Somaliland Diaspora Global Network

Call Directions Website Contact the organization

Somaliland Diaspora Global Network The official page of the Somaliland Diaspora Department of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation

https://sldiaspora.org/

The Government of the Republic of Somaliland welcomes President Trumpโ€™s acknowledgement of Somaliland as a distinct coun...
13/10/2026

The Government of the Republic of Somaliland welcomes President Trumpโ€™s acknowledgement of Somaliland as a distinct country.

12/10/2026
27/09/2026

Kalmaddii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, uu ka jeediyey xafladdii ka dhacday Minnesota,
Wasiirku waxa uu ku dheeraaday doorka Qurbajooga ee Horumarinta qaran ka iyo In la dardar galiyey Korna loo qaaday Shaqada iyo adeegyadii waaxda Qurbajooga ay u haysay Qurbajooga Jsl.

Historic: Somaliland Diaspora Visit to Israel.Somaliland Diaspora leaders, professionals, entrepreneurs and community re...
27/09/2026

Historic: Somaliland Diaspora Visit to Israel.

Somaliland Diaspora leaders, professionals, entrepreneurs and community representatives will take part in a six-day visit to Israel.

The visit will provide opportunities for:

Official & Institutional Meetings
Business & Investment Networking
Diaspora Leadership & Exchange
Culture, Heritage & Tourism

A platform for dialogue, professional networking, business connections and people-to-people exchange.

๐Ÿ“… 17โ€“22 October 2026
๐Ÿ“ Jerusalem โ€ข Tel Aviv โ€ข Haifa

๐Ÿ”— Register: israelafricabiz.com/somaliland-visit

23/09/2026

Isu-soo-baxa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee afaafka xarunta Qarammada Midoobay ee New York

WAR-SAXAAFADEED
21/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ.๐‚. ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐–๐จ๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ ๐š ๐€๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ค๐šMadaxwey...
20/09/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ.๐‚. ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐–๐จ๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ ๐š ๐€๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ค๐š
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Magaalada Washington D.C. kulan muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga Ameerika, gaar ahaan Maraykanka.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Qaranka JSL, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirro iyo hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda JSL.
Madaxweynuhu waxa uu Qurba-joogta uga mahadnaqay kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan dhismaha Qaranka, daryeelka bulshada, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta qaddiyadda Somaliland iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku yahay mid soo jireen ah, isaga oo tilmaamay in dadka reer Somaliland ay taariikh dheer ku leeyihiin diblomaasiyadda, ganacsiga iyo la macaamilka dunida. Waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisa iyo kulamadii uu Washington D.C. ku yeeshay ay tahay in Somaliland si toos ah dunida ugu muujiso xaqiiqadeeda, horumarkeeda, nabadgelyadeeda, dimuqraadiyaddeeda iyo rabitaankeeda ah in loo aqoonsado xaqeeda taariikheed iyo ka sharci.
Madaxweynuhu waxa uu Jaaliyadda la wadaagay natiijooyinka kulamadii iyo xidhiidhadii diblomaasiyadeed ee uu isaga iyo weftigiisu Washington D.C. ku yeesheen, isaga oo sheegay in ay ka soo baxeen niyad-wanaag, kalsooni iyo rajo ku aaddan xoojinta xidhiidhada, Aqoonsiga iyo Maalgashiga Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Qurba-joogta ugu baaqay midnimo, isku-duubni iyo in ay kaalintooda ka qaataan nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurinaya khilaaf iyo colaad walaaleed.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Dawladda Maraykanka, Congress-ka, Senate-ka, Hayโ€™adaha iyo Mac-hadyada waaweyn ee saameynta leh ee uu kulamada la yeeshay, isaga oo xusay in Somaliland ay qiimaynayso xidhiidhada soo kordhaya iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee ay Washington D.C. ka abuureen.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in aqoonsiga Somaliland uu dhammaystirmayo rafaad kasta oo loo maraba, isaga oo Qurba-joogta kula dardaarmay in ay isku duubnaadaan, dalkooda u maqnaadaan, goob-walba iyo fagaare walba ay ku matalaan, Qaddiyadda Somaliland ay difaacaan, waddankoodana ilaashadaan.

20/09/2026

๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฅ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Washington D.C. kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika

BAAQ KU SOCDA QURBAJOOGTA SOMALILAND EE DALKA MARAYKANKAWaaxda Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ...
19/09/2026

BAAQ KU SOCDA QURBAJOOGTA SOMALILAND EE DALKA MARAYKANKA

Waaxda Qurbajooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dhammaan Qurbajoogta Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka inay ka qayb galaan isu-soo-baxa lagu taageerayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Isu-soo-baxani wuxuu ka dhacayaa Xarunta Qaramada Midoobay (UN) ee magaalada New York, waana fursad muhiim ah oo lagu muujinayo midnimada, rabitaanka iyo codka bulshada Somaliland.

๐Ÿ“ Goobta: Dag Hammarskjรถld Plaza, First Avenue, New York City
๐Ÿ“… Taariikhda: 23-ka Sebtembar 2026

Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa dhammaan muwaadiniinta Somaliland ee ku gobolada dalka maraykanka in ay u diyaar garobaan banaan baxaa oo ay muujiyaan cududooda iyo in qarankoodu u qalmo aqoonsi caalami ah

Midnimadeennu waa awooddeena,
codkeennuna waa fariinteena.

Waaxda Qurbajooga ee
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Address

WADADA MADAX-TOOYADA
Hargeisa
MAROODIJEEX

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634799552

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Diaspora Global Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somaliland Diaspora Global Network:

Shortcuts

Share