Guddida Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Guddida Tacliinta Sare JSL
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guddida Tacliinta Sare JSL, Government Official, Shacab Area, Hargeisa.
07/04/2026
Hargeysa, 06 April 2026
Guddida Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa si wadajir ah u qabtay kulan wada-tashi ah (Consultation Meeting) oo ay ka soo qayb galeen jaamacadaha dhiga Faculty of Social Work ee dalka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray laba module oo la doonayo in jaamacadaha dhiga Faculty of Social Work ay ku daraan core curriculum-ka ay ardaydu dhigtaan. Ujeeddada kulanka waxay ahayd in laga tashado sidii modules-kan loogu hirgelin lahaa sannad waxbarasheedka 2026-2027.
Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin semester-ka ku habboon ee lagu dari karo modules-kan, iyo sidoo kale wakhtiga iyo habraaca fulinta.
Ugu dambayn, waxa la isla qaatay in la dardargeliyo hirgelinta qorshahan, iyadoo la isku raacay jihada iyo talaabooyinka lagu fulinayo.
Sidoo kale, kulanku wuxuu muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hayโadaha dawladda iyo jaamacadaha, si loo hubiyo in manhajka waxbarashada daryeelka bulshada uu noqdo mid casri ah, tayo leh, isla markaana si buuxda uga jawaabaya baahiyaha bulshada.
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada sare, gaar ahaan dhinaca daryeelka bulshada, si loo soo saaro aqoonyahanno leh xirfad iyo karti ku filan oo ka qayb qaata horumarka dalka.
=Wabillaahi Tawfiiq=
XAFIISKA WARBAHINTA IYO XIDHIDHADA
06/04/2026
Hargeysa 05 April, 2026-{KQTS}-
Guddoomiyaha Gudida Tacliinta sare iyo Guddoomiyaha Caymiska Qaranka oo ay wehelinayaan Labbada agaasime guud iyo waaxyaha kala duwan ee labbada haayadood ayaa kulan muhiim ah uga qabsoomay xafiiska KTS.
Gudoomiyaha KTS ayaa soo dhoweeyey masuuliyiinta Haayada Caymiska iyagoo si qoto dheer uga dooday doorka caymisku ku leeyahay horumarinta bulshada iyo mudnaan siinta kor uqaadista wacyiga ardayda jaamacadaha dalka.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii ardayda loogu wacyigelin lahaa muhiimadda caymiska, loona fahamsiin lahaa faaโiidooyinka uu u leeyahay qofka iyo qarankaba, sida ilaalinta mustaqbalka caafimaad iyo dhaqaale.
Sidoo kale, kulanku wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in caymiska lagu daro barnaamijyada wacyigelinta ee jaamacadaha, si loo helo jiil fahamsan muhiimaddiisa.
Ugu danbayn labbada haayadood ayaa wada dhisay guddi farsamo oo ka shaqayndoona diyaarinta qorshaha iskaashi iyo muhiimad siinta hirgelinta qorshayaasha raaca koobaad.
=Wabillaahi Tawfiiq=
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha.
04/04/2026
Waxa ka qabsoomay xarunta Komishanka Tacliinta Sare kulan udhaxeeyey masuuliyiinta ugu sareysa komishanka oo ay wehelinayaan waaxaha kala duwan ee KTS iyo Proff Eric Herring oo ka socday jaamacada Bristol UK.
Proff Erick oo muddo dheer ka shaqaynayey Tacliinta Sare ayaa ku dheeraaday khibradiisa ku saabsan feild-kan Tacliinta Sare iyo sida loo horumarin karo iyadoo masuuliyiinta KTS ay la wadaageen shaqada komishanka, muddada uu shaqaynayey iyo waxyaabaha mudnaanta u leh ee ay hiigsanayaan.
Kulankan oo ahaa isbarasho iyo bilowga safar wada shaqayneed oo ay yeelanaayaan Proff Eric, KTS iyo haayada Transparency solutions ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo wada-shaqeyn midho dhal ah.
31/03/2026
Waxa maanta ka qabsoomay xafiiska Komishanka Tacliinta Sare kulan muhiim ah oo u dhexeeyay madaxda sare ee Komishanka iyo Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd horumarinta iyo dhamaystirka laba kooras oo ku saabsan daryeelka bulshada (Social Protection Modules), isla markaana lagu dari doono manhajka jaamacadaha bixiya Bachelor of Social Work.
Labadan kooras ayaa si gaar ah diiradda u saaraya baahiyaha bulshada ee Somaliland, iyaga oo ka tarjumaya xaaladaha dhabta ah ee dalka, si loo helo aqoon iyo xirfad ku habboon ardayda baranaysa cilmiga shaqada bulshada. Tani waxay qayb ka tahay dadaal ballaadhan oo lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo xirfadaha la xidhiidha daryeelka bulshada.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa oo ku saabsan dhamaystirka barnaamijkan, kaas oo muddo ay si wadajir ah uga shaqeynayeen Komishanka iyo Wasaaradda, iyaga oo kaashanaya hayโadda UNICEF. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay dariiqa hawlqabadka iyo tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo koorasyadan cusub si ay uga mid noqdaan manhajka Jaamacadaha dalka.
19/03/2026
08/03/2026
Waxaa si rasmi ah maanta loo soo gabagabeeyay Tartan Aqooneedka Daljir ee Fahamka Waddaniyadda iyo Dastuurka JSL, Barnaamijkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyadoo kaashanaysa Guddida Tacliinta Sare JSL ayaa lagu soo afmeeray munaasibad si heer sare ah loo agaasimay, taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan, maamulka jaamacadaha, guddida garsoorka, iyo ardayda jaamacadaha ku tartamaysay.
Tartanka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu dambayn waxa isku soo hadhay saddex jaamacadood, kuwaas oo soo bandhigay aqoon, dadaal iyo faham qoto dheer oo ku saabsan waddaniyadda iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Tartanka ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga dhalinyarada jaamacadaha ee ku saabsan qiyamka waddaniyadda, nidaamka dowladeed iyo fahamka dastuurka.
Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare Prof Xasan Cumar Halas oo madasha hadal ka jeediyay ayaa si weyn u bogaadiyay barnaamijka Tartan Aqooneedka Daljir. Waxa uu sheegay in tartankani uu yahay mid kor u qaadaya tayada waxbarashada sare isla markaana dhiirrigelinaya tartanka aqoonta ee ka dhex abuurma ardayda Jaamacadaha.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ardayda ka qayb gashay tartanku ay muujiyeen karti, aqoon iyo faham qoto dheer oo ku saabsan waddaniyadda iyo dastuurka dalka, taas oo muujinaysa horumarka ay sameeyeen Jaamacadaha dalku. Waxa uu sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL dadaalka ay ku bixisay hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah, isaga oo xusay in Guddida Tacliinta Sare ay diyaar u tahay sii xoojinta iskaashiga barnaamijyada kor u qaadaya aqoonta ardayda.
08/03/2026
๐๐๐๐น๐ฎ๐๐๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฏ๐ผ๐ด๐ฒ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ท๐ถ๐ฟ ๐ฒ๐ฒ ๐ณ๐ฎ๐ต๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ-๐๐ฒ๐ฒ๐ .
08/03/2026
๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ผ๐ด๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ง๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ท๐ถ๐ฟ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ-๐๐ฒ๐ฒ๐ .
07/03/2026
Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta Barnaamij Wacyigelin Diini ah u qabtay Shaqaalaha Guddida Tacliinta Sare JSL.
07/03/2026
๐๐๐๐น๐ฎ๐๐๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ - ๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ถ๐ถ ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐ง๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ท๐ถ๐ฟ ๐ฒ๐ฒ ๐ณ๐ฎ๐ต๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ-๐๐ฒ๐ฒ๐ .
07/03/2026
๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ - ๐ง๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ท๐ถ๐ฟ ๐ฒ๐ฒ ๐ณ๐ฎ๐ต๐ฎ๐บ๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ถ-๐๐ฒ๐ฒ๐
.
๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ฑ:
๐ผ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฏ๐๐๐๐๐๐๐
๐ฉ๐ฆ
๐ฉ๐๐
๐๐ ๐ฐ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ผ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐ฑ:
๐ผ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฏ๐๐๐ ๐ธ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐ฐ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐ฉ๐ฆ
๐จ๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐ ๐ผ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Culinary Team
Attire
Contact the business
Website
Address
Shacab Area
Hargeisa
0000
