Caddalool

Caddalool

Share

Madasha SAWRAC waa madal soo gudbindoonsa arrimaha Fanka, suugaanta, sawraca, iyo dhaqanka

18/09/2022

Gabyaaga Soomaaliyeed iyo Geerida

Noole walba oo dunidan guud saarani maalin buu dhashay, sidoo kale maalin buuna dhimanayaa. Aadamuhu waa mid ka geddisan noolaha kale ee Eebbe khalqay. Waxa laga yeelay noole qurux badan Alle ku faroyaraysatay, isla jeerkaana inta la karaameeyay ayaa xisaab iyo xaalad danbe la daba dhigay. Xisaabta aakhiro looma qarin ee si cad baa loogu qeexay, oo waxa loo soo diray Digayaal[Nebiyo].

Sidaas aawadeed, quruun waliba waxa ay isku wacdidaa oo wax isugu sheegtaa afkeeda iyo odhaahda ay isla fahmayaan. Gabyaaga Soomaaliyeed iyagoo midhkaa maanka ku haya, intooda badani arrintan si wayn bay isu dultaageen oo uga hadleen. Halkan hoose waxa ku yaal dhawr nin oo aan midba waxyar ka soo qaatay. Raggani waxay guteen waajib culus oo ummadeed. Alle ha ka ajar siiyo'e.

["..Wedku k**a ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
Nafle Aadan k**a wiil badnayn waana kii dilay
Waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
Culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
Wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shayddaane.."]
~Salaan Carrabay, AHUN.

["..Hadday dunidu kheyr leedahoo la isu daynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudki Nebi Aadan
Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin.."]
~Ismaaciil Mire, AHUN.

["..Wedku kuuma oga Yuusufoow wiil inaad tahaye
Waagii beryaba mawdku waa kugu wareegaaye
Waayeel caddaadiyo u siman weled saqiiriiye
Inaan waaratiin laysu qorin waa war la hubaaye
Waygii Ilaahay nin jaray laga wanaag roone
Shaydaan wixii weheshadaa weyllintuu kace'e
Waysada ha daynnina ayuu ina wadeecayne.."]
~Jaamac Axmed "Gacmadheere", AHUN.

["..Naxdin cadaw nayaayir iyo farax nabad la doonyaysto
Gu'goo naqa le jiilaalkiyoo nagi abaareeda
Naftii waliba way soo martaa noocyadaa badane
Natiijadu se waa geeridaan laga nagaanayne.."]
~Jaamac Cali Abaar, AHUN.

["..Waxaad maalmo daafdaafisoo dirac ismooddaaba
Marka mawdku kugu soo degee dubuq lagaa siiyo
Adigoo daciifaa qabriga lagugu duugaaye
Dareenkaa layaabka le adoo wada deddoonaaya
Daqiiqado naftii kaa tagtaa lagugu daabaaye
Malaa'iig Ilaah soo diraa kuugu soo dega'e
Degdegna waw su'aalaan wixii Daayin soo faraye
Dariiqii Rasuulkiyo[Scw] qofkii dawgi garan waaya
Dubbahay godkii kala dhacaan labada daamoode.."]
~Ismaaciil-SHawle Jibriil Siciid.

W/Q: Shaafici Maxamuud Muuse

18/09/2022

Re-post—MASASKA IYO MAGACYADOODA
Ibrahin Awale Febraayo 27, 2015

SANGOROFLE: Mid ka mid ah masaska ugu halista badan. Waa luqun ballaadan yahay. Waxana uu yahay jaadka afka qalaad lagu yidhaahdo “cobra”
JILBIS: Mas da’ weynaaday oo soo gaabtay ama dhammaaday. Waxa la yidhaahdaa aad bey suntiisu u daran tahay
LAAB IYO LUQUN MADOOBE: Mas halis ah oo astaamahaas leh
HALAQ: Waa mas gaaban oo midabkiisu madow yahay. Darnaanta suntiisa awgeed, qofka uu cuna a’ba ma yidhaahdo
ABGURI: Abeeso weynaatay oo jidhif yeelata sida masacagalayda oo kale. Waxana lagu naanaysaa ‘xasasjiif’ iyada oo degellada laga helo.
ABEESO: Waxa ay ku badan tahay dhulka gubanka. Aad bey u daran tahay sunteedu. Ciidda ayay cuntaa ayaa la yidhaahdaa.
GOOD: Mas surkiisu cad yahay. Darnaanta suntiisa awgeed, qofka uu cuna a’ba ma yidhaahdo, ama laguma soo gaadho. Waxa kale oo lagu naanaysaa ‘good laba afle’. Dhallinta ciyaargudka ah ee reer ciyaar ka dul qabsada, marka ay inantu u soo bixi weydo, ayay odhon jireen “naa soo bax good laba’afle ku cunye”!
ABUR: Waa mas aan dhibaato lahayn. Liidad leh, dhirta lagu dul arko oo ka ciya. Waxana la yidhaahdaa ‘mas wadaad’. Waa tii odhaahdi baxday "mas abur dhalay".
SUBXAANYO: mas aan wax cunin ama dhibaato u lahayn dadka.

12/09/2022
09/09/2022

Ismaaciil Sheekh Axmed “Ismaaciil-Cagaf” oo 1935 ku dhashay Gudubi, Togdheer. Waa halabuurkii sameeyay baydadka ugu badan ee lagu qaado heesaha Qaraamiga ah. 2007 buu Hargeysa ku geeriyooday.

23/08/2022

Haweenayda Mary Harper, oo qortay buugga "Getting Somalia Wrong — (Warxumatashiilinta Soomaaliya)," waxay BBC, oo ay u shaqayso, ku faafisay warbixin ay ka diyaarisay hal-abuurka Soomaalida caanka ka dhex ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi). Oday Hadraawi, oo waxqabadkiisa curineed uu u kala gooshay geesaha dhulka Soomaalida, waxa ay Mary Harper si weyn ugu dhex ammaantay warbixinteedan.

Ammaantaa ay u miistay waxay ka bilawday in ay Hadraawi ku tilmaamto "Sheekisbiirka Soomaalida." Shakespeare (1564-1616) wuxuu ahaa hal-abuur kale oo u dhashay Ingiriiska, oo qiimo weyn ku dhex leh ummadda danaysa suugaanta Ingiriiska. Marka ay qiimaynayso waxqabadka iyo maskaxda Hadraawi, waxay muujisay in ay uga maarmi weyday soo-ergisashada magac Galbeedi ah.

Caqliyadda sifayntan oo kale hagtaa badanka waa maanhag ixtiraam weyn u haya qofka cad, Afrikaankana u haysata dugaag aan iskii loo sifayn karin e, u baahan in lagu dhereriyo qof kale oo cad, oo halbeeg ah. Marwo Harper ku ma ay ekaan oo keli ah in ay Hadraawi ku qiyaasto caqliyaddaas e, waxay been ka sheegtay sida dadka Soomaalida ahi u cabbiraan oday Hadraawi. Waxay sheegtay in Soomaalida ay tahay ciddan Hadraawi ku magacawda "Sheekisbiirka Soomaalida." Soomaalida in badan oo ka mid ahi maba yaqaannaan cidda uu ahaa Shakespeare e, goorma ayay gaadheen heer ay halbeeg ka dhigtaan?!

Qofka madaw, ee sida Hadraawi wax curiya, waxay Harper iyo dadka la caqliyadda ahi u arkaan qof nusqaan leh oo aan keligii istaagi karin, una baahan halbeeg lagu cabbiro, oo weliba halbeeg Galbeed laga soo ergistay ah. Indho Yurub (eurocentrism) ayay ku eegtay.

Hadda, Sheekisbiir waxqabadkiisa ma xaqirayo. Wuxuu ahaa nin xurmo leh, oo hal-abuurnimo korran la yimi. Sida oo kale warbixinta Mary Harper waa warbixin si qaayo sarraysa loo diyaariyay, oo laga yaabo in qalbiwanaag badanina riixayay. Balse midda u baahan in lagu baraarugaa waa caqliyaddan aadka u hoosaysa ee qofka muuqda, ee aan Galbeediga ahayn, la doonanaysa qof cad oo reer Galbeed ah. Waa maanhag kibirsan, oo dunidaba u arka "Galbeed iyo in aan ka maarmin (the West and the Rest)."

guudcadde

22/08/2022
21/08/2022

Nabadgelyo macallin!

By: Dr Jama Musse Jama, PhD

Mohamed Ibrahim Warsame ‘HADRAAWI’, one of the most popular Somali contemporary poets passed away Thursday 18th of August 2022 in Hargeysa, Somaliland. Recognized for his unmatched role both within his native people and internationally and awarded by renowned cultural institutions, Hadraawi’s poetry and philosophical expressions had an unparallel impact on many people over the last six decades. On a personal note, he was my mentor, advisor, and most caring friend I ever met, someone to look up to and learn from his every single action and the word he says. Hadraawi was a life-teaching institution whose words and actions match so meticulously, and his body and actions resonate with what his poetry was preaching. His poetry, in fact, is not for entertainment, it needs a critical mind to comprehend the message it conveys, and whoever knows Hadraawi in person, feels Hadraawi’s poetry as the essence of his language and that language is a mirror of his own soul. The following short biography is based on editor’s note of my 2013 edited ‘The Poet and the Man’.

Hadraawi was born in 1943, towards the end of the Second World War, into a nomadic, camel-herding family living in the harsh environment of the district of Burao in Somaliland. The formidable environment of his homeland seems, from his earliest childhood, to have nurtured a resilient character. In 1955, he was sent to the then famous city seaport of Aden, in the southwest of the Arabian Peninsula, to be taken under the care of his uncle Niibsane. Attending his Koranic madrassa in Aden, he soon developed the habit of seizing the opportunity made available by his teacher’s short absences when he would gather his classmates around him, entertaining them with his recitations of traditional Somali folk tales which he had amassed in his childhood, sometimes with the addition of his own stories for extra flavour. His Koranic teacher, discovering this tendency to regale his class given the opportunity, nicknamed him ‘Hadraawi’, the big talker! By then he had already shown the first signs of the great poet he would become. After finishing his secondary education at St. Anthony High School in 1967, he left for the then Somali Republic and joined the Lafole Teachers’ Education College, near Mogadishu. From that time on, the poetic animal in him found a solid footing.

His first play, HADIMO, staged at the National Theatre in Mogadishu in 1968, was an eye-catcher. It was mainly for entertainment; but the combination of excellent acting – Hadraawi himself taking part – and brilliant songs, secured him wide popularity. Thereafter, it didn’t take long before his name was rightly placed among the established masters of the Somali art like Ali Sugulle, Hassan Sheikh Mumin, Ahmed Suleiman Bidde, Mohamoud Ismail Qassim and others. Enthused by such sudden success, driven by youthful spirit, and with the added boost of having secured a place in Lafole Teachers’ Education College, he quickly rose to eminence as the unchallenged king of the Somali love song with the release of a succession of much adored masterpieces. including Suleykha, Cajabey. Beledweyn. Axaddii. Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray, Amal, Hudhud, and others.

Unfortunately, the honeymoon was not to last. The seizure of power by the Somali military from the civilian government and the concomitant curtailment of civil liberties, and most particularly freedom of expression, ushered in a very different set of conditions for the Somali people. Hadraawi’s poetic engagements were consequently fated to take a major shift as much of the country slipped, under autocratic rule, towards doom and darkness. His mysterious song poem Hal La Qalay Raqdeedaa and his engagement with other colleagues in producing the controversial play Aqoon Iyo Afgarad, which in its turn heralded the famous Siinley chain of poems in combat in the early 70s, alerted the sensitive junta to the rise of a dissident voice and Hadrawi was jailed in 1973 for anti-revolutionary activities.

By then a well-known artist, a respected teacher, and an amicable social personality, many scholars, politicians, and businesspeople were alarmed by Hadraawi’s imprisonment without trial. A number of leading figures took the matter of his release up with General Siad Barre; to which the General consented only on the condition that Hadraawi would make a written request for a pardon and pledge to refrain from any further counter revolutionary activities in the future. A demand, of course, which Hadraawi dismissed outright as outrageous, thus continuing his internment in Qansaxdheere for the next 5 years until 1978.

After his release in April 1978, he was given the post of director in the Academy of Arts and Social Sciences; but he soon became disgruntled by the way the affairs of the country were running and threw his lot in with the patriotic group who initiated the famous DEELLEY chain of poems. His poem DAALACAN, the second in this series, is amongst the most critical of the regime’s irremediable nature. But still not content with that, he practically fled Somalia and joined the opposition forces of the Somali National Movement (SNM) in Ethiopia. There it was that he unleashed his passionate, patriotic libertarian poems in the eighties of the last century during the heated struggle against the obnoxious military regime. Fiery poems like Daallaley, Waxyi, Sirta Nolosha, Gol Jano, Isa Sudhan, Dallaalimo, and Gudgude are among those still fresh in people’s minds and the lessons they bore are still as valid as ever.

Hadraawi joined SNM in April 1982, crossing the border with his friends Rashiid Sheekh Abdillaahi, Farah Ahmed Ali “Gamuute”, Yaasiin Hagi Nuur and Mohamed Hashi Dhamac “Gaarriye”, a group of literary giants and thinkers who shaped the narrative of the political landscape of the Horn of Africa. He resisted until the ultimate liberation of Somaliland in 1991.

Hadraawi left for the United Kingdom in 1993, where he lived for five years. In that period, most of his friends asked Hadraawi to seek asylum and settle in the UK but he declined. It was during this period that a marked shift in his views had been observed. He increasingly drifted towards conservative Somali traditional norms and got highly steeped in Islamic religious principles. Hadraawi produced ‘Dabo Huwan’ which is based on an ancient word to describe ‘life’. The work he has since produced while in London offers many insights into his beliefs, which are clearly influenced by his Somali nomadic heritage and his faith.

In 2001, Hadraawi moved to Somaliland, returning to an area close to that in which he spent his childhood. In 2004, Hadraawi singlehandedly undertook the legendary mission which came to be known as the “Hadraawi Peace March”. He embarked on an extensive tour, through many of the war-ravaged towns and cities of neighbour Somalia, from the northeast right down to the south, appealing for peace and showing his solidarity with those suffering. He was joined on his march by hundreds of others as he traveled despite the perils on the way. Admittedly, Hadraawi had no illusion that restoring peace by such efforts would be simple; but his main intent, as he unequivocally put it, was to show his hapless people how much he cared about their welfare and that he had not forgotten them in those hard and trying times. In that regard, his message was not in vain.

To Hadraawi the lofty principles of justice and human rights always remain indivisible and absolutely universal in essence. This is most pronouncedly evidenced by his untiring campaign against the plight suffered by the GABOOYE group; and one of his latest poems DHUL GARIIR (Earthquake), dedicated to this important issue, highlights the ill-treatment Somali society of this stigmatized group.

Hadraawi’s distinguished rank as the leading icon of contemporary living Somali poets has arisen for many reasons. Significantly, his literary production is prolific, having composed more than 200 short and epic poems over the past 40 years, all of irresistible appeal to the Somali masses since they truly reflect the nation’s struggle, its present predicament and future aspirations. In addition to all this, the themes his poems deal with are so multifarious that they range from beautiful and popular love songs to burning socio-political issues of national importance. In a nutshell, one can safely say all of Hadraawi’s poems are characterised by such laudable features as tenderness of feelings, a strong passion for justice, an excellent command of the language, a masterful utilization of legendary folk tales, a keenness for preserving Somali cultural heritage, an ability to vividly depict a vast range of artistic and literary images. No better illustrations of these facts can be made, according to Hadraawi’s personal affirmation than citing “DABAHUWAN” his longest and most forceful depiction of his philosophical world outlook since the ignominious exit of the military dictatorship in 1991.

His works has been translated into English, and new collection of his poetry and prose have been published in Somali. Hadraawi is 2012 Prince Clause Laureate for “creating profound and beautiful poems that enrich and expand the centuries-old oral poetry tradition that is central to contemporary Somali culture and identity; for sustaining shared historical awareness and inclusive discourse in divisive times; for his lifelong commitment to community development and social justice; and for building bridges, providing inspiration and promoting peace through poetry.”

No matter how much one might agree or disagree with Hadraawi’s political stand and ideological bearing – and indeed there must be many who find cause to do dispute one or other point – the truth remains that no one else has ever captured so much respect and consideration from so many Somalis and beyond as Hadraawi has for his humanity or for the lofty moral values of love, hope, purity, refinement, nobility, and the sincere impressions that run through all of his works.

Dr. Jama Musse Jama can be reached on twitter | email: [email protected]

Share this:

20/08/2022

20+ names for the clouds ☁️ in Somali language:

- Daruur
- Heego
- Hogol
- Hanjalis
- Waqal
- Fad
- Guulaamo
- Marso
- Biyo la-roor
- Jarar
- Sagal
- Yaare
- Yal
- Caad
- Ceeryaan
- Cirtoob
- Wayle
- Kaydaf
- Cadar Xagaa
- Garab
- Gaadh

Xigasho: Musa Dalmar

19/08/2022

Today, Africa (the world) lost a literary giant. Somali poet, philosopher and songwriter Mohamed Ibrahim known by the pseudonym Hadrawi, died at age 79.

Hadrawi, a prolific writer, was considered by many to be the greatest living Somali poet and “has been likened by some to Shakespeare.” He has written “many notable protest works” like Hooya la'anta ('Motherlessness') and his poetry has been translated into various languages.

In 2012, Hadraawi was awarded the Prince Claus Award for his contributions to peace through his poetry.


18/08/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Caddalool waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Bahda Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii iyo Asxaabtii,Qaranka Somaliland iyo dhammaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga ee uu ka baxay Abwaankii weynaa Maxamed Ibraahim Warsame ''Hadraawi'' oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Hargeisa