Puntland Focus Group

Puntland Focus Group

Share

Puntland Focus Group Waa Madal Ay Ku Midaysanyihiin Siyaasiyiin, Aqoonyahan & Waxgarad Reer PL ah.

19/11/2021

Musiibooyinka soomaaliya dhex yaal ayay tanina qayb ka tahay, waxaana saamayn ku yeeshay fikirkaan gurracan ee dhalinyaradii ka dhigay xagjiriinta aan la aqoon waxa ay ku dhimanayaan iyo cidda ay u dhimanayaan.

WAHAABIYIINTA IYO GAALAYSIINTA MUSLIMIINTA.

Wax kasta oo halkan ku qorani, waxa uu ku yaallaa kitaabka la yidhaa:
‎ الدرر السنية في الأجوبة النجدية

Waa kitaab 16 volume ah oo lagu ururiyey fatwooyinkii WAHAABIYADA, laga soo bilaabo casrigii Maxamed Cabdiwahaab ilaa 1950-meeyadii.

يا اهل التكفير هده اقوال ائمتكم

1. Ninka Dacwada wahaabiyada qaata balse ku andicooda inay waalidiintiisii Islaannimo ku dhinteen waa GAAL. Eeg durarka 10/143

2. Deegaanka xaayil dadka deggani waa GAALO, jihaadkooduna waa ka ugu fadliga badan leh. Eeg durarka 9/291 -292

3. Magaalooyinka Maka iyo Madiina waa dhul GAALO maadaama ay diideen Islaannimadii.!! Eeg durarka 9/285

4. Qabaa’ilka Cujmaan iyo Qaxdaan waa GAALO. Eeg durarka 10/503

5. Ashaaciradu waa GAALO, waayo ma garanayaan macnaha ashahaadada. Eeg Durarka 1/320,312, 324, 362, 364

6. Dawlada Cismaaniyiintu waa GAALO. Cida gaalaysiin weydaana diinta toos bay uga baxday mana garanayso macnaha Tawxiidka. Eeg durarka 10/429.

7. Qofka u safra deegaan ka baxsan dhulka dacwada isagoo aaminsan inu dhulkaasi Islaam yahay isaguna waa GAAL. Eeg 8/424

8. Qof kasta oo waafaqa deegaankiisa sida Xijaas, Yemen,Shaam iwm, xataa hadduu hoosta ka jecel yahay wahaabiyada waa GAAL. Eeg durarka 8/121

MAXAMED BINU CABDIWAHAAB WAA IMAAMKA TAKFIIRIYIINTA.

1. Maxamed cabdi wahaab wuxu ku doodayaa waqtigii uu noolaa, muslimiintii ku noolayd Xijaas sida Maka iyo Madiina badankoodu ay diideen in Alle dadka soo saarayo (bacsiga). Qof aan isaga ahayn oo warkan sheegay miyaad garanaysaan? Ta kale, qofka bacsiga diidaa miyaanay gaal ahayn? Eeg الدرر السنية في الأجوبة النجدية ١٠/٤٣

2. Maxamed Cabdiwahaab Wuxu gaalaysiiyey deegaanada Sadiir iyo washam oo dhan isagoo ku sheegay in tawxiidka ay haystaan uu yahay kii gaalada ( tawxiidu Rubuubiya) Eeg الدرر السنية في الأجوبة النجدية ٢/٧٧

3. Waxa uu sheegay inay reer Shaam caabudaan ibnu Carabi oo ay qabrigiisa ka dhigteen SANAB LA CAABUDO? Miyaanay gaalo ahayn cidda caabuda qabri ee ka dhigataa SANAB? Eeg الدرر ٢/٤٥

4. Maxamed Cabdiwahaab waxa uu ku doodayaa in muslimiintii waqtigiisii noolayd ay ka gaalnimo xun yihiin kufaartii Carbeed ee Nebi muxamed NNKH loo soo diray. Eeg 1/ 120 الدرر السنيه

5. Waraaq uu u diray Maxamed Cabdiwahaab qaadigii Darciya ee la odhan jiray Cabdullaahi binu Ciise, waxa u ku leeyahay “Idinka, sheekhyadiinii iyo sheekhyadoodii ba may fahamsanayn manay kala soocayn diintii Nebi Muxamed iyo diintii Cumar binu laxyi, weliba diintii Cumar binu laxyi ayaa agtooda ka ah diintii saxda ahayd”.

Cumar binu laxyi waa Ninkii ugu horreeyey ee carabta sanabyada u keenay. Eeg. الدرر السنيه 10/57

6. Maxamed Binu Cabdiwahaab waxa uu gaalaysiiyey sheekha la odhan jiray Sulaymaan binu saxiim. Waraaq uu u diray waxa uu ku leeyahay “waxaan kuu sheegaynaa in adiga iyo aabahaa ba aad caddaysateen gaalnimada, shirkiga iyo munaafaqada!!! ............... Adiga iyo aabahaaba waxaad habeen iyo maalin ku dedaalaysaan cadaawada diintani!!!! ............ Waxad tahay nin canaad ah oo lunsan kaas oo islaannimada ka doortay gaalnimada.!!! ...... kitaabkiinana waxa ku qorani waa gaalnimadiinii” Eeg الدرر السنيه 10/31

7. Sheekh Xuseen Maxamed Cabdiwahaab iyo Sheekh Cabdillaahi Maxamed Cabdiwahaab oo labaduba ah Caruurtii Maxamed Cabdiwahaab, waxay gaalaysiiyeen qof kasta oo ay ku adkaato inu gaalaysiiyo muslimiinta ashahaadanaysa ee iyaga ka soo horjeedda!!!!! Eeg الدرر السنيه 10/139

8. Waxa uu Maxamed Cabdiwahaab isaga oo been ka sheegaya ku doodayaa “deegaan kasta oo ka mid ah deegaanada Najdi la yidhaa waxa yaallay sanab la caabudo”. Eeg 10/193. الدرر السنيه kolkaa dadka dhulkaas ku nooli gaalo ayey ahaayeen.!!!!

9. Mar kale waxa uu ina leeyahay “ qaar badan oo dadka waqtigan jooga ka mid ahi, ma garanayaan ilaahyo la caabudo oo aan ahayn LAATA, CUSA, MANAATA, YAQUUS iyo YANUUQ”

10. Maxamed Cabdiwahaab waxa uu gaalaysiiyey cid kasta oo dacwadiisu gaadhay oo aan aqbalin. Eeg 1/234 الدرر السنيه

{ ٱقْرَأْ كِتَٰبَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ ٱلْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا}

Dhammaad.

16/11/2021

PL TV wuxuu u baahanyahay in loo helo xirfadleyaal aqoon u leh saxaafadda sidoo kalena garanaya Afka-soomaaliga si wanaagsanna u qori kara.

Runtii waa sumcad xumo weyn in qoraalada caynkaan oo kale ah lagu qoro TV dawladeed/Maamul.

24/09/2021

Labadii ceeriinka ku qaybsata bisaylka iskuma cawrido.
Gamal M Hassan

Photos from Mohamed Salh's post 03/09/2021
12/04/2021

Ha naaclayso!!

06/04/2021
Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Garowe