Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland

Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland

Share

Bogan Waxaad si joogto ah ugala soconaysaa, Xogaha, Xeerarka iyo wararka Golaha wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu talo galay inuu Bulshada la wadaago.

๐–๐€๐‘๐๐ˆ๐—๐ˆ๐. 31/05/2026

Hargeysa, 31/05/2026 โ€“ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 6-aad ee Kalfadhiga 14-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhegaysiga warbixinta Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Mudane Siciid Maxamuud Buraale, oo Golaha hor keenay Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public Private Partnership โ€“ PPP).

Wasiirku waxa uu Mudaneyaasha Golaha ka hor jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan muhiimadda mashruuc-sharcigan, isaga oo xusay in xeerkani saldhig sharci u noqon doono iskaashiga ka dhexeeya Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, kor loogu qaado adeegyada bulshada, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Siciid Maxamuud Buraale waxa uu sheegay in xeerkan uu door muhiim ah ka qaadan doono soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, abuurista fursado shaqo, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bulshada helaan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xeerku si cad u qeexayo habraacyada maalgashiga, noocyada heshiisyada PPP, hababka qandaraasyada, iyo qaab-dhismeedka maamulka iyo kormeerka mashaariicda lagu fulinayo nidaamkan.

Gebagebadii fadhiga, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha warbixinta uu Golaha siiyey. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in mashruuc-sharcigaasi mari doono habraacyada xeer-dejinta ee Golaha Wakiillada, isla markaana loo gudbin doono guddida Golaha ee ay khusayso si ay uga soo baaraan-degaan ugana soo talo-bixiyaan.

Guddoomiyuhu waxa uu ku soo gunaanaday fadhiga in Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) uu yahay xeer muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana Golaha Wakiilladu uu waajibkiisa dastuuriga ah ka gudan doono.

Warbixinta Mashruuc-Sharciga Xeerkan Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) oo dhamaystiran halkan ka daawo:

https://www.youtube.com/watch?v=J9PWQBNO-I0

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—” ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—›

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.somalilandparliament.net
โ–ถ๏ธ YouTube: https://www.youtube.com/

๐–๐€๐‘๐๐ˆ๐—๐ˆ๐. ๐–๐€๐‘๐๐ˆ๐—๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹-๐†๐€๐’๐‡๐ˆ๐†๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‡๐Ž๐‘๐”๐Œ๐€๐‘๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐‘๐’๐‡๐€๐ƒ...

31/05/2026

Warbixinta Wasiirka Maal-gashiga Ee Mashruuc Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda Iyo Ganacsatada (Public Private Partnership- P.P.P).

30/05/2026

๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—ž๐—œ๐—œ๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐——๐—” ๐—๐—”๐— ๐—›๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—” ๐—ฆ๐—ข๐— ๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—Ÿ๐—”๐—ก๐—— ๐—ข๐—ข ๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐——๐—›๐—”๐—ช๐—˜๐—˜๐—ฌ๐—˜๐—ฌ ๐—ซ๐—œ๐—Ÿ๐——๐—›๐—œ๐—•๐—”๐—”๐—ก ๐——๐—ฅ. ๐—–๐—œ๐—œ๐—ฆ๐—˜ ๐—ž๐—”๐—ฌ๐—— ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—จ๐—จ๐——.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xildhibaanka cusub ku soo dhaweeyey Golaha Wakiillada.

Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa Golaha ku soo biiray isagoo beddelay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhankiisa, Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha, Xildhibaannada iyo guud ahaan Golaha Wakiillada soo dhawaynta diirran ee loo sameeyey.

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—” ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—›

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.somalilandparliament.net See less

30/05/2026

๐—š๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—ช๐—”๐—ž๐—œ๐—œ๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐——๐—” ๐—ข๐—ข ๐——๐—›๐—˜๐—š๐—”๐—ฌ๐—ฆ๐—ง๐—”๐—ฌ ๐—ช๐—”๐—ฅ๐—•๐—œ๐—ซ๐—œ๐—ก ๐—ž๐—จ ๐—ฆ๐—”๐—”๐—•๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—ซ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—”๐— ๐—ก๐—œ๐—š๐—” ๐—ง๐—œ๐—ž๐—ก๐—ข๐—ข๐—Ÿ๐—”๐—๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—–๐—”๐—ฆ๐—ฅ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—›, ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐—ก๐—” ๐——๐—›๐—”๐—ช๐—˜๐—˜๐—ฌ๐—”๐—ฌ ๐—ซ๐—œ๐—Ÿ๐——๐—›๐—œ๐—•๐—”๐—”๐—ก ๐—–๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—•.

26/05/2026

๐‘ฏ๐‘จ๐‘ด๐‘ฉ๐‘จ๐‘ณ๐’€๐‘ถ.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ๐‘ด๐’“. ๐‘ช๐’‚๐’ƒ๐’…๐’Š๐’”๐’‚๐’’ ๐‘บ๐’Š๐’„๐’Š๐’Š๐’… ๐‘จ๐’š๐’‚๐’‚๐’๐’๐’†, isaga oo ku hadlaya afka Shaqaale-weynaha Golaha Wakiillada JSL, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibadda Ciidul Adxa awgeed:

Shirguddoonka Golaha Wakiillada,
Xildhibaannada Golaha Wakiillada,
Shaqaalaha Golaha Wakiillada,
Iyo guud ahaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan

isla markaana uu dalkeenna iyo dadkeenna ku manneysto horumar, nabad iyo midnimo waara.

๐—–๐—œ๐—œ๐—— ๐— ๐—จ๐—•๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐—ž
๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—Ÿ๐—จ ๐—–๐—”๐—”๐—  ๐—ช๐—” ๐—”๐—ก๐—ง๐—จ๐—  ๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—ž๐—›๐—”๐—ฌ๐—ฅ.

26/05/2026

๐‚๐ˆ๐ˆ๐ƒ ๐Œ๐”๐๐€๐€๐‘๐€๐Š | ๐Š๐”๐‹๐‹๐” ๐‚๐€๐€๐Œ ๐–๐€ ๐€๐๐“๐”๐Œ ๐๐ˆ๐‹๐Š๐‡๐€๐˜๐‘

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibadda barakaysan ee Ciid-al-Adxa awgeed dhammaan ummadaha Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudanayaasha Golaha Wakiillada, shaqaalaha Golaha iyo qoysaskooda.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle SWT uga baryayaa inuu ka aqbalo dhammaan acmaashii suubbanaa iyo soonkii tobanka cisho ee khayrka lahaa, isla markaana uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, si loo ilaaliyo jiritaanka, horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada.

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—” ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—›

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.somalilandparliament.net

Photos from Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland's post 24/05/2026

๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ข๐ฌ๐š, 24-๐Œ๐š๐ฒ-2026 ๐Œ๐”๐ƒ๐€๐๐€๐˜๐€๐€๐’๐‡๐€ ๐Š๐€๐‹๐…๐€๐ƒ๐‡๐ˆ๐†๐€ 14๐€๐€๐ƒ, ๐…๐€๐ƒ๐‡๐ˆ๐†๐ˆ๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ 5๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐€๐๐“๐€ ๐Š๐€๐†๐€ ๐Œ๐€๐๐๐€๐€ ๐…๐€๐’๐€๐— ๐‹๐€โ€™๐€๐€๐ ๐…๐€๐ƒ๐‡๐ˆ๐†๐€ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland

Photos from Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland's post 22/05/2026

๐—ildhibaan ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ oo ka mid ah masuuliyiinta safarka shaqo Ku jooga dalka Boqortooyada Midowday ee UK, ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay Xarunta Baarlamaanka UK mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, kuwaas oo door muuqda ka qaata taageerada iyo u doodista qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baarlamaanka UK.

Ugu horrayn, ๐—ildhibaan ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xildhibaan marwo Kerry McCarthy oo laga soo doorto magaalada Bristol kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party).

๐Š๐ž๐ซ๐ซ๐ฒ ๐Œ๐œ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐ก๐ฒ ayaa muddo dheer ka mid ahayd mudaneyaasha Baarlamaanka UK ee sida firfircoon ugu ololeeya qaddiyadda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana door muuqda ka qaadatay taageerada iyo u doodista shacabka Somaliland.

Intii uu kulankaasi socday, ๐—ildhibaan ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ayaa uga mahadnaqay taageerada joogtada ah iyo mowqifka cad ee ay mar walba la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu warbixin qoto dheer ka bixiyey xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, horumarka dimuqraadiyadeed, nabadgelyada, iyo rajada laga qabo in waddamo kale ay dhawaan ictiraaf rasmi ah siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhanka kale, ๐—ildhibaan ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ayaa kulan balaadhan la yeeshay Xildhibaanad Sarah Champion oo ah Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Deeqaha Caalamiga ah kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee talada haya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, dimuqraadiyadda, taageerada hayโ€™adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

๐—ildhibaan ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ayaa uga mahadnaqay ๐’๐š๐ซ๐š๐ก ๐‚๐ก๐š๐ฆ๐ฉ๐ข๐จ๐ง in ay ka mid noqoto isla markaana ku soo biirto taageerayaasha qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku booriyey dowladda Ingiriiska inay sii kordhiso deeqaha horumarineed iyo taageerada ay siiso Somaliland.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay joogtaynta wada-hadallada, xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo kor u qaadista wada-shaqeynta mustaqbalka ee ku dhisan isfaham, horumar iyo aragti-wadaag dhex mara Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baarlamaanka UK.

Kulamadan ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad muujinaya xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo saaxiibbada ay ku leedahay Baarlamaanka UK.

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—” ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—›

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.somalilandparliament.net

Photos from Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland's post 20/05/2026

๐’๐€๐–๐ˆ๐‘๐‘๐Ž | ๐Œ๐”๐๐€๐€๐’๐ˆ๐๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ƒ๐€๐๐€๐‹๐ƒ๐„๐†๐€ ๐Ÿ๐Ÿ–-๐Š๐€ ๐Œ๐€๐˜ ๐„๐„ ๐’๐‡๐ˆ๐‘๐†๐”๐ƒ๐Ž๐Ž๐๐Š๐€, ๐—๐ˆ๐‹๐ƒ๐‡๐ˆ๐๐€๐€๐๐€๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐‡๐€๐๐€๐€๐‹๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐‹๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐Š๐ˆ๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐€๐Œ๐‡๐”๐”๐‘๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐Œ๐€๐‹๐ˆ๐‹๐€๐๐ƒ.

18/05/2026

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐„ ๐Š๐”-๐—๐ˆ๐†๐„๐„๐๐Š๐€ ๐Ÿ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐†๐Ž๐‹๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐Š๐ˆ๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐’๐‹ ๐Ž๐Ž ๐๐„๐‘๐๐„๐‘๐€ ๐Š๐€ ๐†๐€ ๐๐€๐˜๐๐†๐€๐‹๐€๐˜ ๐—๐”๐’๐Š๐€ ๐Ÿ๐Ÿ–-๐Š๐€ ๐Œ๐€๐˜.

Berbera 18-May-2026 Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Xassan Cumar Xassan (Xassan-Ogaal) iyo Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi, ayaa shacabka ku dhaqan Gobolka Saaxil, gaar ahaan Magaalada Berbera, kala qaybgalay munaasibadda 35-aad ee dib ula soo noqoshada qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Munaasibaddan oo si weyn looga xusay Magaalada Berbera, ayaa ahayd mid ay shacabka Gobolka Saaxil ku muujiyeen dareenkooda waddaniyadeed, midnimada iyo taageerada ay u hayaan qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland..

Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil, hadal uu Munaasibadaa ka jeediyey waxaa ka mid ahaa..................................

๐—”๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ ๐—Ÿ๐—ฒ๐—ต.
๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.somalilandparliament.net

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Road Number 1/sha'ab Area/Near Presidential Palance
Hargeisa