19/03/2026
Ciid Mubarak!
Agaasimaha Guud Ee Komishanka Qaran Ee Solnac Mohamed Abdi Qiyaas
Waxaan hambalyada Ciidal Fidriga la wadaagayaa dhamaan shacab waynaha JSL, Shaqaalaha Komishanka Qaran ee SOLNAC, Ehelka, Asxaabta iyo dhamaan shucuubta Islaamka ee ku nool daafaha Caalamka, oon leeyahay Ciid Mubarak.
🥰عىد مبارك كل عام وأنتم بخير 🥰
09/03/2026
Komishanka Qaran Ee Xakamaynta HIV/AIDS ayaa deeq raashina Soo gaadhsiiyay dadka la nool Xanuunkaasi ee Ku nool Gobolka Gabiley
Deeqda raashinka ah ee soo gaadhay qoysaskaasi iyo dadka la nool xananuunka ayaa waxa ugu deeqay bisha barakaysan ee Ramadaan Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
Allaa Mahad leh
Yahye Mohamed Abdi
Xafiiska Xidhiidhka Warbaahinta iyo Bulshada
07/03/2026
Isuduwaha Komishanka qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS-ka gobolka Sanaag oo wacyigelin ku saabsan ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS ka fuliyey cisbitaalka Manhal ee magaalada Ceerigaabo.
05/03/2026
Komishanka Qaran Ee Xakamaynta HIV/AIDS ayaa deeq raashina Soo gaadhsiiyay dadka la nool Xanuunkaasi ee Ku nool Gobolka Sanaag
Deeqda raashinka ah ee soo gaadhay qoysaskaasi iyo dadka la nool xananuunka ayaa waxa ugu deeqay bisha barakaysan ee Ramadaan Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
Allaa Mahad leh
Yahye Mohamed Abdi
Xafiiska Xidhiidhka Warbaahinta iyo Bulshada
04/03/2026
Agaasime wacyigelinta iyo Abaabulka ee Komishanka Qaranka xakamynta HIV-ADS-ka mudane Barkhad mohamoud Geeddi ayaa Barnaamijka baraarug ee wacyigelinta xanunka HIV/AIDS ee xarumaha Timo -jarayaasha Caasimada hargeisa oo socday mudo Todobaad ah si rasmi ah usoo xidhay maanta oo taarikhdu tahay 04 March 2026.
Fariinta wacyigelinta oo Daarnayd :-
1. In wacyigelintu gaadho bulshada ka xiiranaysa rayslayaasha.
2. In Timo jaraha lagu tababaro Sida ugu fiican ee uu u ilaalin Karo cafimaadka bulshada timaha jaranaysa.
3. Dhamaan qalabka loo adeegsado Timo Jaridana la nadiifiyo si loo badbaadiyo bulshada.
02/03/2026
Komishanka Qaran Ee Xakamaynta HIV/AIDS ayaa deeq raashina Soo gaadhsiiyay dadka la nool Xanuunkaasi ee Ku nool Magaalada Burco.