Ali Hassan Awale

Ali Hassan Awale

Share

Ali Hasan Awale, was born in 1976, in Hargies. I was The former Director of Regions and politics ,

28/09/2025

Ducada Kulanki islaamka lagu soo khatimay oo logu duceeyay Cassaimada jamhuriyada barakaysan ee Somaliland, ee Hargeisa iyo dadkeeda
Aamin aamin aamin , Allah haino aqbalo

Kulanka islaamka ee sanadkan oo ay isugu yimaadiin dad lagu qiyaasay 70 kun oo oo ka kalayimid dhamaan daafaha calamka .
Aya waxa lagu dhisay 100 qoys oo ducaad iyo ducaad iyo dadkale oo islaam ah isugu jira , ayadoi lagu guuriyay ama lagu meheriyay boqolaal dumar ah, kuwaas oo ay mehersadeen rag ducaad ah. Iyo kwo kale oo islaam alh,
Ku darso qiimaha meherada aya ahaa kuwo aad u hooseya oo aan dhib ku ahayn guurka lamanayashan.
Kuwaas oo halkaas looga duceeyay.

Masha Allah , Allah ha bareekeeyo qoyasaska islaamka ah ee dhismay .aamin aamin aamin

08/09/2025
08/09/2025

Waraysi kooban aan maanta siiyay Tv. Bulsho..
Waraysi kooban aan maanta siiyay Tv. Bulsho..

Maxamed Mursi Allah haw naxariiste. Aya xigmad dardaarana ku yidhi shacabka reer Masar.

Xikmadaas oo ahayd , marka la afsomaliyeyo sidan

"Hadii aad dishaan libaaxyadiina waxa idin cuni doona dacwooyinkiina"

Af carbeedna waxay ku noqonaysa

اذا قتلتم اسودكم ستاكل ثعلبكم

Af englishna waxay ku noqnaysa sidan

"If you kill your loins , your fox will eat you"

Aniguna intaas uunba odhanaya Bulshada reer Somaliland.

11/06/2025

Goobtu wa sayla wa kormeer iyo hawlgalin shaqaale aan ku marayay gobolka hawd dhamaantii Wakhtigii diwaangalinta muwadinka National Id cardka maanta dalkeena halku ka marayo iyo sida lo isticmaalo. Wakhiga ku hawlana hirgakintiisa anigo ah agaasimaha Waxda jinsiyadaha qaranka j. Somaliland.

Fiiro gaar: waxaan ahaa asaasihii iyo maskaxdii ka danbeysay bilawga , naqshadaynta iyo macluumadka National Id kaadhka maanta la qaato, waxa ila hirgaliyay. Fikirkaas markii aan keenay,
Waxanu ka bilaabmay warqad form ah oo aan sameeyay taasi oo la odhan jiray, foomka , ama Xashida Diwaangalinta Muwaadinka, macluumadka ay ka kobnayd waxa ahaayeen.

1. Magaca muwaasinka oo afran.
2. Magaca . Hooyadii.
3. Goobta shalasho/ taarikhda dhalasho.
4. Goobta u deganyahay / gobolka/ Degmada.

5 Qabiilka u ka soo jedo.
6. Caaqilkiisa.
7. Cinwankiisa ama numberkiis.

Xaashidan diiwaangalinta muwadinta waxa xaga sare lagaga xidhi jiray sawirada muwadinka . Waxay ka koobnayd laba koobi, mid muwaadinka la siiyo iyo mid xafiisku lahadho.

Waxa xaga hoosu ku qorna qoraal muwadinka khuseeya oo ah . In maclumadkaa aan bixiyeye, sax yihiin wixii qalad kaso noqdana an maauuliyadeed qaadaya sharcigana la igu horgeeyo.
Sodoo kale waxa saxeex . Numberka 6 aad ku.lahaa caaqilkiisi oo xafiiska hor Jinsiyadaha hor iman jiray.

Ugu danbeyn waxa saxeexa u danbeeya lahaa Aniga oo ah agaasimaha waaxda jinaiyadaha qaranka Jsl. Ee wasaarada arrimaha gudaha. Cali Xasan cawaale , shanbad waaxdana wa ku shici jirtay.

Hadaba waxa is weydiin leh warqadani maxay tari jirtay ka hor intaan kaadhka loo bedelin. ya se qaadan jiray ama so donan jiray.?

Warqada Diwaanglinta muwadinka oo marka kadhkan u dhigmayaysay waxa qaadan jiray.
1. Qof kasta oo Raba in u qaato pasportka somaliland laanta socdaalka oo kalin weyn ku lahayd hirgalinta warqadan aya waxay qofka pasportka doonaya ku xidhi jirtay in uu warqada Diwaangalinta muwadinka ka soo qaato Wasaarada daakhiga. Ayado warqado marka u dhigmaysay ama ku jirtay kaalinta maanta u kaadhka dhalashadu ku jjro.

2. Waxa kale oo Warqadan lagu xishi jiray wakhti mushaeaxiintii golayaasha degaanka ee dorashada 2012.taas o komiahanka doorasgooyinku ay shurudaha ugu jirtay in muaharax kasta so cadeeyo muwadinimadiiaa warqada diwangalintana kasoo qaato wasaarada daakhiliga.
Kuwaaa o dhamaantood aanu Siin jirnay.
Wanu garankara Xildhibaan degaan oo harheisa ka tartamay 2012 in warqada u ka so qatay waaxda jinsiyadaha qaranka wasarada arrimaha gudaha

MASUULIYIINTII ILA HIRGALISAY HAWSHAN IYO HAL ABUURKAN AAN LA IMID.

1. Taliyihii laanta Socdaalka , taliye Dayib Caalin oo hada nool oo an ka codaaday in uu dadka pasporta uso doonta warqadan kuxidhi si muhiimad u yeelato madama qorshabaygu ahaa in kaadh loo badelo dhawaan kaadhka iyo pasporkuna isku xidhmaan
Taliye Dayib Allah raali ha ka noqdo wa iga aqabalay arrintii waanu hirgaliyaya.

2. Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha , Maxamed nur caraale duur,, walow markii h**e si khaldan warqadan loogu sheegay wasiirka, oo u shaqadii agaasinimo igaga qaaday, balse nasiib wanaag mudo toba casho gudahood ah sib igu so magacaabay shaqadii , warqadiina si heer sare ah u fahmay muhiimadeeda kasib marku arkay.

3. Wasiir kuxigeenkii amniga wasaarada arimaha gudaha oo marka ahaa md. Cabdilaahi Abokor , kaasi oo qoraal u qoray dhaman cida ay khusayso waax ahaana nagu booriyay in ay horgalino , oo socodsiino Warqada , Diwaangalinta muwaadinka,

Waxa kale oo wakhtiga wasaatadu go,aan ku gaadhay fulisayna in kaadhka dhalashasa iyo ka codayntu kala gaar noqdaan komishanka doorashoyinkuna ay kaadhadh codbixinta gaar u dabacdaan , halkii awal h**e komishanku so daabici jiray kaadh, muwaadin oo lagu codaynayo. Calashan isku jira. Taasna si wacan ayay horgashay.

4. Agaasimihii guud oo marka ahaa Cabdilaahi balacki isla markaana aha cidii i magacwaday Xilka agaasimaha waxda jinsiyadaha aniga oo ahaa marka h**e agaasimaha waaxda Gobolada iyo siyaasada, wakhtiga la imagacaabayna waxa wasaarada wasiir ka ahaa Dr gabooze oo agaasimaha amar ku siyay in waaxda u i bedelo asaguna magacaabista sameeyo,
Waxa xusid mudan in aan xilka waxda ka cudur daartay anigoo u sheegay in waaxdaasi jawl badan iyo shaqo badan u bahantahay, balse waxay labada masuulba igu maslaxeen in aan aqbalo xilka isla marka waxay ii balan qaadewn in ay ila shaqaynayaan, hawlkasta oo an waxda ka qabanayo. Walow wax yar kadib uu wasiirkii Dr gaboose iska casilay xilka, hawshiina la kawsatay wasiir duur.

5. Ugu danbeyn waxa hawshan ai laxaad leh uga qayb qaatay Xoghayntaydii Xafiiska oo hada jooga wasaarada, Sacad cali.

Dhamaan masuuliyintaasi way noolyihihiin waxayna markhaati ka yihiin bilawgii fikirkan iyo hindisahan in uu ka yimid xagayga ayana ila hirgaliyeen. Wan u mahadnaqayaa dhamaantood

INTA KADIB MAXA DHACAY .

Mudo waxay warqadii sida kuso shaqaysaba, Waxa isbedel ku yimid masuuliyintii wasaararada walow hada taarikhdii isbedelka aan hilmaan sanahay lkn waxay ahay 2013 melahaas.

Waxa wasaatada wasiir ka noqday waran Cali maxamed Waran cade, waxa agaasimo guud ka noqday, nin hada magaciisi aan liqsanahay, oo bil gudaheed marku Xilka la wareegay xanuunsaday, shaqadina ka tagay .
Waxa la so magacaabay oo agasime guud lo ao magacaabau Cabdi samad Cumar maal, oo hada ah garyaqaanka guud ee Qaranka.

Waxyar kadib waxay wasaaaradu goaansatay in arrinta Diwaangalinta muwaadinkako bedelo hab casri oo laga dhigo National Id carka ama kaadhka dhalashada muwaadinka , ayadoo madaxweynaha Jsl Marxum Axmed Silaanyo ka codatay arrintan in wax kala qabto.

Waxa u madaxweynuhu magacaabay steering comitte, gudida diwaangalinta muwaadinka , oo u gudoomiye u yahay Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Cali Waran cade, waxa xubnaha gudidiaas ka mid ahaa.

1. Wasir Cali waran W.A.G. gudomiye
2. Xirsi Xaji cali. W. Madaxtoiyada.
3. Sacad Cali shire. Wasirka qorshaynta
4. Samsm cabdi aadan
W. Waxbarashada.

Waxa kale oo u madaxweynuhu magacabay gudi kale oo gudidan hoos tagta oo lagu magacabo TASK FORCE.

1. Cabdisamad cumar maal Ag. Guud W.A.G.
2. Cali.Dahir Oo ahaa agaasimaha itga dawlada, wakhtigii dawladi muse bixina noqday Gudoomiyaha banka jsl.
3. Cali shoonbe oo aha lataliye. Wakhtigas
4. C/ raxmaan oo wakhtiga aha school an magaciisi ilawsanahay maamule ka aha , hada se ah Xubin komishanka Dorasvooyinka kana timid xaga xisbigii
ucid..

Ugu danbeyn waxa la hirgaliyaya systemki dabacaada kaadhka oo laga bilaabay gobolka maroodi jeex iyo degmooyinka hoos timaada.
videogani wa markii ay dhamaatay hargeisi ayaanu u rarnay kitatkii lagu diwangalinayay dadka degmooyinka iyo tumooyinka go olka marodi jeex .

Markaa taariikh dheer, iyo hawl culus ayu ka mid yahay vidiogan cawa idiin muuqda.
Kadhkan yar ee.dhalashaduna waxa u ka aoo maaxday maskaxda ninka qoralkan qoray waxan taaba galiyay madaxda qaranka wana kaas maanta aynu manaafacaadanayno, walo hal face kaliya aan ka isticmaalno, oo faces kale oo muhiim ahi oo isla kaadhkan un ah ino hadhsanyihiin in aan u gudubno insha All
ah iyana waynu gaadhi.

Waxa iga Xasuusin ah dhaman masuliyinta aan halka ku xusay wa wada nool yihiin. Intan ka warqabo. Hawshana waxay ahayd hawl dheer oo anan qoraal iyo laba iyo sadex midna kuso koobi karin. Balse cawa in yar aan ka tatabtay.

Ali hasan awale ( Garaad Nageeye)

Photos from Ali Hassan Awale's post 03/06/2025

AMUURAHAN IYO AMAKAAGANI WA ISBEDELKII OO LUGAYNAYA.

Safaradii Madaxweynaha ee Kenya iyo Jabuuti , midna k**a soo muuqan Wasiirka arrimaha dibada jsl. Kamana mid ahayn waftiga mafaxweynaha u raacay safarafldan. Ku darso xata safarkan u danbeyay waxa xadhiga u ka jarayay madaxweynuhu dhismaha safarada dalka somaliland ku leeyahay Dalka kenya , shaqadana waxay si toosa wajibakeeda uga mid tahay Wasarada arrimaha dibada. Waayo safaaraduhu waa xafiisyada wasaarada arrimaha dibada ee dalka dibadiisa uga furan dalkeena.

Marka Tolow maxa dhacay ee safaradan ka reebay Wasiirkii Arrimaja Dibada.
Ma pratocolkii aya wax laga badalay? Ma Xukuumada Saluugtay wasiirka, iyo shaqadiisa, mise Wasiirka aya saluugay Xukuumada? (Something wrong) halka waxba qaldan wabase la ogaan.

Ayaba wa tabaalaha aduun taynu aragnaye

Ninkii booskan ka baxay ee wasiir Dr Ciise Kayd ( Trump kii geeskaafrika ,) ahaana wasiirkii arrImaha dibad ee h**e, wuxu ahaa ninkii ugu saamaynta badna wasiiradii so maray wasaarada arrimaha dibada , Dalka JSL. Gudo iyo Dibadba.

Waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee gaadhay heer uu dharkaba ula baxo iibgeynta waf
Qadiyada Dalka Jamhuuriyada Spmaliland.
Mantana wa aragna wasiirka wasaarada Srrimaha Dibada JSL oo xata aan safaradii mafaxweynaha ka mid ahayn .

(ADUUNYO MEEL AAR KA KACAY ATOOR FADHDADHIISAY. )

TALO AHAAN MAXAD ODHAN LAHAYDEEN BULSHOY WASIIRKA ARIMAHA DIBADA JSL .

( ALLAW XUKUMADENA BARAKEE AAMIN. OO NO HAGAAJI , HADAY XUNTAHAY IYO HADAY SANTAHAYBA ANAGAY NA MATASHAAYE. AAMIN) WAX KALO OO AN DHAHO GARAN MSAYO OO AN DUCADA AHAYN.

30/05/2025

Hadii Xukuumadii ay hudheeladi ka mamnuucday in shirat jaraaid lagu qabto.
Waxan leeyahay (dooxa ma ayada leh)

Dooxan Hargeisa awowgey Ibraahim bixi ayu beer u ahaa oo ka talin jiray, kuna cashuuri jiray cid kasta oo biyo uso donata. Beertiisuna waxay ahay Xerada weyn ee Birjeex wakhtigii ingiriska..
( Nin walowba Adun so kaxe wad is aragtaye)

Xisbigii Kulmiye midhban leeyhaya
Saxibkay Jamac shabeelna midhban leeyahay

Cali Xasan Cawaale [ Ali Nageeye )

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Hargeisa