Degmada M.Mooge

Degmada M.Mooge

Share

wararka iyo xogta Degmada Maxamed Mooge

Photos from Degmada M.Mooge's post 03/06/2026

Dr Jaamac Cabdi Falaash Oo Ka Mida Aqoonyahanad Wax Ka Dhiga Jaamacadaha Dalka Kana Mida Gudida Tacliinta Sare Ee Somaliland Ayaa Saaka Kelmada Wacyi Gelinta Todobaaka Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.

Kulankan Wacyi Gelintaa Oo Si Todobaadla Uga Dhaca Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi 4aad.

Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Gudashada Waajibadka Alle Iyo Waajibadka Shaqada.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

Photos from Degmada M.Mooge's post 17/05/2026

Xoghayaha Degmada M.Mooge Oo Uu Wehelinaayo Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada M.Mooge Ayaa Shalay Kala Qayb Qayb Galay Dugsiga Hoose, Dhexe Iyo Sare Ee Macaarif Dabaal Degmada Munaasibada 18 May.

Geesta Kale Waxaa Iyaguna Munaasibada Dabaal Degan Qayb Ka Ahaa Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ay Ugu Mudnaayen Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Duulista Iyo Horumarinta Madaarada Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

16/05/2026

Caawa Iyo Ka Soo Qayb Gal Wacan Muwaadin

Photos from Degmada M.Mooge's post 13/05/2026

Sheekh Maxamed Maxamuud Oo Ka Mida Culimada Degmada Ayaa Saaka Kelmada Wacyi Gelinta Todobaaka Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.

Kulankan Wacyi Gelintaa Oo Si Todobaadla Uga Dhaca Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi 3aad.

Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Joogtaynta camalka wanaagsan ee adduun iyo aakhiraba anfaca leh iyo sida islaamku u booriyay qofka muslimka ahin anuu noqdo qof shaqo u joog ah.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

12/05/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Maayirka Iyo Maayir Xigeenka Cusub Ee Hargeisa

Maayir: C/risaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa)
Maayir Xigeen: Aadan Jaamac Xaddi (Mideeye)

11/05/2026

Xogahayaha Degmada M.Mooge Mudane: Maxamed Ibraahim Yaasin (Dareen) Oo Ay Wahelinayan Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Iyo Gudoomiyaha Sport-ka Degmada Ayaa Furay Horyaalka Kooxaha Heerka 4aad (D) Oo Ay Ka Qayb Galayaan 8 Kooxod Oo Ka Dhisan Isla Degmada.

Tartankan Oo Noocisu Ku Cusub Yahay Heer Degmo Ayaa Noqon Doona Horyaal Laba Is Araga Oo Ay Kooxaha Qaarna Ku Darajo Ahaan Ku Dalacaan Qaarna Heerka Kan Ka Hooseyana Ay Ku Laabtan.

Ugu Dambayn Xogahaye Maxamed Dareen Ayaa La Dardaarmay Dhamaan Kooxaha Horyaalkan Ka Qayb Galaya Isaga Oo Ku Adkeeyey Inay Ilaaliyan Akhlaaqiyaadka Iyo Ciyaar Wanaaga (Fair Play).

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

Photos from Degmada M.Mooge's post 06/05/2026

Dr C/khabiir Maxamed Axmed (PHD) Oo Ka Mida Barayaasha Jaamacadaha Dalka Ayaa Saaka Kelmada Wacyi gelin Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.

Kulankan Wacyi Gelinta Ayaa Oo Loo Asteeyey Inuu Si Todobaadla Uga Dhaco Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada Ayaa Maanta Ahaa Maalintisi Labaad.

Mawduuca Maanta Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Hawlkarnimada Iyo Daacadnimada Shaqada.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

Photos from Degmada M.Mooge's post 29/04/2026

Gudoomiyaha Gudida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Degmada M.Mooge Sheekh Khadar Xasan Ismaacil Ayaa Saaka Kalmad Wacyi Galina Siiyey Shaqaala Weynaha Degmada M.Mooge.

Kulankan Wacyi Gelinta Ayaa Loo Asteeyey Inuu Si Todobaadla Uga Dhaco Maalinkasta Oo Arbacada Hall-ka Shirarka Ee Degmada.

Mawduuca Koowad Ee Barnaamijkan Wacyi Gelinta Ayaa Quseeyey Amaanada, Ilaalinta Waajibadka Iyo Masuuliyada Shaqada.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

01/04/2026

Muuqalka Guud Ee Munaasibadii Xil Wareejinta Xoghayihii H**e Iyo Xoghayaha Cusub Ee Degmada M.Mooge.

Xafiiska Warbaahinta Degmada M.Mooge.

Photos from Degmada M.Mooge's post 31/03/2026

Hogaanka Degmada Degmada M.Mooge

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa