Puntland Capacity Injection Project

Puntland Capacity Injection Project

Share

The World Bank, together with the Puntland State of Somalia and its other development partners, in September 2013, endorsed the Somali Compact, which sets

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 09/11/2022

GAROWE: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Mudane Gregory Kasunko oo ka socday Banggiga adduunka.

Gregory Kasunko oo ah Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda ayaa Puntland u yimi xog ururinta habka looga faa'idaystay mashaariicda Banggiga adduunka Puntland ka fuliyey oo heer gabo gabo ah maraya.

Kulanka waxaa ka qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda iyo Madaxda xiriirayaasha mashaariicda Banggiga adduunka.

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 08/11/2022

Wasiirku xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda Garoowe kulan kula la qaatay Mudane Gregory kasunku, oo ka socday Banggiga adduunka.

Gregory kasunku booqashadiisa Puntland ayaa salka ku haysa wax ka ogaan shaha mashaariicdii Bankiga Adduunku ka fuliyey Puntland oo heer gabo gabo ah maraya.

Kulankan ayaa looga hadlay horumarka laga sameeyey iyo sida looga faa'idaystay mashaariicda maraya gaba gabada

Kulankan Wasiir Fiqi iyo Gregory kasunku waxaa ku weheliyey madaxda Xiiryaha mashuurca world bank.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday si guul ah loona balamay in la xoojiyo wada shaqaynta.

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 07/11/2022

Garoowe 07,November,2022 wafti ka socda Banka aduunka ayaa maanta booqday machadka Tababarka Shaqaalaha rayidka ee dowladda Puntland.

waftigan ayaa waxaa xarunta kusoo dhoweeyey agaasimaha guud ee machadka Shaqaalaha rayidka ee dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Caydiid iyagoo kulan la qaatay Kulankaas oo uu shir gudoominaayey agaasimaha ayaa looga hadlaayey u kuur galida shaqooyinka socda ee la xiriira tababaradda shaqaalaha dowladda, dhamays tirka hawlaha qabyada ah sanadka inta ka dhiman iyo kala war qaadasho guud.

….………….. DHAMAAD……………….

Puntland Capacity Injection Project

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 07/11/2022

Garoowe; November 07; 2022; Wafti ka socda Bank aduunka ayaa maanta booqday Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland halkaas oo uu ay kusoo dhoweeyeen wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdrixamaan Caydiid Ibraahim oo uu weheliyo agaasimaha guud Mudane Jaamac Xasan Cabdulle.

Wasiirka Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulan kan oo looga hadlaayey waxyaalaha ka qabsoomay mashruuca tayeyta shaqaalaha ( CIP ) oo heer gabo gabo ah maraaya, diiradana lagu saaraayey diyaarinta siyaasada darajooyinka, mushaharaadka shaqaalaha, xogta shaqaalaha iyo wax ka badelka xeerka hawl gabka shaqalaha rayidka ha ee Puntland.

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 11/05/2022

Garoowe. 11.May.2022 Wasiirka Wasaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhawaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah, Jamaal Yusuf Carab ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Madaxa Kasocota Bangiga Aduunka.

Kulankan waxaa looga hadlay mashaariicda World Bank uu ka caawiyo wasaarada gaar ahaan waaxda Qorshaynta iyo Waaxda Qiimaynta iyo Dabagalka, iyagoo ay soo bandhigeen labada waaxyood guulihii laga gaaray barnaamijada Bangiga Aduun ka caawiyo wasaarada sida barnaamijka PIMES.

Barnaaamijka PIMES oo la dhamaystiray ayaa hada la bilaabi doonaa tababarida shaqaalaha dawlada ee ka kala howl gala Wasaraddaha, Gobalada iyo degmooyinka Puntland sidii ay xogta ugu xarayn lahaayeen marka mashaariicda lagu sameenayo qiimaynta iyo dabagal.

Puntland Cip

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 11/05/2022

Garoowe 11.May.2022 Madaxda Ka tirsan Baangiga Aduunka ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu soo afmeeraayey Sharciga Hawl gabka Shalaqaalaha Rayidka Dowladda Puntland si ay talooyinka looga dhageysto qaybo kamida Hay’adaha dowladda Puntland kulankan oo uu shirgoominaayey Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudan Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim.

Kulankan oo ka dhacay Hoolka Baankiga dowladda Puntland ayaa waxaa looga hadlaayey sidii loo dardar gellin lahaa Sharciga hawl gabka intuuna hor tagin gollaha Wakiilada si wax kabadal iyo rayigooda wax uga darsan lahaayeen guud ahaan.

Sidoo kale waxaa looga hadlay Pay and Grading iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Bangiga dowladda, Bangiga aduunka, Wasaradda Maaliyadda, Xafiiska Tayeynta shaqaalaha dowladda ee Madaxtooyadsa iyo qaybo kamida hay’adaha kale DLP.

……………DHAMAAD………….

Puntland Cip

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 10/05/2022

Goroowe 10.May.2022 Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntiland Mudane Cabdiraxman Caydiid Ibraahim oo uu weheliyo agaasimaha guud Mudane Jaamac Xasan Cabdulle ayaa labo kulan doceed la qaatay madaxda ka Socoto Bank aduunka oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Garoowe.

Kulan h**e ayaa ka dhacay Xafiiska Wasiirka Kaas oo looga hadlaayey sidii siyaasada Hawl gabka Shaqaalaha dhanka sidii loo baahin lahaa iyadoo lagu Wacyi gelinaayo Bulshada iyo Shaqaalaha Rayadka ah ee dowladda Puntland si faham iyo xog ogaal uga noqon karaan Siyaasada Hawl gabka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Puntilnad ku shaqayso.

Dhanka kale kulan isna shir gudoominaayey Wasiirka Wasaradda Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan agaasimayaasha guud ee Wasaraddaha Maaliyada iyo Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa looga hadlay mushaharaad kordhinta Dowladda Puntland Samaysay iyo qaabki ay dowladda uga qayb qaadatay fulintiisa wajiga kowaad ee Kordhinta Mushaharaadka, iyo sidoo kale sidii loo dhamays tiri lahaa bosaska Shaqo ee Shqo qeexisa u baahan ee ku harsan Qayb kamida Wasaraddaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale kulan kan ayaa looga hadlay arimaha Machadka tababarka Shaqaalaha Dowladda sidii khabaradii tababarka Sooqaatay ay usii tababari lahaayeen shaqaalaha rayidka ee Dowladda iyagoo kaashanaaya Machadka Tababarka Shaqaalaha Kenya garabna ka helaaya Bangiga aduunka.

Ugu danbayntii Madaxda Wasaraddaha ayaa uga mahad celiyey sida uu Bank aduunka u garab taagan yahay Dowladda Puntland.

…………………..DHAMAAD………………..

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 10/05/2022

Garoowe, 10.may.2022: Waxaa maantay ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada shir ay yeesheen Wafti ka socdey Bangiga Adduunka oo maalmahaa hawlo shaqo u joogey Puntland, Xafiiska Tayeynta Mashruuca CIP iyo waaxda Xiriirka Golayaasha ee Madaxtooyada Dowladda Puntaland.

Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd in waftiga loo sharaxo qaabka uu u shaqeeyo hab Casri ah oo lagu maamulidoono shaqooyinka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland habkaas oo loo yaqaano E-Cabinet System oo uu ka taageeray Bangiga Adduunku Madaxtooyada.

Ugu danbayn Masuuliyiinta kala duwan ee Madaxtooyada ayaa uga mahadceliyey Bankigaga aduunka sida ay u garab taagan yihiin hay’adaha kala duwan Dowladda Puntland.

…………………….DHAMAAD……………………….

Puntland Cip

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 09/05/2022

Garoowe. 09.May.2022. Wafti ka socda Baanka aduunka ayaa maanta booqday Xarunta Wasaradda Caafimaadka iyadoo halkaa uu ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdinaasir Yuusuf ayaa waxaa looga hadlaayey Cafimaadka Shaqaalaha Hawl gabka ee Dowladda Puntland.

Kulankan oo uu shir gudoominaayey Wasiirka ku xigeenka Wasaradda Cafimaadka oo uu weheliya agaasimaha guud ee Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Jaamac Xasan Cabdulle ayaa ka dhacay Hallka Wasaradda cafimaadka kulankan ayaa looga hadlay sidii qaybteeda kaga aadan Cafimaadka Shaqaalaha hawl gabka noqday, u ilaalin lahaayeen, talo uga bixin lahaayeen inuu hawl gab noqday ama naafo noqday, iyagoo talooyinka iyo xogta muwaadinka u gudbin doona Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyadoo loo xilsaari doono gudi hawlaha ka shaqeeya dabagalna ku samayn doona.

………………. DHAMAAD……………….

Puntland Cip

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 09/05/2022

Garoowe. 09.May.2022 Madax ka socota baanka aduunka ayaa xafiis kiisa ku booqday Agaasimaha guud ee Wasaradda Maaliyada Mudane Maxamed Cabdi Cilmi kulankaas oo ahaa Salaan iyo Horu dhaca kulan ay yeelanayeen Madaxd Wasaraddaha Maaliyada iyo Shaqada iyo Shaqaalaha, iyagoo uga war bixinaaayey hawlaha ay u socdaan iyo sidii ay xog uga ogaan lahaayeen hawlaha ay kala shaqeeyan Wasaradda Maaliyada qaabka habsami usocodka leh ee ay u shaqeeyaan Mashaariicdaasi.

Dhanka kale kulan uu shir gudoomiyey Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahin oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Maaliyada ayaa waxaa looga hadlaayey mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Labada Wasaradood Iyo sidii shaqaalaha loogu samayn lahaa siistam cusub ee HRMIS ka oo loo samayn doono shaqaalaha rayidka ee dowladda Puntland sidii ay taladooda uga dhiiban lahaayeen madaxda Wasaradaha iyo madaxda ka socota Baanka Aduunka,

Kulan ayaa laysla lafa guray laguna eegay caqabada horyaala diyaarin HRMIS ka sidoo kale kulankan ayaa waxaa lagu eegaayey sidii ay u wada shaqayn lahaayen siistamka maaliyada iyo Kan Cusub iyo sidii Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha doorkeeda u qaadan karto ugana wada shaqayn karaan Labada Wasaradda iyagoo is kaashanaaya.

……………. DHAMAAD………………

Puntland Cip

Photos from Puntland Capacity Injection Project's post 09/05/2022

Garoowe 09.May.2022 Madax katirsan Baanka aduunka oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa maanta Malinkii labaad kulan la qaatay Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Cayiid Ibraahim iyo madax ka tirsan Wasaradda.

Kulankan oo looga hadlaayey sidii loo dar dar gellin lahaa h**e usocod siinta Machadka tababarada Shaqaalaha rayidka ee dowladda puntland kaas oo dhowaan dib u hawl gellintiisa Xariga laga jaray iyadoo khubaro dowladda Ka tirsan dalka dibadiisa tababaro kusoo qaateen sidii ay ubixin lahaayeen casharadda una diyaarin lahaayeen koorasyada muhiimka u ah socod siin hawlaha shaqo e dowladda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay caqabada hor yaala furitaanka iyo sidii dhakhso loogu bilaabi laha habsami usocodka macadka Dolwadsa Iyadoo Baanka aduunka Garab kasiin doono socod siinta Hawlaha Shaqo.

……………. DHAMAAD………………

Puntland Cip

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
18:00 - 19:00
Sunday 08:00 - 17:00
18:00 - 19:00