Somaliland Innovation Zone

Somaliland Innovation Zone

Share

πŸš€ Empowering The Next Generation of Somaliland’s Tech Leaders

30/03/2026

Fursad waxbarasho – Multimedia and Graphic Design.

Xarunta Somaliland Innovation Zone waxay ugu bushaaraynaysaa ardayda in la bilaabi doono Multimedia and Graphic Design kaas oo socon doona mudo 4 bilood ah

Barnaamijkan ayaa dhalinyarada ka caawin doona buuxinta fursadaha shaqo iyo sidoo kale abuurida ganacsiyo iyaga u gaar ah.

𝗙.π—š: Tababarkani waxa uu socon doona mudo 4 bilood ah (16 weeks), wakhtiga la dhigan doono 4:00 – 8:00 PM.
Waa inaad haysata shahaado la xidhiidha tiknoolajiyadda ama aad tahay arday wax ka barta jaamacadaha gaar ahaan kuliyadaha la xidhiidha technology ga

Diiwaangalintu waxay socon doontaa inta u dhaxaysa 30 - March ilaa 4 April 2026.
Fadlan Link-gan hoose iska diwaan gali.

https://tinyurl.com/Multi-media2026

28/03/2026

Fursad waxbarasho – Diploma Full Stack Development.

Xarunta Somaliland Innovation Zone (SIZ) waxay ugu bushaaraynaysaa ardayda in la bilaabi doono Diploma Full Stack Development ah isla markaana ay ardaydu si dhamaystiran ugu baran doonaan dhisida nidaamyo dhamaystiran.
Barnaamijkan oo Socon doona mudo 6 bilood ah ayaa xooga lagu saari doonaa in dhalinyarada laga caawiyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen fursadaha ka jira suuqa.

𝗙.π—š: Tababarkani waxa uu socon doona mudo 6 bilood ah (24 weeks), wakhtiga la dhigan doono 8:00 – 12:00 AM sidoo kale Sabti, axad iyo isniin ayay classes ku bixi doonaan.
Si aad uga qayb qaadato Waa in aad haysataa shahaado la xidhiidha tiknoolajiyadda ama aad tahay arday wax ka barta jaamacadaha gaar ahaan kuliyadaha la xidhiidha technology ga

Diiwaangalintu waxay socon doontaa inta u dhaxaysa 28 - March ilaa 03 April 2026.
Fadlan Link-gan hoose iska diwaan gali.

https://tinyurl.com/fullstck2026

Photos from Somaliland Innovation Zone's post 04/02/2026

Tababar ku saabsan garaadka macmalka ah (Artificial intelligence) ayay xarunta Somaliland Innovation Zone u qabatay qaar kamid ah ardayda jaamacadaha dalka

Xarunta Hal-aburku iyada muhiimad gaar ah siinaysa ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka gaar ahaan kuliyadaha Tiknoolajiyadda waxay bilowday tababarkan oo kor loogu qaadi doono aqoonta dhinaca garaadka macmalka ah kaas oo mudooyinkan danbe si xawli ah u kobcaya.

Ugu danbayn Xaruntu waxay rajaynaysaa in ardaydani soo kordhin doonaan Hal-abuur cusub oo dhinaca garaadka macmalka ah isla markaana ay uga faa idayn doonaan bulshada.




Photos from Somaliland Innovation Zone's post 28/01/2026

Xarunta Hal-abuurka Somaliland Somaliland Innovation Zone ayaa tababar uqabatay qaar kamida dhalinyaradda Jaamcadaha dalka.

Ardaydu waxay baran doonaan qaybaha Muuqaal hagaajinta iyo Nashqadeynta Sawiradda ( Multimedia & Graphic Design), kooraskan wuxuu socon doona mudda 4 Week ah.
Tababarkani waxa uu fursad u siinayaa dhalinyarada inay horumariyaan xirfadooda dhanka digital-ka.

Ujeeddada tababarkani waa in kor loo qaado awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan suuqa shaqada, horumarinta hal-abuurka iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.




Photos from Somaliland Innovation Zone's post 25/01/2026

Xarunta hal-abuurka Somaliland Innovation Zone ayaa tababar u qabatay qaar kamid ah dhalinyarada jaamacadaha dalka
Tababarkan oo daaran kor u qaadida xirfadaha dhalinyarada ayay ku baran doonaan xidhista iyo cilad saarida camera daha ilaalada iyo qalabka xaadiriska ka CCTV AND FINGERPRINT INSTALLATION.

Ujeedada tababarkan ayaa ah in kor loo qaado xirfadaha dhalinyarada si looga caawiyo shaqo abuurka iyo inay buuxin karaan baahiyaha shaqo ee ka jira suuqyada dalka.




05/01/2026

MA XIISAYNAYSAA INAAD BARATID XIRFADO KALA DUWAN OO KAA CAAWINAYA INAAD GALI KARTO SUUQA SHAQADA ISLA MARKAANA AAD LA IMAN KARTO HAL-ABUUR GANACSI.

Hadaba Xarunta Hal abuurka ee Somaliland Innovation Zone waxay kuu haysaa fursado tababar oo kala duwan hadaba si aad uga faa idaysato tababaradan fadlan h**e isku diwaan gali

𝗙.π—š: Tababarkani waxa uu socon doona mudo Afar Todobaad ah (4 weeks), wakhtiga la dhigan doono 8:00 – 11:00 AM iyo 4:00 - 6:00 PM.
Waa inaad haysata shahaado la xidhiidha tiknoolajiyadda ama ka barataa Jaamacadda.

Diiwaangalintu waxay socon doontaa inta u dhaxaysa 06- January ilaa 12 January 2026.
Fadlan Link-gan hoose iska diiwaangeli.

https://tinyurl.com/Regist-Courses2026



Photos from Somaliland Innovation Zone's post 31/12/2025

Xil Wareejin

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Jamaal Maxamed Jama, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay agaasimihii h**e ee Xarunta Suleikha isxaaq cumar iyo agaasimaha cusub ee Xarunta Hal-abuurka Somaliland Innovation Zone Hibo Saleebaan Aamin.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay agaasimihii h**e doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaadatay kobcinta xarunta intii ay xilka haysay, isagoo sidoo kale si rasmi ah u soo dhaweeyay agaasimaha cusub, kuna dhiirrigeliyay inuu sii amba-qaado horumarka iyo hal-abuurka dijitaalka ah.

Masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan xarunta oo goobta ka hadlay ayaa muujiyay taageeradooda, iyagoo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay hoggaanka cusub, una mahadnaqay agaasimihii h**e dadaalkii ay galisay muddadii ay xilka haysay.




Photos from Somaliland Innovation Zone's post 25/12/2025

Arday ka socotay Jaamacadda Camuud gaar ahaan kuliyadda ICT-ga (Senior Business IT) ayaa maanta booqasho kuyimid Xarunta hal-abuurka Somaliland Innovation Zone.
Maamulka iyo hawl-wadeenada xarunta hal-abuurka ayaa kusoo dhaweeyey ardayda islamarkaana warbixin ka siiyey sida ay ushaqayso guud ahaan xaruntu iyo tababarada kala duwan ee dhinaca Tiknoolajiyadda la xidhiidha ee Xaruntu bixiso.



Photos from Somaliland Innovation Zone's post 16/12/2025

Xarunta Somaliland Innovation Zone ayaa bilawday tababarka (π‘«π’Šπ’ˆπ’Šπ’•π’‚π’ π‘Ίπ’Œπ’Šπ’π’π’” & π‘©π’“π’‚π’π’…π’Šπ’π’ˆ), kaasoo ay ka faa idaysan doonaan dhalinyaradu.

Tababarkan oo kor loogu qaadayo xirfadaha Online-ka & Sumcadda Baraha bulshada ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa xirfadaha dhijitaalka ah kana caawin doona dhalinyarada kor u qaadida xirfadooda iyo sidii ay uga faa idaysan lahaayeen fursadaha ganacsi ee Suuqyada dalka.

Ugu danbayn Xarunta Hal-abuurka Somaliland waxay ku dadaalaysaa inay dhalinyarada ku qalabeyso xirfadaha casriga ah ee fursado shaqo ay ku abuuran karaan.




Photos from Somaliland Innovation Zone's post 11/12/2025

Tababar ku saabsan garaadka macmalka ah (Artificial intelligence) ayay xarunta Somaliland Innovation Zone u qabatay qaar kamid ah ardayda jaamacadaha dalka

Xarunta Hal-aburku iyada muhiimad gaar ah siinaysa ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka gaar ahaan kuliyadaha Tiknoolajiyadda waxay bilowday tababarkan oo kor loogu qaadi doono aqoonta dhinaca garaadka macmalka ah kaas oo mudooyinkan danbe si xawli ah u kobcaya.

Ugu danbayn Xaruntu waxay rajaynaysaa in ardaydani soo kordhin doonaan Hal-abuur cusub oo dhinaca garaadka macmalka ah isla markaana ay uga faa idayn doonaan bulshada.




Photos from Somaliland Innovation Zone's post 08/12/2025

Xarunta Hal-abuurka Somaliland Somaliland Innovation Zone oo tababar uqabatay qaar kamida dhalinyaradda Jaamcadaha dalka.

ka qaybgalayaashu waxay baran doonaan qaybaha Muuqaal hagaajinta π—Άπ˜†π—Ό Nashqadeynta Sawiradda ( Multimedia & Graphic Design), kooraskan wuxuu socon doona mudda 4 Week ah.
Tababarkani waxa uu fursad u siinayaa dhalinyarada inay horumariyaan xirfadooda dhanka digital-ka.

Ujeeddada tababarkani waa: -
In kor loo qaado awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan suuqa shaqada, horumarinta hal-abuurka iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.



Photos from Somaliland Innovation Zone's post 06/12/2025

Xarunta Somaliland Innovation Zone (SIZ) ayaa bilawday tababar ku saabsan Asaasiyaadka Computer-ka (Computer Basics), kaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada hada uun bilaabaya Jaamcadaha ee kasoo gudbay dugsiyada sare.
Ujeeddada tababarkan oo ah:-
1. In kor loo qaado fahamka iyo xirfadaha aasaasiga ah ee kombiyuutarka.

2. Inuu u gogol xaadho barashada tiknoolojiyadda casriga ah, una sahlanaato ka faa’iidaysiga fursadaha ku xeeran horumarka dhijitaalka ah.




Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Thursday 08:00 - 20:00
Saturday 08:00 - 20:00
Sunday 08:00 - 20:00