Inside Somaliland

Inside Somaliland

Share

Siyaasada Iyo Arimaha Bulshada Umada Somaliyeed Iyo Bariga Dhexe.

21/02/2026

Wasiirka Madaxtooyada JSL Ayaa Ka Qayb Galay Xaflada Xil Wareejinta Wakaalada Biyaha JSL
.

20/02/2026

Xaajigeedii Oo Gabadh Labaad Guursaday Ayay Mic U Qaadatay.
😂😂😂

Photos from Inside Somaliland's post 20/02/2026

Cabdullaahi bin Zayed ayaa magaalada Washington kula kulmay Mudane Marco Rubio, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, halkaas oo lagu falanqeeyay xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya 🇦🇪 Imaaraadka Carabta iyo 🇺🇸 Maraykanka, iyo sidoo kale guud ahaan horumarrada iyo xaaladaha ka taagan gobolka.

20/02/2026

Riyada Cusmaaniyiinta Cusub (Neo-Ottoman) oo ku Burburtay Gacanta
Daboolka cibaadada iyo hadallada Islaamiga ah ee nadiifka u eg waxaa ka dambeeya ajende qarsoon oo lagu burburinayo dalalka Muslimiinta laguna soo noolaynayo boqortooyo si ceeb leh taariikhda uga dhacday.
Intii ay qaar badan madaxa hoos u dhigeen, Somaliland waxay istaagtay sidii qalcaddii jebisay mala-awaalka ballaarinta ee Erdogan.
Somaliland waa awooddii ku qasbtay Erdogan inuu jilbaha u dhigo ka hor Abiy Ahmed.
Somaliland waa sababta uu uga baryayo quwadaha caalamka inay hor istaagaan aqoonsi si rasmi ah u aasi lahaa himilooyinkiisa gumaysiga.
Runta ayaa ah in Somaliland ay edbisay riyooyinka Neo-Ottoman-ka oo ay joojisay faafitaankooda sunta ah. Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland waa ciddidii ugu dambaysay ee sanduuqa lagu aasayo riyooyinkan boqortooyo-doonka ah!

20/02/2026

Warbaahin Israa’iili ah ayaa daabacday qiimeyn ka digaysa xiisado sii kordhaya oo u dhexeeya Masar iyo Israa’iil gudaha Geeska Afrika, iyadoo la tilmaamay suurtagalnimada iska hor-imaad militari oo dadban ama xitaa mid toos ah oo ka dhaca dhulka Soomaaliya.
Warbaahinta ku hadasha af-Cibraaniga ee Natsiv Net ayaa sheegtay in horumarrada ilaa Febraayo 2026 ay muujinayaan tartan sii xoogaysanaya oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, gaar ahaan marka la eego ku lug lahaanshahooda sii kordhaya ee Soomaaliya.

20/02/2026

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa maanta ku warramay in xaalad deg deg ah la galiyay isbitaallada ku yaalla gudaha Israa’iil, kuwaasoo qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin in bukaannada qaar laga saaro isbitaallada si sariiro loo banneeyo , waxaa la joojiya in fasax la siiyo dhakhaatiirta, halka isbitaallada lagu kordhiyay dhakhaatiir dheeraad ah, iyadoo dhammaan tallaabooyinkan loo qaaday sabab la xiriirta cabsi laga qabo dagaal ka dhan ah Iiraan inuu dhaco.

19/02/2026

Dawlada Turkiye Oo Caawinaysa Somalia.

19/02/2026

Waa kolonyada Gaadiidka Golaha Mustaqbalka oo haatan u ambabaxay Aqalka Madaxtooyada, halkaasoo goordhow wada-hadal ay kula leeyihiin madaxweyne Xasan

19/02/2026

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Israa’iil, Naftali Bennett;
Turkiga waa Iiraan-ta cusub, waa khatarta ugu weyn ee Israa’iil maanta wajahayso

Photos from Inside Somaliland's post 18/02/2026

Waxaa la arkay diyaarado aad u tiro badan oo hawada sare ku qaadanaya Shidaal iyaga oo ka soo duulaya dalka Mareykanka kuna sii jeeday Qaarada Yurub, kuwaas oo sida saanad uu leeyahay Milliteriga Maraykanku, sida la sheegay diyaaradaha ayaa ah kuwo Yurub uga sii gudbaaya Bariga Dhexe waana mid u muuqata hawl-gal diyaaradeed oo baaxad leh.

Mareegta wararka ee Axios ayaa wax yar ka hor sheegtay: "in Madaxweyne Trump uu sidii h**e aad ugaga dhow yahay in uu dagaal balaadhan ku qaado dalka Iran, waxaana laga yaabaa in uu dagaalku u bilowdo sida ugu dhakhsaha badan."

Photos from Inside Somaliland's post 18/02/2026

Shirkadda Meta ayaa la siiyey rukhsad garaadka macmalka ah "artificial intelligence" taas oo u sahlaysa in ay sii wadato isticmaalka account-ka qof dhintay oo isticmaali jirey baraha bulshada, waxa ay u sahlaysa in ay account-ka laga dhintay soo dhigaan farimo, wicitaan iyo muqaalo iyaga oo isticmaalaya habkii uu u dhaqmi jirey marxuumku.Tan ayuu macnaheedu yahay in qofku haddii uu dhinto isaga oo account ku leh Facebook uu garaadka macmalka ahi samayn doono in uu wax ka barto dhammaan dabeecadihii uu marxuumku lahaa ee uu ku dhaqmi jirey siiba dhinaca soo tebintiisa ee sannadihii la soo dhaafay ka dibna bilaabi doono soo tebintii qofka isaga oo u ekaysiinaya sidii mid weli nool oo inala jooga.

Photos from Inside Somaliland's post 18/02/2026

🇹🇷 & 🇮🇱

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa