Xidhiidhka kubbada Tenniska Somaliland

Xidhiidhka kubbada Tenniska  Somaliland

Share

tennis �

25/10/2025
Photos from Xidhiidhka kubbada Tenniska  Somaliland's post 29/07/2025

Waxaa shalay si rasmi ah loo soo xidhay Tartankii Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee Kubadda Tenniska Miiska (Table Tennis), kaas oo muddooyinkii u dambeeyay si habsami leh uga socday hoolka SONYO. Kulankii k**a dambaysta ahaa ayaa dhex maray labada degmo ee 31 May iyo Gacan Libaax, waxaana koobka hanatay Degmada 31 May.

Munaasibadda xidhitaanka waxa si rasmi ah u soo xidhay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha JSL, Md. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), iyadoo ay goobta ku wehelinayeen Guddoomiyaha Xidhiidhka Tennis-ka Somaliland Muuse Xaashi Cabdillaahi, Ku-xigeenka Maxamed Axmed (Abwaan Manseye), Agaasimaha Dalladda Dhallinyarada SONYO, La-taliyaha Wasiirka iyo haldoor Khaalid Jaylaani.

Tartankan ayaa noqday kii saddexaad oo xidhiidh ah oo la qabto , taasoo muujinaysa heerka sare ee ciyaaraha heer degmo iyo dadaalka muuqda ee la geliyo kobcinta isboortiga.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku caddeeyay in Wasaaraddu ka go’an tahay horumarinta ciyaaraha dalka, tartankanina uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee arrintaas lagu gaadhayo. Waxa uu sidoo kale xusay in qorshuhu yahay in la qabto Tartanka Gobollada ee Tennis-ka, taas oo sii xoojinaysa dadaalka ay xukuumaddu ku waddo horumarinta ciyaaraha, kuna saleysan mabda’a:

“Wada-jir iyo Wax-qabad”

Photos from Xidhiidhka kubbada Tenniska  Somaliland's post 26/07/2025

Ciyaarta xiisaha badan ee finalka labada degmo ee ciyaari dooba Degmada Gacan libaax VS 31may

Ciyaartani waxay gabo gabo u noqon doonta tartankii degmooyinka casimada hargeisa 🎾 🎾 🎾

26/07/2025

OGEYSIIS
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan daneenayaasha ciyaarta Tennis-ka in ciyaarta Finalka ee Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee Kubbadda Miiska ay dhex mari doonto labada degmo ee Gacan Libaax iyo 31 May.

📅 Taariikhda: Isniin, 28 july 2025
🕟 Wakhtiga: 4:30 galabnimo
📍 Goobta: Hoolka Dalladda Dhalinyarada ee SONYO

Ka soo qayb galkiinu waa muhiim si aan u dhiirrigelino ciyaartoyda iyo horumarka isboortiga caasimadda.

18/07/2025

Ogeysiis Rasmi ah

Waxaa la ogeysiinayaa shacabka Caasimadda Hargeysa in Semi-finalka Tartanka Kubadda Miiska ee Hargeisa District Open uu dhici doono Sabti, 19ka July 2025, 4:30 galabnimo, hoolka Dalladda Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO.

Ciyaarta semi-finalka ayaa dhex mari doonta:

🏓 Gacan Libaax vs Ibraahim Koodbuur
🏓 31 May vs 26 June

Waa ciyaar xiiso iyo xamaasad leh oo loo baahan yahay in aad goobjoog ka noqotaan si aad u taageertaan ciyaartoyda una dhiirrigelisaan horumarka isboortiga.

Ha moogaanin!

06/07/2025

Halkan ka daaawo video dhamaystiran xaflada furitaanka tartanka degmooyinka caasimada hargaysa

🎾

🎾🎾🎾🎾🎾🎾🎾🎾🎾🎾

Photos from Xidhiidhka kubbada Tenniska  Somaliland's post 06/07/2025

𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 – 𝐓𝐚𝐛𝐥𝐞 𝐓𝐞𝐧𝐧𝐢𝐬 (𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭 𝐎𝐩𝐞𝐧 𝐓𝐨𝐮𝐫𝐧𝐚𝐦𝐞𝐧𝐭)

Agaasimaha Waaxda ICT-ga ee Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Md, Maxamed Xasan Nageeye oo uu weheliyo Guddoomiyaha Olympic-a Qaranka Md, Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi ayaa Maanta ka soo qayb galay Tartanka Degmooyinka Hargeysa ee kubbadda miiska (table tennis), waxaana si rasmi ah loogu furay ciyaar dhex martay labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Gacan Libaax, kuwaas oo ka wada tirsan Group A.

Ciyaartaasi waxay ku dhammaatay guul buuxda oo ay gaadhay Degmada Gacan Libaax oo ku adkaatay 3–0, iyadoo Degmada Maxamuud Haybe aanay hal dhibicna ka helin.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Tennis-ka Somaliland, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢, ayaa isagu furay tartanka kana war bixiyey si qoto dheer uga hadlay taariikhda Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa, isagoo xusay in tani tahay markii saddexaad oo xidhiidh ah ee la qabto Tartankan.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay ciyaaraha tennis-ku u leeyihiin dhallinyarada, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta caafimaadka iyo maskaxda ciyaartoyda.

Tartankan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo ciyaaraha gudaha caasimadda, waxaana door muuqda ka qaadanaysa 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, oo ay ka go’an tahay dhiirrigelinta ciyaaraha iyo kobcinta kartida dhallinyarada.
Tartankanna Waxa Maal-gelisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL.

04/07/2025

maanta waxaa si rasmi ah u furmidoona tartanka degmooyinka caasimada hargaysa
ee table tennis
hargeisa district open tournament

03/07/2025

MARTIQAAD FURAN
Xafladda Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa
Taariikh: 4-7-2025 | Saacadda: 4:30 galabnimo | Goobta: Hoolka SONYO

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Xidhiidhka kubbada Tenniska Somaliland waxa uu la wadagayaa in tartanka kubbada miiska tennis-ka ee degmooyinka caasimadda Hargeysa bilamayo, waxaan si xushmad leh idinku martiqaadaynaa inaad nagala soo qaybgashaan xafladda furitaanka tartanka degmooyinka, oo lagu qaban doono hoolka daladda dhalinyarada SONYO maalinta Jimcaha 4-ta bisha july 2025, saacadda 4:30 galabnimo.

Xafladdan waxay tahay tartankii 3aad ee degmooyinka caasimada hargeisa ee la qabto si xidhiidh ah ciyaaraha, gaar ahaan tennis-ka, iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan ciyaartoyda matalaya degmooyinka kala duwan ee caasimadda, waxa ka soo qayb gali doona
masuuliyiin, iyo marti sharaf kale oo qiimo badan.

Waxaa si gaar ah loogu casuumayaa:

Deenayaasha tennis-ka

Ciyaaryahanada iyo taageerayaasha ciyaaraha

Waad ku mahadsan tahay,
Xidhiidhka kubbada miiska tenniska jsl Tartanka Tennis-ka
Caasimadda Hargeysa

26/06/2025

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Aniga oo ah Guddoomiyaha Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ka jeedinayaa mahadnaq, bogaadin iyo hambalyo qiiro leh oo ku wajahan dhammaan ka qaybgalayaashii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay xafladda xuska maalinta qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Xafladdan oo si heer sare ah uga dhacday hoolka dalladda dhalinyarada ee SONYO, waxa ay ahayd mid xambaarsan qiimaha xorriyadda, qiimaha dhalinyarada, iyo kor u qaadidda doorka isboortigu ku leeyahay wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa:

Musharrax Xildhibaan Nuur Cumar Iidaan, oo u tartamaya Golaha Wakiilada, kana mid ahaa marti sharaftii xafladda — mahadsanid taageeradaada muuqata ee ciyaaraha iyo dhalinyarada.

Mudane Jamaal, Agaasimaha Waaxda Sports-ka ee Wasaaradda Ciyaaraha — oo ka jeediyay hadal rajo iyo yididiilo xanbaarsan, kana hadlay qorshaha mustaqbalka ee lagu hirgelin doono ciyaarta Long Tennis-ka si ay fursad u noqoto jiilka soo kacaya.

Aqoonyahan Xasan Faaiz, ahna bare jaamacadeed, oo jeediyay hadal qiimo leh oo dib inoogu celiyay xusuusta iyo taariikhda qiimaha badan ee 26-ka Juun, taas oo calaamad u ah halgankii xorriyadda.

Khaalid Jiilaani, khabiir sare oo ku takhasusay ciyaaraha fudud — oo si qurux badan uga hadlay doorka isboortigu ku leeyahay horumarka dhallinyarada iyo jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Ugu dambayn, waxaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa:

Mudane Cabdillaahi Maxamuud Jiidhe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha — oo si rasmi ah u soo xidhay xafladda, hadal muhiim ahna kaga hadlay ahmiyadda ciyaarta tenniska kobbadda miiska, isagoo xusay in ay tahay ciyaarta kaliya ee si isku mid ah ay u wada ciyaari karaan dhalinyarada iyo odayaasha.
Sidoo kale wuxuu shaaciyay in tartankii degmooyinka caasimadda ee tennis-ka uu si rasmi ah u bilaaban doono isbuuca soo socda, isagoo xusay in tartankii h**e ee qori-u-tuurrka degmooyinka uu guul ku dhammaaday.

Intaa waxaa dheer, ma ilaawi karo doorka weyn ee ay ku lahaayeen Hoolka Dalladda SONYO, oo si hufan noogu martigeliyay xafladda. Waxaan u dirayaa mahadnaq weyn gaar aha Agaasimaha Dalladda SONYO iyo dhammaan shaqaalaha halkaas ka hawlgala. Doorkiinnu waa tusaale u ah sida dhalinyaradu u noqon karto xoog iyo horumar.

Ugu dambayn, aniga oo matalaya Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska ee JSL, waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasabadda 26-ka Juun — maalinta xorriyadda, madax-bannaanida, iyo sharafta ummadeenna.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu shacabka Somaliland siiyo:
Horumar, Barwaaqo, Guul iyo Aqoonsi caalami ah.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Tenniska Kubbadda Miiska
Jamhuuriyadda Somaliland
-----‐------------------@@@@@@@

25/06/2025

Tartanka xuska munaasabada 26june oo ka dhacay hoolka soonyo oo uu furay Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL mudane iyo gudoomiyaha xidhiidhka kubbada Tenniska Somaliland

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa