26/06/2024
26 June
•Markii ugu horraysay Calanka Soomaaliyeed ka dulbabado ciidda markii laga kor qaaday heeryada gumaysiga.
•Israaca Hargeysa iyo Muqdisho wuu jiri abid, idin Alle.
Bartani waxa ay u gaar tahay faafinta horumarka waxbarasho.
26/06/2024
26 June
•Markii ugu horraysay Calanka Soomaaliyeed ka dulbabado ciidda markii laga kor qaaday heeryada gumaysiga.
•Israaca Hargeysa iyo Muqdisho wuu jiri abid, idin Alle.
12/10/2018
U dabaaldegidda Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12 Oktober waxa uu ka dhigan yahay u cusboonaysiinta daacad u ahaanshaha waddanka iyo xoojinta muuq qurux badan oo Soomaaliyeed.
Hargeysa iyo Muqdisho weligooda way wada jiri doonaan, waxayna u mideysnaan doonaan sidii hal jidh oo kale.
🇸🇴 🇸🇴
01/07/2018
Jawi sare oo ay ku dheehan tahay qab iyo faan ayeynu ugu dabaaldegeynaa xuska 58 guurada ka soo wareegatay markii uu dalkeenu helay gobonnimada.
Allah ka dhowro dalkeena qaaliga ah wax waliba oo shar hugan, ha inoo joogteeyo nabadgelyada iyo iimaanka.
Midnimadeennu waa xooggeena iyo hubkeena aanu kaga hortagayno fitnooyinka ay qabyaaladdu leedahay.
🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴
🇸🇴
Israaca qaran iyo midnimada gobollada Waqooyi iyo Koonfur waxa ay ka dhigan tahay qabka iyo ammaanta halka aan ku heyb tirsanno.
🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴
Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee xilligii Xukunka Daakhiliyadda waxa uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Wadaxaajoodka Israaca Waqooyi iyo Koonfur wuxuu socday kahor gobonnimada ay ka kala qaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga.
🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴
Xilligii Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay ka qaadanayeen gobonnimada gumeystihii Ingiriiska bishii June 26, 1960 ma aanay lahayn calan, heesta/ miyuusiga calanka iyo dastuur.
🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴 🇸🇴
25/06/2018
Hambalyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda oo ah gobonnimada Gobollada waqooyi ee dalkeena Soomaaliya isla markaana ah markii ugu horreysay ciidda Soomaaliyeed uu ka babaday calanka Jamhuuriyadda .
15/04/2018
Naciima Axmed Ibraahim (Naciima Abwaan Qorane) waxaa Maamulka Somaliland ku xukumay xabsi muddo seddex sano ah si loo af xiro, loogana qaado xoriyadda hadalka, taasi oo ay ugu wacan tahay kaalinteeda ay ku muujisay gabay si loo xoojiyo midnimada Soomaaliya iyo walaalnimada Waqooyi iyo Koonfur.
#هرجيسا
Balqiis Daahir Bade waa ardayad, waxa ay ka mid ahayd 42 arday oo Soomaali ah oo deeq waxbarasho ka helay China oo loo soo mariyay Dowladda Soomaaliya, hadda waxa ay ku gudajirtaa bishii lixaad oo waxbarasho ah.
#هرجيسا