31/05/2026
Hargeysa, 31/05/2026 โ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 6-aad ee Kalfadhiga 14-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa dhegaysiga warbixinta Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Mudane Siciid Maxamuud Buraale, oo Golaha hor keenay Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (Public Private Partnership โ PPP).
Wasiirku waxa uu Mudaneyaasha Golaha ka hor jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan muhiimadda mashruuc-sharcigan, isaga oo xusay in xeerkani saldhig sharci u noqon doono iskaashiga ka dhexeeya Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, kor loogu qaado adeegyada bulshada, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.
Mudane Siciid Maxamuud Buraale waxa uu sheegay in xeerkan uu door muhiim ah ka qaadan doono soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, abuurista fursado shaqo, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bulshada helaan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xeerku si cad u qeexayo habraacyada maalgashiga, noocyada heshiisyada PPP, hababka qandaraasyada, iyo qaab-dhismeedka maamulka iyo kormeerka mashaariicda lagu fulinayo nidaamkan.
Gebagebadii fadhiga, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa uga mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha warbixinta uu Golaha siiyey. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in mashruuc-sharcigaasi mari doono habraacyada xeer-dejinta ee Golaha Wakiillada, isla markaana loo gudbin doono guddida Golaha ee ay khusayso si ay uga soo baaraan-degaan ugana soo talo-bixiyaan.
Guddoomiyuhu waxa uu ku soo gunaanaday fadhiga in Mashruuc-Sharciga Xeerka Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) uu yahay xeer muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isla markaana Golaha Wakiilladu uu waajibkiisa dastuuriga ah ka gudan doono.
Warbixinta Mashruuc-Sharciga Xeerkan Adeegga Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) oo dhamaystiran halkan ka daawo:
https://www.youtube.com/watch?v=J9PWQBNO-I0
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.somalilandparliament.net
โถ๏ธ YouTube: https://www.youtube.com/
๐๐๐๐๐๐๐๐.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐...
30/05/2026
๐๐ข๐๐๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ข ๐ฆ๐ข๐ข ๐๐๐๐ช๐๐๐ฌ๐๐ฌ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก ๐๐ฅ. ๐๐๐๐ฆ๐ ๐๐๐ฌ๐ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐จ๐จ๐.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xildhibaanka cusub ku soo dhaweeyey Golaha Wakiillada.
Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa Golaha ku soo biiray isagoo beddelay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhankiisa, Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha, Xildhibaannada iyo guud ahaan Golaha Wakiillada soo dhawaynta diirran ee loo sameeyey.
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.somalilandparliament.net See less
26/05/2026
๐ฏ๐จ๐ด๐ฉ๐จ๐ณ๐๐ถ.
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ๐ด๐. ๐ช๐๐๐
๐๐๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐
๐จ๐๐๐๐๐๐, isaga oo ku hadlaya afka Shaqaale-weynaha Golaha Wakiillada JSL, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibadda Ciidul Adxa awgeed:
Shirguddoonka Golaha Wakiillada,
Xildhibaannada Golaha Wakiillada,
Shaqaalaha Golaha Wakiillada,
Iyo guud ahaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan
isla markaana uu dalkeenna iyo dadkeenna ku manneysto horumar, nabad iyo midnimo waara.
๐๐๐๐ ๐ ๐จ๐๐๐๐ฅ๐๐
๐๐จ๐๐๐จ ๐๐๐๐ ๐ช๐ ๐๐ก๐ง๐จ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฌ๐ฅ.
26/05/2026
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ | ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibadda barakaysan ee Ciid-al-Adxa awgeed dhammaan ummadaha Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudanayaasha Golaha Wakiillada, shaqaalaha Golaha iyo qoysaskooda.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle SWT uga baryayaa inuu ka aqbalo dhammaan acmaashii suubbanaa iyo soonkii tobanka cisho ee khayrka lahaa, isla markaana uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, si loo ilaaliyo jiritaanka, horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada.
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.somalilandparliament.net
24/05/2026
๐๐๐ซ๐ ๐๐ข๐ฌ๐, 24-๐๐๐ฒ-2026 ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐ 14๐๐๐, ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ 5๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ ๐๐โ๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐ Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland
22/05/2026
๐ildhibaan ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ oo ka mid ah masuuliyiinta safarka shaqo Ku jooga dalka Boqortooyada Midowday ee UK, ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay Xarunta Baarlamaanka UK mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, kuwaas oo door muuqda ka qaata taageerada iyo u doodista qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baarlamaanka UK.
Ugu horrayn, ๐ildhibaan ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xildhibaan marwo Kerry McCarthy oo laga soo doorto magaalada Bristol kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party).
๐๐๐ซ๐ซ๐ฒ ๐๐๐๐๐ซ๐ญ๐ก๐ฒ ayaa muddo dheer ka mid ahayd mudaneyaasha Baarlamaanka UK ee sida firfircoon ugu ololeeya qaddiyadda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana door muuqda ka qaadatay taageerada iyo u doodista shacabka Somaliland.
Intii uu kulankaasi socday, ๐ildhibaan ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ayaa uga mahadnaqay taageerada joogtada ah iyo mowqifka cad ee ay mar walba la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu warbixin qoto dheer ka bixiyey xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, horumarka dimuqraadiyadeed, nabadgelyada, iyo rajada laga qabo in waddamo kale ay dhawaan ictiraaf rasmi ah siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhanka kale, ๐ildhibaan ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ayaa kulan balaadhan la yeeshay Xildhibaanad Sarah Champion oo ah Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Deeqaha Caalamiga ah kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee talada haya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, dimuqraadiyadda, taageerada hayโadaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.
๐ildhibaan ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ayaa uga mahadnaqay ๐๐๐ซ๐๐ก ๐๐ก๐๐ฆ๐ฉ๐ข๐จ๐ง in ay ka mid noqoto isla markaana ku soo biirto taageerayaasha qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku booriyey dowladda Ingiriiska inay sii kordhiso deeqaha horumarineed iyo taageerada ay siiso Somaliland.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay joogtaynta wada-hadallada, xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo kor u qaadista wada-shaqeynta mustaqbalka ee ku dhisan isfaham, horumar iyo aragti-wadaag dhex mara Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Baarlamaanka UK.
Kulamadan ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad muujinaya xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo saaxiibbada ay ku leedahay Baarlamaanka UK.
๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.somalilandparliament.net
20/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐ | ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐-๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐.