01/09/2026
Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa qabtay kulan lagaga hadlay Habraaca Baadhitaanka Dhacdooyinka iyo Shilalka la Xidhiidha Korontada.
Hargeysa, 1 September 2026 –
Kulan uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland Mudane Eng. Maxamed ahmet Ibraahim (Arnab) ayaa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Xafiiska Komishanka.
Kulankan waxa Agaasimaha Guud ku wehelinayay Xubnaha Guddida Nidaaminta Tamarta, La-taliyayaasha Komishanka iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta, Eng. Khadar Maxamuud Guuleed. Waxa sidokale qayb ka ahaa kullanka masuuliyiin iyo wakiillo ka socday hay’adaha ay khusayso Habraaca baadhista shilalka la xidhiidha korontada, oo ay ka mid yihiin Xeer-Ilaalinta Guud, Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka Dab-demiska Somaliland, iyo masuuliyiin ka socday Cidbitaalka Guud ee Hargeysa.
Kulankani ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Habraaca Baadhista Shilalka La Xidhiidha Korontada, kaas oo uu Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland diyaariyey, ujeeddadiisuna tahay in la xoojiyo habraacyada baadhista iyo maaraynta shilalka ka dhasha korontada.
Ujeeddada kulankani ayaa ahayd in si wadajir ah loo eego hagaha, isla markaana la isla fahmo habraac mideysan oo loo maro baadhista shilalka la xidhiidha korontada, iyada oo la xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda Hay’adaha ay arrintani khusayso.
Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland waxa uu muhiimad gaar ah siinayaa horumarinta nidaamyada iyo habraacyada lagu xaqiijinayo badbaadada korontada, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta baadhista shilalka la xidhiidha korontada.
Kulan-kanina waxa uu qayb ka yahay dadaallada Komishanku ku horumarinayo nidaaminta tamarta iyo ilaalinta badbaadada bulshada, iyada oo la xoojinayo iskaashiga Hay’adaha kala duwan ee door ku leh arrimaha korontada, baadhista shilalka iyo badbaadada bulshada.
● 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 ●
𝐀𝐁𝐃𝐈𝐅𝐀𝐓𝐀𝐇 𝐊𝐀𝐀𝐑𝐓𝐎
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War isgaadhsiinta Ee KNTS.