Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL

Directions Website Contact the organization

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL The Somaliland National Human Rights Commission is a government institution tasked with the promotion and protection of human rights in Somali land.

Komishanka Xuquuqda Aaddamaha Qaranka

22/10/2026

Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ayaa bulshada ku wacyigeliyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Caynaba – Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobollada Sool iyo Saraar, Mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kulan wacyigelin ah ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo ka hadlay ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah, caqabadaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba kala kulmaan dhismayaasha dawladda, goobaha gaarka loo leeyahay iyo goobaha cibaadada, iyo muhiimadda ay leedahay in carruurta baahiyaha gaarka ah qaba la geeyo goobaha waxbarashada.

Komishanka xuquuqal Aadamaha Qaranka aya soo qaban qaabiyey tababar laba cisho socday kaasi oo loo qabtey haayadaha shar...
14/10/2026

Komishanka xuquuqal Aadamaha Qaranka aya soo qaban qaabiyey tababar laba cisho socday kaasi oo loo qabtey haayadaha sharci fulinta,tabarkani wuxuu ku saabsana ilaalinta xuquuqda dadka socotada ah.

Oog – isuduwaha komishanka xuquuqul Aadamaha qaranka ee gobolada sool iyo saraar mudane jaamac maxamed Aadan ( Food) aya...
11/10/2026

Oog – isuduwaha komishanka xuquuqul Aadamaha qaranka ee gobolada sool iyo saraar mudane jaamac maxamed Aadan ( Food) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Hooyada iyo Dhalaanka (MCH) ee degmada oog. Kormeerkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa ujeeddadiisu ahayd in si qoto dheer loo qiimeeyo heerka adeegyada caafimaad ee ay xaruntu bixiso, tayada daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka, iyo guud ahaan xaaladda xuquuqul aadame ee ka jirta xarunta.

Intii uu socday kormeerku, waxa si gaar ah diiradda loo saaray xaqiijinta in bukaannada, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh iyo carruurta yaryar, ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, sinaan iyo ixtiraam ku dhisan. Sidoo kale, komishanku waxa uu qiimeyn ku sameeyay duruufaha shaqo ee shaqaalaha xarunta, si loo hubiyo in ay ku shaqeeyaan jawi waafaqsan mabaadi’da xuquuqul aadamaha, isla markaana ay helaan taageerada iyo agabka ay u baahan yihiin.

Komishanka ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha xarunta, halkaas oo ay kaga warbixiyeen xaaladda dhabta ah ee adeegyada, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta leh. Komishanku waxa uu ku bogaadiyey shaqaalaha dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu adeegayaan bulshada.
Kormeeradan ayaa qayb ka ah dadaalada uu komishanka xuquuqul aadamaha qaranku ugu jiro sidii muwaadiniintu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda caafimaad.

‎ Berbera – Xafiiska Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Gobolka Saaxil oo kormeer shaqo ku sameeyay Cisbitaalka Magaalada B...
11/10/2026

‎ Berbera – Xafiiska Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Gobolka Saaxil oo kormeer shaqo ku sameeyay Cisbitaalka Magaalada Berbera

Xafiiska Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Gobolka Saaxil ayaa kormeer shaqo ku sameeyay Cisbitaalka Magaalada Berbera, oo bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil iyo dadka u baahan gurmadka caafimaad ee ka dhasha shilalka gaadiidka ee ka dhaca jidka isku xidha bariga iyo galbeedka dalka.

Kormeerkan oo qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee Komishanku ku qiimeeyo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu ogaado heerka adeegyada caafimaad ee bulshada la siiyo, tayada daryeelka bukaannada iyo sida adeegyada caafimaadku ula jaanqaadaan mabaadi’da iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha.

Intii uu socday kormeerku, waxa si gaar ah diiradda loo saaray adeegyada ay helaan bukaannadu, habka loola dhaqmo, helitaanka daryeel caafimaad oo ku filan iyo ilaalinta karaamada, sharafta iyo xuquuqda dadka adeegyada caafimaadka u baahan. Waxa kale oo la eegay muhiimadda ay leedahay in xarumaha caafimaadku u hoggaansamaan shuruucda maxalliga ah iyo halbeegyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqda aadanaha iyo xaqa uu qof kastaa u leeyahay helitaanka daryeel caafimaad.

Ugu dambayn, kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Xafiiska Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Gobolka Saaxil ugu jiro xoojinta ilaalinta xuquuqda bukaannada, kor u qaadista wacyiga xuquuqda aadanaha iyo dhiirrigelinta horumarinta adeegyada caafimaadka. Waxa kale oo uu gacan ka geysanayaa la-socodka adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda, si loo hubiyo in dadka u baahan adeegyadaasi ay helaan daryeel ku habboon, ixtiraam leh, isla markaana waafaqsan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Komishanka Xuquuqal Insaanka waxa ka go’an inuu sii xoojiyo kormeerrada iyo la-socodka xarumaha adeegyada bulshada, isaga oo mudnaan siinaya ilaalinta karaamada aadanaha, sinnaanta iyo xaqa uu qof kastaa u leeyahay helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh.

isuduweyaasha Xafiisyada Komishanka Xuquuq Insaanka Qaranka ee Gobollada Saaxil iyo Sanaag ayaa kormeer shaqo ku sameeye...
06/10/2026

isuduweyaasha Xafiisyada Komishanka Xuquuq Insaanka Qaranka ee Gobollada Saaxil iyo Sanaag ayaa kormeer shaqo ku sameeyey xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka dhimirka ee magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Kormeerkan oo qayb ka ah waajibaadka shaqo ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda bukaannada ku jira xarumaha caafimaadka dhimirka, tayada adeegyada caafimaad ee ay helaan, iyo ilaalinta xuquuqdooda aasaasiga ah.

Intii uu kormeerku socday, waxa si gaar ah loo eegay heerka adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada, xaaladaha ay ku sugan yihiin, iyo sida ay xarumuhu ugu hoggaansamaan shuruucda maxalliga ah iyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Bukaannada ku jira xarumaha caafimaadka dhimirka ayaa isugu jira muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka kala yimid gobollo kala duwan, gaar ahaan gobollada bariga, iyo dad ka yimid dalalka deriska ah, sida Itoobiya. Waxa xusid mudan in bukaannada qaarkood ay xarunta keento Dawladda Hoose ee Berbera, halka kuwo kalena ay qoysaskoodu si toos ah u keenaan.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ee lagu ilaalinayo xuquuqda dadka qaba xanuunnada dhimirka, kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad, laguna hubinayo in xarumaha caafimaadku u hoggaansamaan mabaadi’da iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha.

Ujeeddada ugu weyn ee kormeeradani waa xoojinta ilaalinta xuquuqda bukaannada, la-socodka xaaladaha xarumaha caafimaadka dhimirka iyo dhiirrigelinta horumarinta adeegyada caafimaad ee ay helaan dadka u baahan daryeelka caafimaadka dhimirka ee Gobollada Saaxil iyo Sanaag

Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hog...
29/09/2026

Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddida, Md. Cali Xuseen Nuur, ayna ku weheliyaan Xildhibaannada Guddida, ayaa maanta kulan la yeeshay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka, Md. Maxamed Baaruud Cali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xog-waraysi ku saabsan hawlaha iyo shaqooyinka Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, iyadoo Komishanku Guddida la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka Komishanka iyo shaqooyinka uu qaranka u hayo.

Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada Guddidu waxay Komishanka waydiiyeen su’aalo la xidhiidha hawlihiisa, waajibaadkiisa iyo shaqooyinka uu qaranka u hayo, waxaana Guddoomiyaha iyo xubnaha Komishanku si faahfaahsan uga jawaabeen dhammaan su’aalihii ay Guddidu waydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddida ayaa uga mahadceliyey Komishanka kulanka iyo xog-wadaagga ay la yeesheen Guddida, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha qaranka ee ku hawlan ilaalinta caddaaladda, shuruucda iyo xuquuqda aadanaha.

Gabagabadii, labada dhinac waxay isla qaateen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, isku-xidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, si loo dardargeliyo hawlaha wadajirka ah ee dhinacyada khuseeya.

SUPPORT FOR SOMALILAND’S SOVEREIGNTY AND INTERNATIONAL RECOGNITION
23/09/2026

SUPPORT FOR SOMALILAND’S SOVEREIGNTY AND INTERNATIONAL RECOGNITION

Kulanka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka iyo Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada SomalilandKomishanka Xuq...
22/09/2026

Kulanka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka iyo Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa ku cad Xeer Lr. 39/2010, waxa uu 21-ka Sebtembar 2026 booqasho ku tagay xafiiska Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Booqashada waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka muddane Maxamed Baaruud Cali, waxaana ku wehelinayay xubno ka tirsan guddida Komishanka, Agaasimaha Fulinta iyo Agaasimaha Waaxda Kormeerka.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd gudashada waajibaadka Komishanka ee la xidhiidha ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda aadamaha, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha qaranka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xog-waraysi ku saabsan hawlaha iyo shaqooyinka Komishanka, iyadoo Komishanku Guddida la wadaagay warbixinnadii uu soo diyaariyey lixdii bilood ee u dambeeyey.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee golaha wakiilada, Marwo Aamina Cilmi Fariid, ayaa Komishanka uga mahadcelisay booqashada iyo kulanka ay ku yimaadeen xafiiska Guddida. Waxay sidoo kale Komishanka la wadaagtay halka uu marayo Xeerka Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan wax-ka-beddelka iyo kaabista ay Guddidu ku samaysay xeerka.
Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, si loo dardargaliyo hawlaha ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta xeerarka muhiimka ah ee dalka.

MUWAADIN 5 SANO IYO 5 BILOOD XABSI KU JIRAY OO LAGA SII DAAYEY XABSIGA DHEXE EE GOBOLKA SARAAR.Caynaba: isuduwaha  Komis...
22/09/2026

MUWAADIN 5 SANO IYO 5 BILOOD XABSI KU JIRAY OO LAGA SII DAAYEY XABSIGA DHEXE EE GOBOLKA SARAAR.

Caynaba: isuduwaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ee Gobolka Saraar mudane jaamac maxamed aadan ( Food) ayaa ku guulaystay in xabsiga dhexe ee gobolka Saraar laga sii daayo muwaadin muddo 5 sano iyo 5 bilood ku xidhnaa, kadib markii uu soo dhamaystay muddadii xukunka ciqaabta ee lagu riday.

Muwaadinkan ayaa markii uu dhamaystay muddadii xadhigga ciqaabta, waxa uu awoodi waayey inuu bixiyo xuquuqda madaniga ah ee dhibbanta, taas oo keentay inuu xabsiga ku sii nagaado, oo uu mudo dhaaf ku sii ahaado muddo 5 bilood ah oo ka baxsan muddadii xukunka ciqaabta.

Iyadoo ay arrintan muhiimad gaar ah siisay, Xafiiska Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ee Gobolka Saraar ayaa dadaal iyo isku-xidhnaan ka dib ku guulaystay sidii muwaadinkan loogu suuragelin lahaa in xabsiga laga sii daayo. Arrintan waxaa iska kaashaday Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, Wasaaradda Caddaaladda, ehelada muwaadinka iyo dad muxsiniin ah oo bixiyey deeq lagu daboolay xuquuqda madaniga ah.

Komishanka xuquuqul insaanka qaranku mar walba waxa uu mudnaanta siinayaa daryeelka, kormeerka, iyo ilaalinta xuquuqda dadka ku jira xabsiyada, iyo meelaha kale ee lagu hayo dalka oo dhan.

Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka iyo Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland Komishanka Xuquuqda Aadanaha ...
19/09/2026

Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka iyo Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland

Komishanka Xuquuqda Aadanaha Qaranka iyo Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland (STUF) ayaa 17-ka September kulan ku yeeshay Xarunta Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay dardargelinta wada-shaqaynta labada hay’adood, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha rayidka ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta, dabagalka cabashooyinka shaqaalaha, wacyigelinta shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, iyo sidii loo heli lahaa xalal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha ay khusayso ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.

Address

Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL:

Shortcuts

Share