Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Share

The Ministry of Finance of Puntland State has been established on the 23rd of August 1998.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 07/05/2026

GAROWE - Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane
Cabdirqaadir Xaashi ayaa maanta aaladda fogaan-aragga shir kula yeeshay madaxda iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee waaxda canshuuraha berriga ee Wasaaradda iyo ciidamadda ilaaladda cashuuraha kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dakhliga dowladda.

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay dardargelinta dakhliga canshuuraha bariga. Waxaana ka soo qeyb galay madax iyo mas'uuliyiinta kala duwan oo ay ka mid yihiin waaxda canshuuraha bariga, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Booliska Puntland, taliyeyaasha laamaha maamulada canshuuraha, iyo sidoo kale madax ka tirsan Wasaaradda.

Ajandaha shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu kordhinayo dakhliga dowladda, iyada oo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo qorshayaasha iyo howlaha socda, si loo gaaro koboc muuqda oo dhanka dakhliga ah.

Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga Cabdirqaadir Xaashi oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loo kordhiyo dakhliga dowladda, isagoo ku boorriyay dhammaan hay’adaha ku lugta leh inay laba jibbaaraan dadaalladooda si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 07/05/2026

BOSASO- Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan( Arbac ) oo hawlo shaqo u joogaa Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegey Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Dekeda Boosaso.

Wasiirka waxaa dekedda ku soo dhoweeyey Maamule kuxigeenka Furdada Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Dekedda G/sare Warsame Axmed Shirwac iyo ku xigeenkamiisa G/Dhexe Yaasiin Cali Nuur.

Maxamed Maxamuud Cismaan( Arbac ) Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa booqday goobaha dekedda ayna ka socdaan shaqooyinka cashuurista beedeecadaha ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta ku sugan dekedda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda ee ku yaala dekedda xili ay shaqaaluhu ku guda jireen hawl maalmeedkii shaqo.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha ku aamay hufnaantooda shaqo waxana uu kula dardaarmay in la soo dhoweeyo shacabka xoogana la saaro kororka dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 06/05/2026

BOSASO- Wasiir ku-xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kulan la yeshay Madxda Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka iyo Cashuuraha Berriga.

Kulankan intii uu socday ayaa diirada lagu saaray xogaha dakhliga Gobolka Bari iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona kuur galo hirgelinta Cashuuraha aan wali si xoogan loo hirgelin.

Mas'uuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa Wasiirka la waaday Tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan kor qaadista dakhliga gaar ahaan cashuuraha berriga si loo helo dakhligii Dowladdu dalka ku hor marin lahayd.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Maamulaha Kastamka Garoonka Mudane Xassan Maxamed Faarax, Kusimaha Maamulaha Cashuuraha berriga gobolka Bari Nuur cabdi Cismaan,Taliyaha Laanta Ilaalada Canshuuraha Gobolka Bari G/le Abdirahman Salad Guul iyo mas'uuliyiin kale.

Ugu dambeyntii Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa mas'uuliyiintii kulanka ka qaybgalay faray talaaboyin ku aadan dardargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

30/04/2026

Kormeerkii shoqo ee goobaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Bari ka dib Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka hadlay.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 30/04/2026

GAROWE - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kulanka shir sanad laha la qaatay shaqaalaha Wasaaradda ee xarunta dhexe iyo gobolka Nugaal.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta shaqaalaha, iyadoo laga wada hadlay qorshayaal lagu xoojinayo tababarrada kor loogu qaadayo tayada shaqo, iyo sidoo kale sidii loo dardargelin lahaa dakhliga dowladda. Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda ay leedahay in madaxda xafiisyadu si dhow ula socdaan shaqaalaha hoos yimaada si loo hubiyo hufnaan, isla markaana loo abaalmariyo shaqaalaha dadaalka muujiya.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Ahmed Jama jowle oo la hadlay shaqaalaha ayaa ku booriyay inay si daacadnimo leh u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana ay muujiyaan karti iyo masuuliyad.

Ugu dambayn, Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa xusay in la hirgelin doono nidaam abaal-marin bille ah kaas oo lagu dhiirrigelinayo shaqaalaha mudan ee shaqadooda si wanaagsan u gutay.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 30/04/2026

BOSASO-Wasiirku xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda, Kastamka Garoonka, Xarunta Cashuuraha Beriga iyo Dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda ee Bosaso laga wado.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta dakhliga dowladda iyo xoojinta hufnnaanta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirku wuxuu kormeerka ka bilaabay Dekedda Boossaso waxana halkaasi ku oo soo dhoweeyay Maamulaha Furdooyinka Gobolka Bari Maxamed Yuusuf iyo ku xigeenka Cabdulahi Maxamed, Taliyaha Dekedda G/sare Warsame Axmed Shirwac iyo ku xigeenkamiisa G/Dhexe Yaasiin Cali Nuur waxana uu Wasiirku booqday goobaha ay ka socdaan shaqooyink cashuurista beedeecadaha iyo xafiisyada Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Garoonka halkaasi oo ay ku qaabilay Maamulaha Kastamka Garoonka Xasan Maxamed Faarax waxana uu Wasiirku xog badan ka ogaaday Kastamka iyo shaqooyinka ka socda.

Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Yasiin Saalax ayaa kormeer ku tegey Xarunta Cashuuraha Berriga ee Gobolka Bari iyo dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu bulshada Puntland u soo jeediyey in ay bixiyaan Cashuurta dowladdana la shaqeeyaan sidii ay waajibaad keeda shaqo ku gudan lahayd.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 29/04/2026

BOSASO - Wasiir ku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wafiti uu hoggaaminaayo oo ka tirsan Wasaaradda ayaa hawlo shaqo u tegey Magaladda Boosaso.

Imaanshaha safarkan ee Boososo ayaa qayb ka horumarinta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka bari.

Wasiirka ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda inta uu ku sugan yahay Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari waxa uu booqan doona xafiisyada iyo goobaha dakhliga Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 29/04/2026

CARMO - Wasiir ku-xigeenka Maamulka ahna Ku-simaha Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax
oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigayay dib u habeyn iyo casriyeyn lagu sameynayo lamiga wayn magaalada Carmo.

Munaasabaddan dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Gole ee xukuumadda, maamulka degmada Carmo, Saraakiil iyo odayaasha dhaqanka, kuwaasi oo si wadajir ah u soo dhaweeyay mashruucan muhiimka u ah horumarka degmada.

Wadadan ayaa la qorsheynayaa in lagu sameeyo dib u habeyn ballaaran iyo casriyeyn, taas oo kor u qaadi doonta isku socodka gaadiidka, bilicda magaalada iyo horumarka ganacsiga ee degmada Carmo.
Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

28/04/2026

Kormeer kii shoqo ee Wiirku- xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna Ku-simaha xilka Wasiirka uu ku tegey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Badhan.

28/04/2026

Axmed Yaasiin Saalax Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda oo hawlo shaqo u joogaa degmada Badhan ayaa ka hadlay kormeer uu ku tegey xarunta Wasaaradda iyo Horumarka Dowladda Puntland ka wado Gobolka Sanaag.

Photos from Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland's post 28/04/2026

BADHAN- Wasiir ku-xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo hawlo shaqo u joogaa degmada Badhan ayaa kormeer shaqo ku tegey maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Axmed Aaden Xuseen iyo xisaabiye ku xigeenka Wasaaradda Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Cabdulqaadir Siciid Daahir Qodax iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda xili shaqaalahu ku guda jireen hawl maalmeedkii shaqo ee ay uhayeen Bulshada Puntland.

Kormeerka ka dib Wasiirka ayaa kulan la yeshay Mas'uulyiinta Wasaaradda waxaana wasiirka xog laga siiyey shaqooyinka xafiisyada, shaqaalaha ka hawlgala iyo goobaha dakhliga gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Ugu dambeyntii Wasiir ayaa Bogaadiyey shaqooyinka socda ee soo xeraynta dakhliga kana socda Gobollada Sanaag iyo Haylaan waxana uu ku booriyey in xooga la saaro dardargelinta cashuuraha berriga sidoo kale Wasiirka ayaa
bulshada uga mahadceliyay sida ay ubixiyaan cashuuraha ku waajibay iyo la shaqaynta Dowladooda ayna socdaan mashaariic wax ku ool ah oo Gobolladan lagu horumarinaayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Garowe
GAROWEBR09010

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:30
Tuesday 08:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 17:30
Saturday 08:00 - 17:30
Sunday 08:00 - 17:00