25/05/2026
Xafiiska Xuquuqul Insanka Gobolka Sanaag
Wuxu booqasho kutagay saladhiga DAALO ee magalada cerigabo
Waxa xafiisku kumishanka xuquuqul insaku u kuurgalay tirada maxaa biista ah eek u xidhan
Iyo xogwaysi guud ee saldhiga ugaar sida taliyaha iyo saraakiisha kel ee ka hawlgala saladhiga daalo oo ah kan ugu mashquulka badan
Baahiyad kala duwan baa saldhiga ka muuqanaya oo ay ubahan yihiin maxaabiista sida biyaha oo intaban ka maqan iyo suuliayda oo ku yar iyo compterada oo ka xun 1 computer qudha ayaa ushaqeeya
Sidaa awageed tirada salahdiga ku xidhan waa shan 5 raga
Dumar maleh rumaan 1 kamid ayaa mudo kordhin loo sameyey sababo kiiskiisa oo labaadhayo darted ah
24/05/2026
Oog – Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobollada Sool iyo Saraar, mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kormeer shaqo oo muhiim ah ku tagay degmada Oog, si loo dar-dargeliyo hawlaha la xidhiidha ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda aadamaha, isla markaana loo qiimeeyo xaaladaha nololeed iyo adeegyada bulshada ee degmadaasi.
Isuduwaha ayaa markii uu gaadhay xarunta dawladda hoose ee degmada Oog waxa si diirran ugu qaabilay duqa degmada Oog, mudane Cabdinaasir Cabdisalaan Ibraahin (Afrikaani), iyo xoghayaha degmada mudane Yaasiin Sugule Xujaale. Labada dhinac ayaa is dhaafsaday xog iyo warbixino ku saabsan xaaladda guud ee degmada, adeegyada bulshada, iyo dedaallada lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadamaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xaaladaha xuquuqul aadamaha ee degmada Oog, gaar ahaan ka warqabka iyo daryeelka dadka nugul.
Sidoo kale, waxa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda fayo qabka iyo nadaafadda kaamamka ku yaalla degmada Oog.
Dhinaca kale, kulanka waxa lagaga hadlay ilaalinta xuquuqda shaqaale waynaha dawlada hoose.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka shaqo ee horyaala komishanka xuquuqda aadamaha qaranka.
14/05/2026
Caynaba – Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobollada Sool iyo Saraar, mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kormeer shaqo oo muhiim ah ku tagay xarunta xafiiska maxkamadda gobol, degmo Saraar, isaga oo sii xoojinaya dadaallada joogtada ah ee komishanku ugu jiro ilaalinta, dabagalka, iyo horumarinta xaaladaha xuquuqul aadamaha ee gobolka.
Kormeerkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa mudane Jaamac Food waxa si diirran ugu qaabilay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobol degmo Saraar, Sheekh Xasan Saalax Muuse.
Intii uu socday kulanku, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka iyo hay’adaha garsoorka,
Waxa kale oo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda xuquuqda shaqaalaha ka hawlgala maxkamadda gobol degmo Saraar,
Sidoo kale, waxa si faahfaahsan looga wada hadlay noocyada tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul aadamaha ee soo gala maxakamada,
Kulanku wuxuu sidoo kale iftiimiyey heerka ay marayso guud ahaan xaaladda xuquuqul aadamaha ee gobolka Saraar.
Mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food) ayaa carrabka ku adkeeyey in Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku uu ka go’an yahay kormeerro joogto ah, wacyigelin, iyo la shaqayn dhow oo lala yeesho hay’adaha garsoorka, si loo xaqiijiyo bulsho ku dhisan caddaalad, sinaan, iyo ixtiraamka xuquuqda aadamaha.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku ku xoojinayo ilaalinta xuquuqda aadamaha, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo adkaynta sarreynta sharciga.
09/05/2026
Borama– isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Awdal mudane ibrahim Cusmaan Shide ayaa kormeer shaqo ku tagay jeelka Dhexe ee boorma.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda xuquuqul aadame ee dadka ku jira jeelka adeegyada aasaasiga ah ee ay helaan
Komishanku wuxuu ku bogaadiyay saraakiisha iyo askarta, dadaalka ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in ilaalinta xuquuqul aadame ay tahay waajibaad sharci iyo mid bani’aadamnimo oo ay tahay in si joogto ah loo ilaaliyo. Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku ku hubinayo in dadka lagu hayo xarumaha dadka lagu xidho ay helaan xuquuqdooda iyo daryeelka ay u baahan yihiin.
06/05/2026
Wiriir – isuduwaha komishanka xuquuqda Aadamaha qaranka ee gobolka saraar mudane jaamac maxamed Aadan ( Food) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Hooyada iyo Dhalaanka (MCH) ee deegaanka waririir oo 180 km oo raf ah u jirta magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar. Kormeerkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa ujeeddadiisu ahayd in si qoto dheer loo qiimeeyo heerka adeegyada caafimaad ee ay xaruntu bixiso, tayada daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka, iyo guud ahaan xaaladda xuquuqul aadame ee ka jirta xarunta.
Intii uu socday kormeerku, waxa si gaar ah diiradda loo saaray xaqiijinta in bukaannada, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh iyo carruurta yaryar, ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, sinaan iyo ixtiraam ku dhisan. Sidoo kale, komishanku waxa uu qiimeyn ku sameeyay duruufaha shaqo ee shaqaalaha xarunta, si loo hubiyo in ay ku shaqeeyaan jawi waafaqsan mabaadi’da xuquuqul aadamaha, isla markaana ay helaan taageerada iyo agabka ay u baahan yihiin.
Komishanka ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha xarunta, halkaas oo ay kaga warbixiyeen xaaladda dhabta ah ee adeegyada, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta leh. Komishanku waxa uu ku bogaadiyey shaqaalaha dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu adeegayaan bulshada.
Kormeeradan ayaa qayb ka ah dadaalada uu komishanka xuquuqul aadamaha qaranku ugu jiro sidii muwaadiniintu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda caafimaad.
29/04/2026
Caynaba: Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar, mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Caynaba, kaas oo u dhexeeyey masuuliyiinta dawladda ee gobolka iyo bahda saxaafadda, ka hawl gasha gobolka. Kulankan waxa soo qaban-qaabiyey guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Saraar, isaga oo ujeedkiisu ahaa xoojinta wada shaqaynta iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha dawladda iyo warbaahinta.
Kulanka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Saraar, maayir ku-xigeenka degmada Caynaba, xildhibaano, isuduweyaal wasaaradeed, iyo xubno kale oo muhiim ah. Ka qaybgalka ballaadhan ee kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan iyo saxaafadda.
Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar ayaa madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay, taas oo uu si qoto dheer ugu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Komishanka iyo warbaahinta. Waxa uu tilmaamay in saxaafaddu door weyn ka qaadato wacyigelinta bulshada, ilaalinta daahfurnaanta, iyo gudbinta xaqiiqooyinka jira, taas oo ka dhigaysa mid lama huraan u ah horumarka iyo dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ilaalinta xuquuqda saxaafaddu ay tahay waajibaad shaqo oo toos ah oo saaran Komishanka, isla markaana ay mar walba heegan u yihiin hubinta in wariyeyaashu si xor ah oo ammaan ah ugu gudan karaan shaqadooda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Komishanku habeen iyo maalinba u taagan yahay difaaca xorriyadda hadalka, si loo helo warar iyo aragtiyo ku dhisan xaqiiqo, kana madax bannaan cabsi, handadaad, ama xadhig sharci darro ah.
Intii uu hadalka watay, Isuduwuhu waxa uu xusay in xuquuqaha aasaasiga ah ee bini’aadamka lagu dammaanad qaaday heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, kuwaas oo ay Somaliland ixtiraamto, iyo sidoo kale Dastuurka Somaliland, gaar ahaan qodobada 25aad iyo 32aad. Qodobadan ayaa si cad u dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda, iyo xorriyadda qofka, kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee bulshada dimuqraadiga ah.
Ugu dambayn, Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka waxa uu caddeeyey in ay ka go’an tahay ilaalinta, difaaca, iyo kor u qaadidda xuquuqda saxaafadda.
27/04/2026
Iskuduwah Gobolka saaxil maxamed xaadara Ayaa kormeer ku tagay dad barakacayaal ah oo dagay degaannada u dhexeeya Abdaal ilaa Mandheera.
Qoysaskan so barakacay waxay ahayen xoolo-dhaqato ka soo barakacay degaannada Waridaad iyo Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer Halkas iskuduwuhu kaga dhagaysatay xaladooda.
Kormeerkan ayaa daaranaa u kuurgelidda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dadka gudaha ku barakacay .
Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee komishanka xuquuqul aadamaha qaranku dadaalka ugu jiro sidii ay muwaadiniinta gudaha ku baraka ay ay u heli lahaayeen xuquuqdooda
26/04/2026
Komishanku waxa uu walaac weyn ka muujinayaa fulin la’aanta qodobada dastuuriga ah iyo ku tumashada shuruucda kale ee dalka, isaga oo ku boorinaya in cid kasta oo la xidhayo loo maro habraaca sharciga ah ee waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.
Komishanku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha ay khusayso in si degdeg ah wax looga qabto arrimahan ka dhanka ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Ugu dambayn, Komishanku waxa uu ku adkaynayaa hay’adaha ku shaqada leh in Cabdirashiid Cabdiraxmaan Daahir loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad sugan iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.
19/04/2026
Xubnahan gudidda xuquuqul insaanka qaranka jsl oo uu weheliyo agaasimaha fulinta ee komiishanku ayaa kulan soo dhaweyn iyo is barasho ah u sameeyey xubintii cusbayd ee uu dhawaan madaxweynaha Jsl soo magacaabey
Waxa sidoo kale kulanka soo dhawaynta ah goob joig iyaguna ka ahaa Wasiirka Qorshaynta qaranka, Wasiir ku-xigeenka Deegaanka, xubin ka tirsan Komiishanka xakamaynta Aids-ka .