31/07/2025
Puntland National Examination Board PNEB
Puntland National Examination Board is department of Ministry of Education Puntland which is responsible for handling puntland National Examination.
Puntland National Examination Board (PNEB)
Over the last ten years, the PNEB has made considerable progress in establishing a national examination system that enjoys public confidence and meets international standards. Before 2010, each private school has its own examination and therefore, in essence, different standards were maintained across Puntland. In 2003, the first unified examination was
31/07/2025
15/08/2024
Tirada ardayda gudubtay iyo kuwa haray..
15/08/2024
Ardayda kaalimaha h**e ka galay imtixaanka shahaadiga Dugsiyada Sare 2024
15/07/2021
Is-afgaradka Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shir muddo dhawr bari ah uga socday Wasaaradaha waxbarashada Garoowe ayna hogaaminayaan wasiirada Waxbarashada
Waxaa la isku afgartay qodobadaan hoos ku xusan
1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha wxbarashada.
2. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).
3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
2. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.
Wixii faahfaahin akhriso lifaaqa hoose ee heshiiska lawada saxiixay.
23/05/2021
Alle ha u fududeeyo dhammaan ardayda imtixaanka 2021 u fariiisatay.
Guul iyo mustaqbal ifaya ayaan u rajaynanaa.
Guulaysta
10/05/2021
Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa shaaciyay jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee dugsidda dhaxe ee Puntland 2021.
Hoos ka daalaco jadwalka imtixaanka Fasalka 8aad.
10/05/2021
Ramadan Wanagsan
Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa shaaciyay jadwalka imtixaanka fasalka 12aad ee dugsida sare ee Puntland 2021.
Hoos ka daalaco jadwalka imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare ee Puntland.
Imtixaankii si habsami leh ayuu ku soo idlaaday dhammaan 9ka gobol ee Puntland.
Waxaan hambalyo u diraynaa ardayda, waxaana u rajaynaynaa guul iyo hormar wanaagsan.
Waxaanu ku shaqaynay iyadoo ay jirto xaalad adag. Wasaaradda waxabarashaduna waxay dadaal dheer u gelisay sidii loo heli lahaa qiimeyn dhamaystiran.
Alle ha inaga badbaadsho xanuunkan safmarka ah ee Covid-19.
Alle ayaa mahada kowaad iska leh.
Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa dhammaan intii si toos ah iyo si dadban uga qayb qaadatay imtixaanka sanadka 2019/2020.
Guulaysta
BISMILLAAH
Waa farriin ku socota ilaaliyayaasha iyo kormeerayaasha imtixaaaadka Puntland ee 2020.
annagoo idinku bogaadinaynaa shaqadii wanaagsanayd ee sannadkaan aad ka soo qabateen dugsiyada, waxaan idiin soo gudbinaynaa qorshaha imtixaanka ee inta ka horraysa 4 bisha Julay . sanadkan waxaan u aqoonsannay xarumo qaybineed Magaaloooyinkan Garoowe, Qardha, Boosaaso, Badhan iyo Galkacayo.
1. Dhammaan kormeerayaasha guud, kormeerayaasha xarumaha, madaxyada imtixaanaadka, kalkaaliyasha, iyo ilaaliyayaasha imtixaanaadka ee lala soo xiriiray waxaa lala socodsiinayaa in ay u safraan xarumaha logu qoray maalinta talaadada ee 30/Jun.
2. Maalinta Arbacada ee 1/Julay , waxaa lagu qabanayaa dhammaan xarumaha qaybinta(hoarding centers) imtixaanka tababarkii iyo wacyi gelintii ilaaliyayaasha F4 iyo kormeerayaasha.
3. Maalinta Khamiista ee 2/Julay , waxaa kormeerayaasha lagu wareejinayaa waraaqihii imtixaanka oo ku jira sanduuqyo iyo boorsooyin. waxaa sidoo kale maalinta wacyigelin la siinayaa ilaaliyayaasha fasalka 8aad.
4. Maalinta Jimcada ee 3/Julay, waa maalinta diyaarinta xarumaha imtixaanka.
haddaba, waxaan ka codsanyanaa hawlwadeenada imtixaanaadka ee lala soo xiriiray in waqtiga dhawraan kuna tagaan goobaha loo qorsheeyay xilliga aan kor kusoo sheegnay.
Guul ayaan u rajaynanaa ardayda
21/06/2020
Jadwalka imtixaanaadka fasalada 12aad iyo fasalada 8aad ee sanadka 2020
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Website
Address
1st August
Garowe
