26/09/2026
iskuduwaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS Gobolka Togdheer Cawo Maxamed Xariir oo ay weheliyaan hawlwadeennada wacyigelinta ee Komishanka, ayaa kulan wacyigelin ah u qabtay Ciidanka Qaranka JSL
Intii uu socday kulanku, hawlwadeennada Komishanku waxay Ciidanka Asluubta siiyeen xog iyo wacyigelin la xidhiidha HIV/AIDS, hababka looga hortago faafitaanka cudurka, muhiimadda ay leedahay in la iska baadho, iyo sidii loo yareyn lahaa takoorka iyo ceebaynta dadka la nool HIV/AIDS.
Alla Mahad Leh
Yahye Mohamed Abdi
Xafiiska Xidhiidhka Iyo Warbaahinta Komishanka