03/06/2026
GAROWE- 3-6-2026 Madxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Kulankan waxaa shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka qaybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradda,
Agaasimaha Guud, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka.
Kulankan intii uu socday ayaa si qoto dheer looga hadlay heerka dakhliga Gobollada, dardargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqooyinka Wasaaradda guud ahaan Gobolada dalka.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa laysku afgartay in horay loo wado guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
25/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey shaqaalihii ka faa’iidaystay tababarka.
25/05/2026
GAROWE, 25-May-2026 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababarkii loo qabtay qaybo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo muddo lix maalmood ah ka socday xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle; Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tababarada, Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil; madax kale oo ka tirsan Wasaaradda, tababar-bixiyeyaashii fududeeyey tababarka, iyo shaqaalihii ka faa’iidaystay.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado aqoonta, xirfadda, hufnnaanta iyo waxqabadka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo shaqaalaha lagu tababaray mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Xeerka Shaqaalaha, Siyaasadda Anshaxa Shaqaalaha, Doorka Shaqaalaha ee Horumarinta Shaqada iyo Hay’adda, iyo Maaraynta Maaliyadda Dalka.
Tababarka waxaa soo diyaariyey oo fududeeyey khubaro iyo tababar-bixiyeyaal si gaar ah loo xulay, kana tirsan madaxda iyo saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, si shaqaalaha loogu xoojiyo aqoon iyo xirfado la xiriira gudashada waajibaadkooda shaqo.
Tababarkan oo ahaa qaybtii koowaad ayaa socday muddo lix maalmood ah, waxaana ka faa’iidaystay 50 shaqaale ah oo ka kala tirsan Waaxyaha Maamulka, Dakhliga iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa si wadajir ah ula dardaarmay shaqaalaha ka qaybgalay tababarka, iyagoo ku boorriyey in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay si dhab ah ugu dabaqaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada adeegyada maaliyadeed ee bulshada loo hayo.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in qaybta labaad ee tababarka la gaarsiiyo gobollada kale ee Puntland, si shaqaalaha Wasaaradda ee heer gobol ay uga faa’iidaystaan barnaamijyada kobcinta aqoonta iyo xirfadaha. Wasiirku wuxuu kaloo adkeeyey in ay muhiim tahay in Wasaaraddu yeelato hannaan tababar oo online ah, kaas oo suuragelinaya in shaqaalaha ku sugan gobollada kala duwan ay hal mar uga faa’iidaystaan tababarada, iyadoo la adeegsanayo farsamada casriga ah.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyey macallimiinta iyo tababar-bixiyeyaashii fududeeyey tababarka, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda, waqtigooda iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen horumarinta aqoonta shaqaalaha Wasaaradda.
Gabagabadii munaasabadda, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey shaqaalihii ka faa’iidaystay tababarka, taas oo qayb ka ahayd dhiirrigelinta iyo aqoonsiga dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday.
Baahinta:
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
24/05/2026
GAALKACYO– kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Dayib Cali Maxamed oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismacil Abdinuur Geesay iyo Maamulaha Canshuuraha Berriga gobolka mudug ayaa maanta kormeer shaqokutegey-Kastamka dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee magaalada Galkacyo,
Xisaabiyaha ayaa soo kale booqday Xarunta Dawladda hoose ee degmada galkacyo iyo Xaafiska cashuuraha gaadiidka ee gobolka iga oo booqday qaybaha kala duwan ee xafiisyada xili shaqaalahu ku guda jireen hawl maalmeedkii shaqo.
Goobaha uu booqday kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee dawladu wuxu warbixinno ka dhagaystay Xisaabiyaha gobolka, mas'uuliyiinta kastamka
Iyo dawlada hoose ee degmada galkacyo.
Xisaabiyaha ayaa booqday shaqooyinka socda ee loo hayo bulshada waxana uu ku adkeeyay in ay muujinayaan dadaal dheeri ah.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
23/05/2026
GALKACYO- 23-5-2026 ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Mudane Dayib Cali Maxmed Faarax ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaaladda ee Gaalkacyo.
Xisaabiyaha waxaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Mudane ismacil C/nuur Geesey xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka mudug iyo mas'uuliyiin kale.
Xisaabiyaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban yahiin xaafisayada Wasaaradda Maaliyadda wuxuna kulan gaar ah la qaatay xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka mudug iyadoo kulankaas ay kaqeybgaleen Maamulayaasha iyo madaxqeybeedyada kala duwan ee Wasaaradda waxana la siiyay warbixin guud oo ku saabsan habsami usocodka shaqada.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahaa dardargalinta dakhliga,wax ka ogaan shaha habka dakhli xaraynta iyo wax ka ogaan shaha shaqoyinka socda ee Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu dambeyntii Kuxigeenka Xisaabiyha guud ayaa umahad celiyey Xisaabiyaha iyo howleadeena kale ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland shaqada ay uhayaan bulshada.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
20/05/2026
BOSASO- 21-May-2026 Wasiir ku-xigeenka maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa caawa booqday Dekedda Boosaaso halkaasi oo ay si habsami leh uga socotay dhoofinta xoolaha gaar ahaan ariga.
Waxaa dekedda ku sugnaa wasiirro ka tirsan Dowladda, maamulka dekedda waxana ay
kormeereen howlaha ganacsi iyo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ka dhoofaysa dekedda.
Maamulka Dekedda Boosaaso, gaar ahaan qeybta canshuuraha, ayaa caawa canshuurey labo markab iyo hal doon kuwaasi oo xoolaha u qaadaya Wàdamada Puntland ay xiriirka gaansi la leedahay ee Sucuudiga iyo Oman.
Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Ahmed Yasiin ayaa boogaadiyay shaqaalaha Wasaaradda ee heeganka u ah habeen iyo maalin gudashada shaqada loo igmaday, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan kobcinta dakhliga dowladda iyo udeegida shacabka.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland