Waddani Party Of UOB

Directions

Waddani Party Of UOB Kusoo dhowoow Bogga rasmiga ah ee Xisbiga Waddani Party Of UOB

WAR-SAXAAFADEEDMAGACAABISTA GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANIGaroowe, 8 Oktoobar 2026Dhammaan xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddig...
08/10/2026

WAR-SAXAAFADEED
MAGACAABISTA GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI
Garoowe, 8 Oktoobar 2026

Dhammaan xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbiga Waddani, kaddib markii ay si wadajir ah u qiimeeyeen waajibaadka iyo masuuliyadaha horyaalla xisbiga, baahida loo qabo buuxinta xilka Guddoomiyaha Xisbiga iyo muhiimadda ay leedahay hoggaan karti iyo aragti fog leh, waxay si wadajir ah isugu raaceen in Mudane Abdinuur Siciid Maxamed loo magacaabo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Magacaabistaan ayaa timid kaddib markii la tixgeliyey kartida, waayo-aragnimada, daacadnimada iyo awoodda hoggaamineed ee Mudane Abdinuur Siciid Maxamed, kuwaas oo muhiim u ah gudashada waajibaadka iyo masuuliyadaha horyaalla Xisbiga Waddani
Sidaas awgeed, Mudane Abdinuur Siciid Maxamed ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isagoo gudan doona dhammaan waajibaadka iyo masuuliyadaha xilkaasi xambaarsan yahay, isla markaana ka shaqayn doona horumarinta, mideynta iyo xaqiijinta himilooyinka Xisbiga Waddani.

Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbiga Waddani waxay Guddoomiyaha cusub u rajaynayaan guul, horumar iyo hoggaan miro-dhal ah, iyagoo ku kalsoon inuu si hufan uga soo bixi doono masuuliyadda loo igmaday.

Sidoo kale, dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani waxaa lagu boorrinayaa inay garab istaagaan Guddoomiyaha cusub, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta Xisbiga.

Xisbiga Waddani
Garoowe, Puntland
8 Oktoobar 2026

Xisbul xaakimka jaamacadda boosaaso garoowe waddani ayaa siweyn xalay uga muuqday usbuuca teknoolojiyadda jaamacadda.
24/09/2026

Xisbul xaakimka jaamacadda boosaaso garoowe waddani ayaa siweyn xalay uga muuqday usbuuca teknoolojiyadda jaamacadda.

12/09/2026

HambalyoFaadumo Maxamed Xuseen!

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Faadumo Maxamed Xuseen, oo kamid ahayd aasaasayaashii Xisbiga Waddani ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe, munaasabadda qalin-jabinteeda.

Faadumo waxay kamid ahayd dhallinyaradii door muhiim ah ka qaatay aasaaska iyo dhismaha Waddani ee jaamacadda, iyadoo muujisay dadaal, karti iyo masuuliyad.

Qalin-jabintu waa bilow cusub; waxaan rajaynayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay kasbatay ay uga faaโ€™iideyso bulshadeeda iyo mustaqbalka dalkeeda.

Hambalyo Faadumo, hambalyo guushaada aqooneed, waxaana kuu rajaynayaa hoggaan iyo mustaqbal ifaya. ๐ŸŽ“๐ŸŒน๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Hambalyo! Bahda Wadani party of UOB-G waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda ku guulaystay inay dhamays...
23/08/2026

Hambalyo!

Bahda Wadani party of UOB-G waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda ku guulaystay inay dhamaystaan waxbarashada dugsiga sare ee guud ahaan Puntland, kuwaas si rasmi ah u helay natiijadooda.

Mustqbal wanaagsan!

Mudane/Marwo,Waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan kugu casuuno munaasabadda gaarka ah ee  mahadcelinta xubnaha  Xisbiga ...
22/04/2026

Mudane/Marwo,

Waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan kugu casuuno munaasabadda gaarka ah ee mahadcelinta xubnaha Xisbiga faca weyn ee waddani (WPU) , taas oo loogu talagalay in ay isku arkaan dhamaan Taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga waddani
(WADDANI PARTY OF UOBG)

Faahfaahinta Munaasabadda:
๐Ÿ—“๏ธ Arbaco
๐Ÿ“ AJJ HOTELL
๐Ÿ“† 22/April/2026
โฐ 6:30PM

Mahadsanid,

Hambalyo   Hambalyo    HambalyoXisbiga Waddani Party UOB-G wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee B...
28/03/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Xisbiga Waddani Party UOB-G wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, Marwo Kawsar Maxamuud Cismaan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka, Mudane Usaame Warsame Xasan, oo si guul leh ugu soo baxay xilalkaas muhiimka ah.

Doorashadiinnu waa guul weyn oo ka tarjumaysa kalsoonida, kartida iyo hoggaaminta wanaagsan ee aad ku mutaysateen inaad matashaan ardayda. Waa astaan muujinaysa horumarka, midnimada iyo bisaylka siyaasadeed ee ardayda Jaamacadda Bosaaso.

Waxaan idiin rajaynaynaa inaad xilkaas u gudataan si hufnaan, cadaalad iyo daacadnimo ku dheehan tahay, adigoo mar walba ka shaqaynaya danta guud iyo horumarinta ardayda.

Guushan waa mid wadajir ah, waana mid dhiirigelin u ah dhammaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga Waddani Party UOB-G.

Hambalyo mar kale, guushu ha sii socoto. ๐Ÿฉต



25/03/2026

Waxaa caawa laqabtay kalafadhiga kowaad ee golaha Baarlamanka jaamcda Bosaso Taas oo ah waajibaad dastuuri ah.
Waxa fadhiga Lagu doortey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha wakiilada, waxana loo doortey mudane Mustafe dhunkaal kaas oo katirsan xuBanaha Baarlamanka ugu so baxey xisbiga faca weyn ee waddani.

Xisbiga Waddani Party of UOB-G wuxuu si sharaf iyo ixtiraam leh ugu casuumayaa Hablaha Jaamacadda Boosaaso Garoowe Caawa...
21/03/2026

Xisbiga Waddani Party of UOB-G wuxuu si sharaf iyo ixtiraam leh ugu casuumayaa Hablaha Jaamacadda Boosaaso Garoowe Caawa ka qaybgalka kulan is-xogwaraysi iyo is-dhexgal ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta, doorka hablaha ee hoggaaminta, iyo ka-qaybqaadashada horumarinta bulshada.
Kulankan wuxuu noqon doonaa
HABEENKA HABLAHA JAMAACADA BOOSAASO GAROOWE (UOB-G)

SHAHAADO MUSHARAXNIMO OO LA GUDOONSIIYAY MUSHARAXA MADAXWEYNAHA MIDOWGA ARDAYDA Waxaa si rasmi ah shahaadadii musharaxni...
18/03/2026

SHAHAADO MUSHARAXNIMO OO LA GUDOONSIIYAY MUSHARAXA MADAXWEYNAHA MIDOWGA ARDAYDA

Waxaa si rasmi ah shahaadadii musharaxnimo u guddoomay Mudane Maxamed Cabdirishiid Cabduqaadir (M. Deak) oo u taagan xilka Madaxweynaha Ururka Ardayda, kana tartamaya xisbiga facaweyn ee WADDANI.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa bisaylka dimuqraadiyadeed ee ardayda iyo kalsoonida lagu qabo hoggaanka hufan ee musharaxa.

Xisbiga WADDANI waxa uu aaminsan yahay hoggaan daacad ah, horumar muuqda, iyo matalaad dhab ah oo ardayda oo dhan u siman.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ardayda jaamacadda inay codkooda siiyaan musharaxa iyo xisbiga WADDANI, si loo helo hoggaan leh aragti, karti iyo hufnaan.

Wadajir aynu u dooranno hoggaan tayo leh!




๐ŸŒŸ SHAACIN RASMI AH ๐ŸŒŸAsalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,Dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha sharafta leh ee Xi...
17/03/2026

๐ŸŒŸ SHAACIN RASMI AH ๐ŸŒŸ

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha sharafta leh ee Xisbiga Waddani Party of UOBG, waxaa lagu wargelinayaa in la qaban doono xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu shaacinayo:

โœจ Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga
โœจ Xoghayaha Guud ee Xisbiga

๐Ÿ“… Taariikhda: 17/3/2026
โฐ Saacadda: 20:00 fiidnimo
๐Ÿ“ Goobta: Xarunte dhexe ee xisbiga Waddani

Xafladan waxay noqon doontaa mid muhiim u ah horumarka iyo mideynta xisbiga, waxaana kasoo qeyb geli doona dhammaan madaxda, xildhibaanada, iyo taageerayaasha xisbiga.

Address

Street 30 Near NEC-Garowe
Garowe
GAROE SOMALIA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waddani Party Of UOB posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share