Golaha Wakiilada Somaliland

Golaha Wakiilada Somaliland

Share

Page ka Golaha wakiilada Somaliland

02/06/2026

𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗜𝗗𝗔 𝗔𝗥𝗥𝗜𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗗𝗜𝗕𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗢𝗢 𝗞𝗔 𝗛𝗔𝗗𝗟𝗔𝗬 𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗔𝗥𝗔𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗨 𝗞𝗔 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬 𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗.

Photos from Golaha Wakiilada Somaliland's post 02/06/2026

Hargeisa, 02-06-2026 Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan shaqo ku yeeshay xafiiskooda, kaas oo qayb ka ahaa kulamada joogtada ah ee guddidu ku dardar-gelinayso gudashada waajibaadkeeda shaqo iyo korjoogtaynta arrimaha la xidhiidha ilaalinta hantida qaranka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka, Mudane Cabdkariin Maxamed Maxamuud, ayna ku wehelinayeen xubno ka tirsan guddida, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay hawlaha shaqo ee horyaalla guddida iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo fulintooda.

Waxa si gaar ah diiradda loo saaray xisaab-xidhada guddida uga hadhsan muddadii h**e, iyadoo xubnuhu is dhaafsadeen warbixino iyo aragtiyo la xidhiidha heerarka ay marayaan hawlahaasi, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu dhamaystiri karo wakhtiga ugu habboon. Sidoo kale, waxa kulanka lagu falanqeeyey hababka lagu xoojin karo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo dabagalka hawlaha guddida si ay u noqdaan kuwo waafaqsan masuuliyadda sharci ee guddida saaran.

Intii uu kulanku socday, xubnaha guddidu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo xisaab-xidhada wali hadhsan, maadaama ay laf-dhabar u yihiin qiimaynta shaqooyinka la qabtay iyo hubinta in waajibaadka guddidu u fuliyaan si nidaamsan.

Ugu dambayn, xubnaha guddidu waxay isla qaateen in la dardargeliyo dhamaystirka dhammaan hawlaha horyaalla guddida, gaar ahaan xisaab-xidhada wali hadhsan, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka shaqo ee guddida, korna loogu qaado isla-xisaabtanka iyo ilaalinta hantida

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔------𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗------𝗟𝗘𝗛

𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Email: [email protected]
Website: www.somalilandparliament.net

31/05/2026

Warbixinta Wasiirka Maal-gashiga Ee Mashruuc Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda Iyo Ganacsatada (Public Private Partnership- P.P.P).

Golaha Wakiilada Somaliland.

31/05/2026

Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku Furay Shirkii Maanta Quranka Kareemka Alle.

31/05/2026

Hargeysa, 31/05/2026 – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 6-aad ee Kalfadhiga 14-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhegaysiga warbixinta Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Mudane Siciid Maxamuud Buraale, oo Golaha hor keenay Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public Private Partnership – PPP).

Wasiirku waxa uu Mudaneyaasha Golaha ka hor jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan muhiimadda mashruuc-sharcigan, isaga oo xusay in xeerkani saldhig sharci u noqon doono iskaashiga ka dhexeeya Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, kor loogu qaado adeegyada bulshada, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Siciid Maxamuud Buraale waxa uu sheegay in xeerkan uu door muhiim ah ka qaadan doono soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, abuurista fursado shaqo, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bulshada helaan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xeerku si cad u qeexayo habraacyada maalgashiga, noocyada heshiisyada PPP, hababka qandaraasyada, iyo qaab-dhismeedka maamulka iyo kormeerka mashaariicda lagu fulinayo nidaamkan.

Gebagebadii fadhiga, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha warbixinta uu Golaha siiyey. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in mashruuc-sharcigaasi mari doono habraacyada xeer-dejinta ee Golaha Wakiillada, isla markaana loo gudbin doono guddida Golaha ee ay khusayso si ay uga soo baaraan-degaan ugana soo talo-bixiyaan.

Guddoomiyuhu waxa uu ku soo gunaanaday fadhiga in Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) uu yahay xeer muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana Golaha Wakiilladu uu waajibkiisa dastuuriga ah ka gudan doono.

Warbixinta Mashruuc-Sharciga Xeerkan Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) oo dhamaystiran halkan ka daawo:

https://www.youtube.com/watch?v=J9PWQBNO-I0

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔--------𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗--------𝗟𝗘𝗛

𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Email: [email protected]
Website: www.somalilandparliament.net
YouTube: https://www.youtube.com/

30/05/2026

GOLAHA WAKIILLADA JSL AY SOO DHAWEEYAY XILDHIBAAN ESSE KEYD.

30/05/2026

SOO DHAWEYNTII XILDHIBAAN CIISE KEYD. IYO DOODII XEERKA TIGNOOLAGIYADDA AMNIGA QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

30/05/2026

𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗞𝗜𝗜𝗟𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗝𝗔𝗠𝗛𝗨𝗨𝗥𝗜𝗬𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗢 𝗗𝗛𝗔𝗪𝗘𝗘𝗬𝗘𝗬 𝗫𝗜𝗟𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗗𝗥. 𝗖𝗜𝗜𝗦𝗘 𝗞𝗔𝗬𝗗 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗨𝗨𝗗.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xildhibaanka cusub ku soo dhaweeyey Golaha Wakiillada.

Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa Golaha ku soo biiray isagoo beddelay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhankiisa, Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha, Xildhibaannada iyo guud ahaan Golaha Wakiillada soo dhawaynta diirran ee loo sameeyey.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛

𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Email: [email protected]
Website: www.somalilandparliament.net See less

26/05/2026

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐀𝐑𝐀𝐊 | 𝐊𝐔𝐋𝐋𝐔 𝐂𝐀𝐀𝐌 𝐖𝐀 𝐀𝐍𝐓𝐔𝐌 𝐁𝐈𝐋𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibadda barakaysan ee Ciid-al-Adxa awgeed dhammaan ummadaha Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudanayaasha Golaha Wakiillada, shaqaalaha Golaha iyo qoysaskooda.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle SWT uga baryayaa inuu ka aqbalo dhammaan acmaashii suubbanaa iyo soonkii tobanka cisho ee khayrka lahaa, isla markaana uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, si loo ilaaliyo jiritaanka, horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔------𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗------𝗟𝗘𝗛

𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
Email: [email protected]
Website: www.somalilandparliament.net

Photos from Golaha Wakiilada Somaliland's post 25/05/2026

𝐌𝐔𝐃𝐀𝐍𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 14𝐀𝐀𝐃, 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐈𝐈𝐒𝐈𝐈 5𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐐𝐍𝐀𝐀 𝐅𝐀𝐒𝐀𝐗 𝐋𝐀’𝐀𝐀𝐍.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Road Number 1/sha'ab Area/Near Presidential Palance
Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 14:00
Tuesday 09:00 - 14:00
Wednesday 09:00 - 14:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 14:00
Sunday 09:00 - 14:00