Wasaaradda Biyaha JSL

Wasaaradda Biyaha JSL

Share

Official page Somaliland, Ministry of Water Resources Development

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 01/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Mudane Maxamed Cabdimaalik, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Mukhtaar Xaaji, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee waaxyaha kala duwan, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo xoojinta wada-shaqaynta si loo xaqiijiyo himilooyinka Wasaaradda.

Wasiirka iyo Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda ayaa Agaasimayaasha ku adkeeyay inay laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka shaqo ee saaran, isla markaana ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in wadajir, karti iyo masuuliyad lagu gaadhi karo guulo waaweyn, si Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL ay u sii xoojiso doorkeeda ku aaddan horumarinta adeegyada biyaha iyo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 30/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii joogtada ahaa ee todobaadlaha ee Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu lafaguray heerka fulinta qorshayaasha Wasaaradda, dibna loogu eegay hawlihii la qabtay muddadii todobaadka ahayd ee la soo dhaafay, si loo xaqiijiyo in adeegyada Wasaaraddu bulshada u haysaa ay u socdaan si hufan oo waxtar leh.

Masuuliyiinta Waaxyaha kala duwan ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno la xidhiidha hawlaha ay fuliyeen, caqabadaha jira, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo tayada adeegyada iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyey muhiimadda wada shaqaynta, is-dhexgalka waaxyaha, iyo kor u qaadista hannaan shaqo oo mideysan, si shacabka loo gaadhsiiyo adeegyo tayo leh oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Dhamaad.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 27/05/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Boorama kala qayb galay tukashada Salaadda Ciidul Adxaa.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 27/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha jsl Mudane Maxamed Cabdimaalik Ahmed ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera kala qayb galay tukashada Salaadda Ciidul Adxaa .

Wasiirka ayaa shacabka reer Berbera iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda barakaysan ee Ciidda, isaga oo Alle uga baryay in uu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu duco iyo hambalyo u diray dhammaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay dunida ka joogaan, isaga oo Alle ka baryay inuu mideeyo quluubta Muslimiinta, kana yeelo ciidan mid kheyr iyo farxad ku soo laabata.
Ciid Mubaarak.

26/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxaa u dirayaan dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan.

Masuuliyiintu waxay Ilaahay SWT uga baryayaan in uu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo, nabadgelyo iyo caafimaad, isla markaana uu ka aqbalo acmaashii suubbanaa iyo cibaadadii wanaagsanayd.
✨🌙 Ciid Mubaarak — Ciid Wanaagsan 🌙✨

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 23/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee toddobaadlaha ee Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista hawlihii iyo waxqabadkii toddobaadkii h**e, qiimaynta shaqooyinkii qabsoomay, iyo qorshaynta hawlaha mudnaanta u leh toddobaadka cusub.

Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan shaqooyinka ay qabteen, heerarka ay marayaan hawlaha socda, iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo adeegyada iyo waajibaadka shaqo ee Wasaaradda.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda wada shaqaynta, isku xidhnaanta waaxyaha kala duwan, iyo xoojinta hannaanka shaqo si loo xaqiijiyo adeeg hufan oo waxtar u leh bulshada.

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ku bogaadiyay dedaalka ay ugu adeegayaan shacabka, isaga oo adkeeyay muhiimadda qorshaynta joogtada ah, isla xisaabtanka, iyo dardargelinta fulinta hawlaha Wasaaradda.

Dhamaad.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 21/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, maamulka Gobolka Sanaag iyo maamulka Degmada Ceel Afweyn, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay daraasadda iyo Sahaminta Mashruuc loogu talagalay in Biyo Macaan loogu keeno Magaalada Ceel Afweyn.

Kaas oo looga keenidoono deegaanka Ilad oo ujira magaalada Ceel afwayn In kudhow 35km.

Mashruucan oo ah mashruucii ugu ballaadhnaa ee abid laga hirgeliyo Degmada Ceel Afweyn ayaa lagu wadaa inuu wax weyn ka beddelo xaaladda biyo yaraanta iyo biyaha qadhaadh ee muddada dheer ay la daalaa dhacaysay bulshada Magaalada Ceelafwayn.

Hirgelinta mashruucan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), iyadoo mashruucu door muhiim ah ka qaadan doono sidii bulshada Ceel Afweyn u heli lahayd biyo nadiif ah oo macaan, kana raystaan dhibaatadii biyaha qadhaadhaa ee saamaynta ku lahayd nolol maalmeedkooda.

Mashruucani wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee ay xukuumadda wadajir iyo Waxqabad ugu jirto horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadista tayada nolosha bulshada ku dhaqan gobollada dalka.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 18/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jsl Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama kala qayb galay munaasibadda weyn ee xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May, iyaga oo shacabka la wadaagay dareenka farxadda, midnimada iyo qaranimada.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 16/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen ayaa gaadhi cusub ku wareejiyay Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Ceerigaabo, si kor loogu qaado adeegyada biyaha iyo hawlaha shaqo ee wakaaladda.

Photos from Wasaaradda Biyaha JSL's post 16/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee toddobaadlaha ee Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda,

kulan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta, horumarinta habsami-u-socodka shaqada, iyo kor u qaadista adeegyada ay Wasaaraddu bulshada u qabato.

Kulankan oo si nidaamsan toddobaad kasta uga qabsooma xarunta Wasaaradda ayaa lagu gorfeeyay waxqabadkii toddobaadkii la soo dhaafay, horumarka hawlaha socda, iyo qorshayaasha muhiimka ah ee mudnaanta u leh toddobaadka cusub.

Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa mid kastaaba soo bandhigay warbixinno la xidhiidha hawlaha ay gacanta ku hayaan, heerka ay marayaan mashaariicda horumarineed, caqabadaha jira, iyo tallaabooyinka lagu dardargelin karo adeegyada biyaha iyo hawlaha kale ee Wasaaraddu u xil saaran tahay qaranka.

Sidoo kale kulanka waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay isku xidhnaanta waaxyaha kala duwan, dardargelinta fulinta qorshayaasha horumarineed, iyo xoojinta isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo shaqo tayo leh oo waxtar u leh bulshada.

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ku ammaanay dadaalka iyo shaqada ay u hayaan shacabka isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqaynta joogtada ah masuuliyadda shaqo iyo ka go’naanshaha hirgelinta himilooyinka horumarineed ee Wasaaradda.
Dhamaad.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Pepsi Area
Hargeisa
3235657687