17/01/2022
EU Ambassador to Somalia oo ka hadlay qaraarkii Maxkamada Sare ee Somaliland
Hayaanka Somaliland is a government organization that works on the outreach and rural development. I
17/01/2022
EU Ambassador to Somalia oo ka hadlay qaraarkii Maxkamada Sare ee Somaliland
Eng. Faysal Ali Waraabe oo ka hadlay qaraarkii Maxkamada Sare ee Somaliland.
17/01/2022
Madaxweyne Muse Bihi Abdi oo Marti qaad ka helay dhiggiisa Raysal wasaare Abiy Ahmed.
Barnaamij ka Itus oo itaabsii
Adduunyo waalatay.
Waa gabadh caddan ah oo dhuusada "fart" ku iibisa koob, siisana qiimo ah $1000.
Marka xayawaanku cadhaysan yahay.
27/08/2021
Cristiano Ronaldo oo dib ugu soo laabtey kooxdiisii h**e ee Manchester United.
20/08/2021
Barwaaqo University: Adduunka ma jirto qof la siiyo title ah "Director of Mission of Student".
Waxaa la yidhaa "Head of Student Affairs", "Director of Student Services", amma "Mananger/Director of Student Affairs".
Kalmaddaa "Mission" waa short form of "Missionary" marka ay isticmaalayaan cid la xidhiidha kaniisadaha.
Abdirisaq Terra Khaalid FoodhaadhiMohamed Yusuf Bakayle
FADLAN FAAFI:
Sh. Mohamed Ismail oo h**e Hargeisa loogu jidh dilay ayaa mar labaad sabab la'aan gurigiisa Hargeisa loogala baxay. Illaa hadda lama oga halka ay ciidanka Somaliland ku haystaan.
Waa arrin aad looga naxo in culimaddii Somaliyeed sidaa loo galo.
17/08/2021
FADLAN FAAFI:
Sh. Mohamed Ismail oo h**e Hargeisa loogu jidh dilay ayaa mar labaad sabab la'aan gurigiisa Hargeisa loogala baxay. Illaa hadda lama oga halka ay ciidanka Somaliland ku haystaan.
Waa arrin aad looga naxo in culimaddii Somaliyeed sidaa loo galo.
Khaalid Foodhaadhi Hassan Gallaydh
09/08/2021
Qiso uu kala kulmay Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ganacsade dhalinyaro ah oo Hargeysa meherad ku leh oo lagu magacaabo Axmed Zayd ;-
Axmed wuxu yidhi " Dhawaan ayaan furay meherad iibisa borotiinada ay cunaan dhalin yarada hiwaayadoodu tahay Jimicsiga. Meherada markii ay bil furnayd ayaan u baahday in aan account ka furto mid ka mid ay Baananka dalka. Nasiib darro way ii suurto geli wayday maadaama aanan lahayn liisan oo meeshuba in yar furantahay. Sidoo kale, waxa caqabad igu noqday qolyaha dawlada hoose oo maalin walba iga raba liisankii iiguna hanjabaya in ay meherada albaabada isugu dhufanayaan.
Intaas ka dib waxan ku qasbanaaday in aan Xarunta degmada tago si aan liisan ka u helo. Meesha waxaan kula kulmay qofka xafiiskaas maamula ee saxeexiisaba liisanku ku baxayo. Warbixin kooban oo uu iga sooyay darajooyinka cashuuraha ay qaasaan ka dib, waxaan ku qasbanaaday in aan mudanaha kaxeeyo oo meesha lafteeda geeyo si uu Itaalka meherada u soo arko iyo cashuurta ku waajibaysa.
Dhaweeye ayaan dalbaday oo labadayadiiba meheradii ayaanu tagnay. Markuu meeshii qiimeeyay wuxu ii sheegay in la iga rabo 900000 sl sh ( sagaal boqol oo kun). Lacagtaasi waxay u kala baxaysaa 600000 sl sh oo lagu samaynayo liisanka iyo 300000 sl sh oo uu isagu qaadanayo si uu hawshaas u dhameeyo.
In kasta oo aanan rabin in aan lacag laaluusha bixiyo, hadana si aanan u cadilmin waxaan is idhi bal aakhirtu wax ka yar intaas bixi oo waxan ka codsaday in uu iga qaado boqol kun laba boqolna iga daayo. Mudanihi intu is xanaajiyay ayuu iska kacay waanu diiday dalabkaygii.
Dhawr cisho ka dib anoo suuqa jooga ayaan xasuustay wiil aanu saaxiibnahay oo ka shaqeeya Dawlada Hoose. Faduul ba ha ahaatee waxaan idhi maad ninkaas wacdid oo haddii uu kuu sheego in uu Mayarki joogo aad u ba tagtid mayor ka qudhiisa.
Wiilkii markaan la hadlay wuxu ii sheegay in Mayor Cabdikariin uu joogo.
Waxan tegay Dawladii Hoose oo khalqi Ilaahay oo Mayor kii doonayaa ay joogaan ana dadkii ayaan ku biiray.
Wax yar ka dib waxaa soo baxay mayorkii dadkii ayaanu mid mid u waraystay. Dadki hawlo cabasho ah ayay u socdeen intooda badani, qaarkoodna waxaabay ugu yimaadeen booqasho oo waxay sheegayeen in ay yihiin asxaabtiisii. Waxa iigu darnaa mid sitay warqad ay ku qorantahay biil ay ku soo dalacday Sompower oo uu ka cabanayay in ay qaali tahay. Qof walba xafiiskii uu hawshiisa ka dhamaysan lahaa ayuu u tilmaamay. Qoladii saaxiibadaa ayaanu nahay ku lahaana wuxu yidhi hada qaranka ayaan u shaqaynayaaaye saaxiibkiin Cabdikariin halkaad awal ka heli jirteen ka raadiya. Waxa soo hadhay aniga iyo dhawr qof oo isku koox ah oo wada socda. Sidaan hadalkooda ka dhadhansaday h**e ayay u balansanaayeen. Qoladaas wuxu ku yidhi hadda shir ayaan haayad la leeyahay ee mar kale inooga dhiga, iyaguna waxay ku yidhaahdeen galabta ayaabanu dhoofaynaa waxanay ku yidhi waayahe xafiiskayga sii fadhiista. Anigii ayuu igu soo jeestay " Haye, maxaan kuu qabtaa adeer"?. Hawl gaar ah ayaan kaa rabaa mayor ayaan ku idhi, " maanta qolo haayada ayaan la kulmayaaye berri ma ii iman kartaa" anoo qoslaya ayaan ku idhi " Mayor qoyskayagu wa 7 qod, Lix aan ku jiro ayaa kuu codaysay iyada oo qaar aanu Ilma adeer nahay sharaxanyihiin, kuugu maan codayn in aad isoo celceliso" intu qoslay oo uu gacanra i qabtay ayuu igu yidhi " Imtixaan baad tahay ninkaagani, Ina mari" xafiiskii oo qoladii dhiofaysay sii fadhido ayaanu galnay.
Iyagii ayuu ku yidhi ninkaa dhalin yarada ah ma idin ka horaysiiyaa, haa ayay yidhaahdeen.
Sheekadii ayaan uga sheekeeyay aniga oo hadal ugu soo xidhay " Mayor adiga iyo Batuun markaad soo baxdeen ayaa rajo i gashay oo aan meheradaa yar furtay, nasiib daro baadaas cashuurtii dawlada ba aan waxba ka yarayn ayaa la iga rabaa".
" magicii ninkaas?" Ayuu i waydiiyay isaga oo wajigiisa cadho ka muuqato. Ninkii tuuga ayaa ayaaban u naxay oo aan is idhi bilee xaafad biiliyaa. " Mayor wajigiisa ayaan garanayaa lkn ma aqaan magaciisa" ayaan ku idhi. " Iska tag hadda oo beri Xarunta Degmeda Ibraahin Kood-buur ha inoo ahaato ayuu igu yidhi"
Subaxnimadii anoo xaafada ka soo baxaya ayaa number aanan garanayni isoo wacay, waan ka qabtay " Ma Axmed Cabdi Cali baa" "Haa" " Waxa kula hadlaya Mayor Cabdikariin Axmed Mooge, miyaynaan ku balansanayn Xarunta Degmada kood-buur?" " Mayor waynu ku balansanayn, hadda ayaan guriga ka soo baxay, guriga iyo Waaxduna waxba isuma jiraan, hadaan kuu imanayaa".
Waxan galay Gudoomiya Degmada, gudoomiyihi ma joogo kursigiisiina waxa ku fadhiya Mayor Cabdi Kariin. Markaan salamay ee aan fadhiistay waxa soo galay gudoomiyihii. Isla markiiba Gudoomiyihii ayuu canaan ku bilaabay " Ma xiligan ayaad xafiiskaaga imanaysaa? Yaa dadka u shaqaynaya markaynu saacadan maqnaano inagii masuuliyiintanahayn".
Meesha gudoomiyihii dhamaa dhegaya la goosanayo isagoo taagan anigu kursi ayaan ku fadhiyaa. Gudoomiyii naxdin ayuu kurbanayaa mana jawaabayo. Amar wuxu gudoomiyihii ku siiya in xafiiska aan ka cabanayo maamulkiisa uu bartan soo istaajiyo.
In yar ka dib ninkii odeyga ahaa ayaa albaabka laga soo geliyay. Marku Mayor kii arkay anigiina i arkay ayuu kala qaboobay. "Axmed, ma ninkanaa ninka Laaluush ka qasabka ah ku waydiiyay?" Ayuu i su'aalay. " waa isaga laftiisa Mayor" ayaan ugu jawaabay.
Isagiina waxa ku bilaabmay hadalo dhamac ka kulul oo aan ka xasuusto " Mushaharka dawladana waad qaadataa meherad walbana waxaad ka waadaa $40 oo laaluusha sow maaha? Markaa cid walba adaa ka mushahar badan ninyohow, xitaa aniga adaa iga mushahar badan, dadka aad lacagta baada ah ka qaadaysaana waa dadkii laguu igmaday in aad u shaqayso ee mushaharka lagugu siinayay. Mee askarigi, ninkan waad xidhaysaa isla haddq, waa haddii uu qofka uu shaadhka dawlada ku hadiday taas doorto. Axmed, adiga ayay taladu kugu soo wareegtay, ninkaas shaadhka dawlada kugu dhibay hadaad codsato in la xidho waa la xidhayaa" "Mayor anigu waan cafiyay" ayaan ugu jawaabay.
Isagii ayuu ku jeestay " Axmad wuu ku cafiyay hadaad mar dambe dhaqanka noocaasa ku noqoto se sharcigu kuma cafin doono. Waliba waxaan ku hor keenayaa warbaahinta si cid kasta oo aad wax ka qaaday ay kuu soo dacwayso arinkaagana Maxkamada ayaa loo gudbin doonaa si dadkaasi xaqooda u helaan, hadana Axmex wuxuu xaq kuugu lagaa u qabo".
Wax ka yar 30 daqiiqo ayaa hawshaydii la iigu dhameeyay aniga oo aan daalin iyo madluum midna ahayn.