03/06/2026
Dr Jaamac Cabdi Falaash Oo Ka Mida Aqoonyahanad Wax Ka Dhiga Jaamacadaha Dalka Kana Mida Gudida Tacliinta Sare Ee Somaliland Ayaa Saaka Kelmada Wacyi Gelinta Todobaaka Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.
Kulankan Wacyi Gelintaa Oo Si Todobaadla Uga Dhaca Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi 4aad.
Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Gudashada Waajibadka Alle Iyo Waajibadka Shaqada.
Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.
17/05/2026
Xoghayaha Degmada M.Mooge Oo Uu Wehelinaayo Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada M.Mooge Ayaa Shalay Kala Qayb Qayb Galay Dugsiga Hoose, Dhexe Iyo Sare Ee Macaarif Dabaal Degmada Munaasibada 18 May.
Geesta Kale Waxaa Iyaguna Munaasibada Dabaal Degan Qayb Ka Ahaa Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ay Ugu Mudnaayen Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Duulista Iyo Horumarinta Madaarada Somaliland.
Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.
16/05/2026
Caawa Iyo Ka Soo Qayb Gal Wacan Muwaadin
13/05/2026
Sheekh Maxamed Maxamuud Oo Ka Mida Culimada Degmada Ayaa Saaka Kelmada Wacyi Gelinta Todobaaka Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.
Kulankan Wacyi Gelintaa Oo Si Todobaadla Uga Dhaca Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi 3aad.
Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Joogtaynta camalka wanaagsan ee adduun iyo aakhiraba anfaca leh iyo sida islaamku u booriyay qofka muslimka ahin anuu noqdo qof shaqo u joog ah.
Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.
12/05/2026
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Maayirka Iyo Maayir Xigeenka Cusub Ee Hargeisa
Maayir: C/risaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa)
Maayir Xigeen: Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye)
06/05/2026
Dr C/khabiir Maxamed Axmed (PHD) Oo Ka Mida Barayaasha Jaamacadaha Dalka Ayaa Saaka Kelmada Wacyi gelin Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.
Kulankan Wacyi Gelinta Ayaa Oo Loo Asteeyey Inuu Si Todobaadla Uga Dhaco Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi Labaad.
Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Hawlkarnimada Iyo Daacadnimada Shaqada.
Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.
29/04/2026
Gudoomiyaha Gudida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Degmada M.Mooge Sheekh Khadar Xasan Ismaacil Ayaa Saaka Kalmad Wacyi Galina Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.
Kulankan Wacyi Gelinta Ayaa Loo Asteeyey Inuu Si Todobaadla Uga Dhaco Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada.
Mawduuca Koowad Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Amaanada, Ilaalinta Waajibadka Iyo Masuuliyada Shaqada.
Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.
31/03/2026
Hogaanka Degmada Degmada M.Mooge