01/06/2026
Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.
Allaa Mahad leh
01/06/2026
Ardayda Fasalada Siddeedaad ee Dugsiga Hoose dhexe Cabdilaahi Mascuud ee Magaalada Hargeysa oo saaka soo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL.
Ardayda ayaa intii ay ku sugnaayeen Taliska Guud ee Ciidanka la siiyey Wacyi-gelin la xidhiidha Aafada Dabka waxaanay si weyn ugu farxeen Hannaanka iyo habka diyaar garow ee Ciidanka Dabdemiska waxaana mid mid loo soo mariyey guud ahaan Xafiisyada kala duwan ee Taliska Guud iyo Qolka Hoggaaminta ee Ciidanka Dabdemiska.
Ugu dambayna Ardayda ayaa balan qaaday in ay qayb ka noqon doonaan Wacyi-gelinta Bulshadda ee Faafinta Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 in ay Bulshadda iyo Ardayda kala duwan gaadhsiin doonaan.
01/06/2026
Muwaadin ha xidhin Jidka iyo Marinka maritaanka Gaadiidka Gurmadka Degdega ah.
Gaadiidka Gurmadka oo hela marin ku haboon waa Bad-baadada Naftaada, maalkaaga iyo Hantidaada.
Jidka oo aad xidhataa waxa uu keenni kara Khasaare sababi kara dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL waxa ay Bulshadda farayaan in ay furaan marin kasta oo xanibi kara Gurmadka Dabdemiska iyo maritaan kasta oo muhiim ah.
Guriga hortiisa oo aad dhigto dhagaxaan iyo Kaabaddo waa weyn waxa ay keeni kartaa in uu xanibo Gurmadka Dabdemiska.
Guddiyada Xaafaddaha iyo Goobaha isku raranka ah waxa la farayaa in ay furaan Dariiqyo ku haboon oo Ciidanka iyo Gaadiidkuba u maraan haddii ay wax dhacaan.
31/05/2026
Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo Damiyey Guri Daar ah oo Dab haleelay.
Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Gacma Dheere ayaa maanta Damiyey Dab ka kacay Guri Saddex qol ah oo ku yaala xaafadda Gantaalaha ee Degmeda Ibraahim Koodbuur.
Ciidanka ayaa guud ahaanba ku guuleystay in ay Gurigaasi ka Badbaadiyaan Dabkii qab saday kadib markii ay ku xakameeyeen qolkii uu ka bilowday.
Sababta Dabkaasi ayaa ahayd Caruur Guriga lagaga tagay oo ku shiday Leetar.
Ciidanka Dabdemiska Somaliland waxa Farayaan Waalidiinta in aanay Caruurta Guryaha kaga tagin isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo sababi kara Khataraha Dabka iyo Aafadiisa.
Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.
Allaa Mahad leh
31/05/2026
Gabiley: Ciidanka Dabdemiska Somaliland ayaa maanta soo Samatabixiyey Wiil yar oo Ajaanib ah kaasi oo Suuli ku xidhmay.
Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ee Gobolka Gabiley ayaa maanta Samatabixin u sameeyey Wiil yar oo u dhashay Dalka Syria kadib markii uu Albaab Suuli ku xidhmay Xaafadda 18 May ee Degmadda Gabiley.
Aabaha Qoyskaasi ayaa Ciidanka uga mahadceliyey Samatabixinta ay Ciidanku u sameeyeen Wiilkiisa.
Haddii aad la kulanto masiibo Dab ama Samatabixin Degdeg ah Soo wac Lambarka Gurmadka Degdega ah ee 990 Shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Soltelco kaasi oo ay Heeggan kuugu yihiin Hawl-wadeenada Qolka Hoggaaminta Ciidanku 24-ka Saacaddoodba.
Allaa Mahad leh
30/05/2026
Jawaabta Su’aashi Todobaadki H**e oo Tifaaf tiran.
Waa Barnaamij Todobaad leh oo ku saabsan Badbaada dadka iyo Bakhtiinta dabka Jawaabta Su’aashi Todobaadki H**e oo Tifaaf tiran.
Tallaabooyinka Ugu Horreeya Ee La Qaadayo Marka Dab Kaco
1. Qaylo-dhaan samee si dadka goobta ku sugan loogu wargeliyo khatarta jirta.
2. Dadka si degdeg ah uga daadguree goobta una hag meel ammaan ah.
3. Wac Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL adigoo garaacaya 990 (Telesom, Somtel ama Solteco).
4. Haddii ay suurtogal tahay oo aanay khatar kugu ahayn, xidh albaabbada iyo daaqadaha si loo yareeyo ogsijiinta shidmada dabku u baahan yahay iyo fiditaanka dabka.
5. Haddii dabku yar yahay, aadna tababar u leedahay isticmaalka qalabka dab-damiska, isku day inaad damiso adigoo iska ilaalinaaya inaan dabku kudabamartayn oo aanu albaabka kaa xidhin.
6. Dadka meel ammaan ah isugu gee oo hubi in qof walba goobta ka baxay, cidna aanay ka maqnayn.
7. Ha u oggolaan qofna inuu ku laabto goobta dabku ka kacay ilaa ay Ciidanka Dabdemisku fasax ka bixiyaan.
Xusuusin: Bad-baadinta nafta ayaa ka horraysa badbaadinta hantida.