Qaybti 2aad ee barnamijka keen saxiib iyo degmada 26 june
dallada waaheen
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from dallada waaheen, Political organisation, Hargeisa.
Dallada siyaasiga ah ee *waaheen* waa dallad taageersan aragtida mucaaradka jamhuuriyadda somaliland,waana dallad ay ku midoobeen dhallinyaro kasoo jeeda deeganka faca wayn ee beesha Ciise muuse.
08/11/2024
Iyado laga duulayo qorshihi kaanbaynka ee dalladu soo bandhigtay galabta waxay dalladu qaban doonta barnamijki keen saxiib wajigiisi 2aad
Fg:xarunta lagu kulmayee degmada 26 Jun waxay ku taala agagarka xananada xawaadle ama schoolka furqaan agtiisa
Manta iyo Malinkii Urur Siyaasadeedka KAAH - Somaliland iyo barbartii dallada waaheen
24/10/2024
Manta iyo Dalada siyasiga ah ee waheen iyo Urur Siyaasadeedka KAAH - Somaliland
13/10/2024
Hambalyo Xubnaha Ka Tirsan Daladda Waheen ee Loo Magacaabay Xilalka Ururka KAAH
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan xubnaha ka tirsan daladda Waheen ee xilalka muhiimka ah loogu magacaabay ururka KAAH. Magacaabistan cusub waxay markhaati u tahay dadaalka iyo hufnaanta aad u hurteen bulshada. Waxaan idiin rajeynaynaa guul iyo horumar ku saabsan xilalka cusub ee aad qabateen.
Hambalyo mar labaad, waxaan ku kalsoonahay inaad noqon doontaan hogaamiyayaal mustaqbal ifaya u horseeda!
Waad salaaman tihiin dhamaan bulshada Somaliland iyo Dhalinta Ku midawday dallada waaheen iyo taageerayaasha urur siyaasadeedka Kaah. Annaga oo ah Daladda Waheen, oo ah dallad si buuxda uga shaqayasa horumarinta bulshada, ayaan maanta halkan isugu nimid si aan u cadeyno taageeradayada joogtada ah ee aan u hayno ururka Kaah.
Kaah waa urur siyaasadeed kaso leh aragtiyo iyo himilooyin aan aamminsanahay inay bulshada ka soo saari karaan horumar muuqda, oo ka jawaabaya baahiyaha ugu waaweyn ee bulshadeena. Waxaannu ku kalsoonahay in Kaah uu yahay hogaamiye wanaagsan oo ka shaqaynaya midnimada iyo horumarinta qaranimadeena.
Sidaas darteed, Daladda Waheen waxay halkan ku cadeynaysaa inay si buuxda u taageersan tahay ururka Kaah, waxayna ku boorinaysaa bulshada inay codkooda siiyaan ururkan, si aynu uga wada shaqeyno mustaqbal ifaya oo ay hogaaminayaan wanagsan.
Dhamaan dallada waaheen waxay idin ledahay
"Tartan lolaankii
Luxidii shaxdii
Lixbay noo dhacdee
Libantay KAAH"
09/10/2024
Ku soo dhawoow ururka KAAH!
Ururkeena, KAAH, wuxuu u taagan yahay horumarinta iyo barwaaqada gobolka Berbera.
Ka dallada waaheen ahaan waxaan nahay dalad siyaasadeed oo hiigsanaysa mustaqbalka dhaw in ay xoogga saarta horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo kaabayaasha muhiimka ah ee Berbera iyo guud ahaan Somaliland.
Doorashadaada KAAH iyo mucaradku waa mid horseedi doonta fursado cusub oo lagu dhisayo Berbera, iyadoo la xoojinayo mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah sida kaabayaasha, caafimaadka, waxbarashada, iyo ganacsiga. Waxaan aaminsanahay in Berbera ay tahay albaabka barwaaqada Somaliland, halkaas oo mustaqbalka dalkan uu ka bilaaban karo.
Waxaan kugu dhiirrigelinaynaa inaad codkaaga siiso KAAH, tirada 6!
Maanta ayaa la gaadhay waqtigii aan midnimo iyo wax-wada qabsi ku gaari lahayn guulo waaweyn.
waa muhiim! Codkaaga siiso KAAH!
04/10/2024
!
waaheen waxay si weyn ugu hanbalyeynaysaa Xamse Saleebaan Maxamed oo loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Burco ee ururka KAAH. Waa xil muhiim ah oo aad ku mutaysatay dedaalkaaga iyo kartidaada. Waxaan kuu rajaynaynaa guul iyo horumar shaqo kasta oo aad qabato. Ilaahay ha kuu fududeeyo xilka cusub, hana kaa dhigo mid bulshada u adeega si hufan oo hogaamin wanaagsan leh. Waxaan ku kalsoonahay inaad noqon doonto hogaamiye wax ku ool ah oo ku hag bulshada horumar.
Guul iyo gobanimo!
02/10/2024
Qayb ka mid ah sawiradii madashii bandhiga strategyada dallada waaheen
26/09/2024
Diyaar garowga bandhiga qorshaha kaambaynka ee dallada waaheen.
Waa inoo habeen dambe iyo xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka KAAH - Somaliland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa
