
Afhayeenka GCD
Saki Rabiica
30/09/2025
Guddoomiyaha Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guled Salah ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ay soo dhoweyn ballaaran u sameeyeen muddo safar afar maalin ah oo uu ku joogay dalkaas.
Dr. Guuleed ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee dalkii, sidoo kalana ku dhiirigeliyay inay sii kordhiyaan maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ee Zambia ku nool ka fuliyaan dalka, gaar ahaan maalgashiga la xiriira arrimaha bulshada iyo waxsoosaarka.
23/09/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Gen. Axmed Cabdi Cali (Qalyare) (Alle ha u naxariisto), oo maanta ku shahiiday isagoo difaacaya dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa.
Isaga iyo dhammaan geesiyaashii dagaalkaan xaqqa ah u huray Naftooda oo ah wixii ugu qaalisanaa, si aynu inteena ka dambaysa ugu noolaano sharaf, karaamo iyo xorriyad.
Abaalkiina Janno Alle ha ka dhigo.
Samir iyo iimaan dhammaanteen Alle ha inaga siiyo.
13/08/2025
War-Saxaafadeed - Xaaladda Korontada Boosaaso
19/07/2025
War-saxaafadeed ku saabsan Xaaladda
18/07/2025
Daryeelka iyo garab istaagga ciidamada Puntland waa waajib saaran qof walba oo reer Puntland ah, maadaama ay naftooda u hurayaan difaaca dalkooda, dadkooda, iyo nabadgelyada guud ee shacabka.
15/07/2025
BAAQ NABADEED
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) isagoo ka duulaya Muhiimadda ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo badqabka shacabka wuxuu ka walaacsanyahay dagaalka nasiib darada ah ee ka dhacay maanta degmada Dhahar. Colaaddaasi waxay khatar weyn ku tahay nolosha dadka rayidka ah iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka in ay si degdeg ah u joojiyaan dirirta, una hoggaansamaan xabbad-joojin buuxda. Lama aqbali karo in dhiigga shacabka iyo ciidamada walaalaha lagu daadiyo isqabqabsi siyaasadeed.
Dowladda Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaato adeegsiga awood ciidan, taas badalkeedna waa in tabashooyinka shacabka si dhab ah loo dhageysto waxna laga qabto.
Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan dhinacyada dagaalamaya in dagaalku aanu noqon karin xal, balse uu horseedayo dhiig daata, barakac, burbur, khasaaro iyo kala fogaansho. Waxaa la gudboon dhammaan qaybaha ay khuseyso in ay doortaan waddada nabadda, si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo midnimada ummadda..
Ugu dambayn, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dadkii ku dhintay. Waxaanna iillaah uga baryaynaa inuu dembigooda dhaafo, una naxariisto. Dadkii ku dhaawacmayna waxaan u rajaynayaa caafimaad degdeg ah
Dhammaad