Jimciyatul Axbaab

Jimciyatul Axbaab

Share

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axb

27/10/2024

Xus Oo Xasuusnow, Saliga Xabiibkeenii Muxamed SCW
Jimciyatul Axbaab

08/02/2024

Munaasibad lagu xusaayey “Laylatul Israa Wal-Micraaj”, Habeenkii Nabi Muxamed la Dheelmiyey, oo lagu qabtay Masjidul Jaamaca Weyne ee Hargeysa

Jimciyatul Axbaab
Masjidul jaamac hargaysa

08/12/2023

Xus Oo Xasuusnow, Saliga Xabiibkeenii Muxamed SCW

Jimciyatul Axbaab

21/10/2023

Aynu ku salino Xabiibkeenii Muxamed SCW
Jimciyatul Axbaab

16/07/2023

Ku Sali Nabigeeni Muxamed SCW

10/03/2023

Caawa waa Jimce, Ku Sali Nabigeeni Muxamed SCW

04/08/2022

XUSKA SIYAARADA SHEEKHUL BELEDKA MAGAALADA HARGEYSA, SHEEKH MADAR AXMED OO HARGEYSA LAGU QABTAY.

Hargeysa - Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey, Xuska Siyaarada Sheekhul Beledka magaalada Hargeysa, Sheekh Madar Axmed, ayaa si balaadhan loogu qabtay xarunta qudbiga Sheekha ee kuyaala xaafada loogu magac-daray ee Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa. Xuskan oo si joogto ah sanad-walba loo xuso ayaa ah mid loogu duceeyo Sheekha iyo guud ahaan dalka iyo dadkaba.

Sheekh Madar Axmed, oo sida aynu xusnay ahaa Sheekhul Beledkii magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kalena waxa uu kamid ahaa dadkii aas-aaskii iyo bilowgii magaalada Hargeysa kaalinta ugu weyn ku lahaa, isagoo sidoo kalena Sheekha lagu xasuusto doorkii lama ilaawaanka ahaa iyo dadaalkii naf hurka ahaa ee uu dadkiisa ku baray culuumta kala du-duwan ee Diinta Islaamka.

Sheekh Madar Axmed ayaa dadaalkiisii Diiniga ahaa ee uu dadkiisa ugu adeegaayey waxa uu noqday mid ay sidii uu u bilaabay ay wali u wadaan awlaadii iyo tafiirtiisii ka farcantay, waxaana haatan xilkiisii haya oo hawlihii Diiniga ahaa dadkooda ugu adeega tafiirtiisii afraad ee ka farcantay Sheekha.

Xuska Siyaarada oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Hargeysa, oo ay kasoo qayb-galeen qaar kamida culumida waa-weyn JSL, ayaa waxa loogu duceeyey Sheekha xuskan loo sameeyey iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland.

Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, oo isagu ah Sheekhul beledka haatan haya xilka Sheekhul-belednimo ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu bulshada reer Somaliland ugu duceeyey oo uu ilaahay uga baryey, in ilaahay Abaaraha, Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana si degdega uga dul-qaado, oo uu dhamaan wixii ka xun u hagaajiyo, quluubtooda mideeyo, amniga iyo nabadgalyadana u siyaadiyo. Aamiin Ilaahay haynoo aqbalo.

Xafiiska Warfaafinta Jimciyatul Axbaab
Hargeysa/Somaliland

29/07/2022

Hambalyada Jimciyatul Axbaab ee Curashada Sanadka Cusub ee Islaamka 1444-ka.

Kullu Caam Wa-Antum Bil-khayr

Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada waxbarashada diinta iyo maadiga ah, caafimaadka iyo qaban-qaabinta xafladaha iyo xusaska diiniga ah (Jimciyatul Axbaab), waxa ay hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diraysaa, dhamaan-ba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan-ba ummadda Islaamka ahi meel kasta oo ay Caalamka ka joogaanba, munaasibada curashada sannadka cusub ee Islaamka 1444ka (Hijiriyada) awgii. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.

Sidoo kalena Jimciyatul Axbaab waxa ay Hambalyo taa la mida u diraysaa waddammada iyo shucuubta Muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, iyagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maalinta barrri oo Sabti ah.

Jimciyatul Axbaab, waxay Illaahay uga baryaysaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaan-ba sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Jimciyatul Axbaab waxa ay Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr





Xafiiska Warbaahinta
Jimciyatul Axbaab
Hargeysa/Somaliland

08/07/2022

Hambalyada Munaasibada Ciidul Adxa 1443 ee Jimciyatul Axbaab.

WAR-SAXAAFADEED

Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada Waxbarashada Diinta iyo Maadiga ah, Caafimaadka iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab), waxa ay hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diraysaa, dhamaan-ba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan-ba ummadda Islaamka ahi meel kasta oo ay Caalamka ka joogaanba. Munaasibada Ciidul Adxa 1443 (Hijiriyada), Awgeed. Ciid Mubaarak, Ciidal Caafiya, Kullu Caam, Wa Antum,Bil Khayr.

Waxaanan Illaahay uga baryeynaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland in ay sanadka, sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab. Inta xanuunsanaysa ee jiiftana waxaanu Illaahay uga baryeynaa in uu xanuunka ka dulqaado, Caafimaadna siiyo. intii dhimatayna Alle u danbi dhaafo una naxariisto.

Jimciyatul Axbaab waxa ay sidoo kale bulshada reer Somaliland usoo-jeedineysaa inay Alla-baryaan oo Ilaahay isku xidhaan, isla markaasina ay ducada iyo Alla Bariga badiyaan, oo joogteeyaan. Oo ay ka ducaystaan abaarta daran ee dalka ka jirta. Jimciyatul Axbaab, sidoo kale waxa ay bulshada Somaliland ilaahay uga baryeysaa, inuu quluubtooda mideeyo, xanuunada, sixir-bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana Alle si degdega uga dulqaado.

Jimciyatul Axbaab, waxa ay sidoo kale bulshada Somaliland ku adkeyneysaa inay isku tashadaan oo ay midoobaan, isla markaasina meel uga soo wada jeestaan adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland.

Alla Mahad leh
Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi
Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab

26/06/2022

Sheekh Axmed Caabi Cabdi Oo Soo-jeedinaaya Qodobadii Laga Soo Saaray Kulankii Culimada ee Hargeysa

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa