Somaliland National Health Professions Commission - NHPC

Somaliland National Health Professions Commission - NHPC

Share

Core Functions of the Somaliland NHPC as Mandated by the Act 19/2001:

1.

The Somaliland National Health Professions Commission is a statutory body with the mandate of regulating, accrediting and licensing health facilities, health training institutions and health Professionals in the country. The Somaliland National Health Professions Commission is a statutory body enacted by the Health Regulatory Act 19/2001 which was passed by the parliament in 1999. The commission’s

04/03/2026

Ogaysis Muhiim Ah
Dhamaan Goobaha caafimadka ee dawliga ah (Public) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private) waxa lagu war galinaya in ay si dag dag ah iskaga soo diiwan galiyan Komishanka Qaranka ee mihnadaha cafimadka, goobaha is diiwangalinta looga bahan yahay waxa ka mid ah :-
1. Cisbitaalada dawliga ah (public hospitals)
2. ⁠Cisbitalada gaarka loo leeyahay ( private hospitals)
3. ⁠Goobaha cafimadka (clinics).
4. ⁠Goobaha adeegyada ilkaha (dentals)
5. ⁠Goobaha daawaynta jimicsiga (physiotherapy)
6. ⁠Goobaha badhitanka caafimadka ( Diagnostic centers )
7. Pharmacy yada
Wixii faah faahin ah kala soo Xidhiidh KQMC.
Phone No: 252-520038
Email: [email protected]

29/01/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH

​Koomishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) wuxuu farayaa dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka inay si degdeg ah u qaataan Liisanka Mihnad-gudashada Caafimaadka, xirfadlihii uu ka dhacayna uu u cusboonaysiisto si degdeg ah.
​ Xirfadlihii aan haysan liisan( ruqsada ) ansax ah ee dacwad laga soo gudbiyo, inta aan dacwadda dhibanaha la qaadin, NHPC waxay ku oogaysaa dacwad madax-bannaan oo maxkamadda laga furayo. Waxa reeban inuu dalka ka shaqeeyo xirfadle aan haysan oggolaansho rasmi ah.

​Sidoo kale xarumaha caafimaadka (ha ahaadeen kuwa dawli ah ama kuwa gaar loo leeyahay) ee aan haysan ruqsadda Koomishanka, haddii dacwad laga soo gudbiyo iyagoon diiwaangashanayn, KMQ wuxuu la tiigsan doonaa sharciga,

24/12/2025

Komishanka Mihnadaha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland( Somaliland National Health Professions Commission - NHPC) ayaa maanta shir rasmi ah isugu yimid. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira hawlaha, waajibaadka, iyo horumarinta shaqada Komishanka Mihnadaha Caafimaadka.

Intii uu socday kulanka, xubnaha komishanku waxay ka wada hadleen qorshayaal lagu dardargelinayo tayada mihnadaha caafimaadka, xoojinta nidaamka shaqo, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaad ee dalka.

Ugu dambayn, Komishanka Mihnadaha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu adkeeyey sida ay uga go’an tahay ilaalinta tayada iyo anshaxa mihnadaha caafimaadka, si loo helo adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Hargeisa
2522

Opening Hours

Monday 07:00 - 02:45
Tuesday 07:00 - 02:45
Wednesday 07:00 - 02:45
Thursday 07:00 - 02:45
Saturday 07:00 - 02:45
Sunday 07:00 - 02:45