25/05/2026
Saadaasha Roobka ee 25-May-2026 ilaa 31-May-2026.
Ministry Of Agricultural Development Sallahlay district office Supporting Farmers engagement in ag
xafiiska Wasaarada horumarinta beeraha ee degmadasalaxlay waxa uu ku hawlanyahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka degmada salaxlay
25/05/2026
Saadaasha Roobka ee 25-May-2026 ilaa 31-May-2026.
Siciid maxamed nuur nin dhalinyaro ah oo ka shaqaysanaya beertiisa oo ku taala duleedka Degmada Sallaxley .
waa tusaale iyo fariin ku socota dhalinyarada Asaagiisa ah ee aan dalkooda ka shaqaysanayn.
14-May-2026, Khamiis
Waxaanu kulan la qaadanay saraakiil ka socday hay, adda GIZ oo safar shaqo ku Degmada Sallaxley .
Waxaanu warbixin ka siinay xaalada beeraha degmada sallaxlay iyo baahiyaha jira.
Dhinacooda waxa ay warbixin naga siiyeen mashruuc ay sahankiisa wadaan oo beeralayda lagaga taageerayo Aqoonta, Siidhka, qalabka iyo suuq gaynta.
Kulanka waxaa igu wehelinayay gudoomiyaha Dalada Noolays Sidiiq Jawaan iyo xubno ka mid ah maamulka dallada.
Gabo gabadii kulanka waxaanu soo tusnay teamka GIZ qaar ka mid ah beeraha duleedka sallaxlay.
Adan Abdirahman Dirie
4-May-2026,Isniin.
Waxaan booqday tuulada Aadan Abokor oo ay maalmahan ka hawl galaysay mid ka mid ah cagafyada beeraha ee degmada, waxa aanu gaadhsiinay shidaalka ay ku hawl galayaan.
Sidoo kale waxaanu soo kormeernay Beerta ugu wayn ee halkan ku taal ee reer xaaji daahir.
Dhulku waxa uu noolaadaa marka dadkiisu toosaan ee ay wax kala soo baxaan.
Adan Abdirahman Dirie
27-April-2026, Isniin
Waxa aanu u qaybinay Noocyo kala duwan oo siidh ah iyo qalabka lagaga shaqeeyo beeraha (Farm tools) 81 xubnood oo ka kala socday 5 iskaashato oo ka tirsan Dalada Noolays,qalabkan oo loogu talo galay in ay ka faa,iidaystaan 140 beeralay ah ayaa wajigiisa labaad la qaybin doonaa.
Sidoo kale waxaa la siinayaa beeralayda tababar ku saabsan qaabka loo beero beeraha casriga ah.
hay,adda Muslim Hands oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaan uga mahadnaqaynaa in ay na soo gaadhsiiyeen Siidhka iyo qalabka.
sidoo kale xili roobaadkii oo loo baahnaa ayay ku soo beegeen.
Kormeerka Wax soosaarka degaanka Libaax-qawdhama Degmada Sallaxley oo ay ka shaqaynayso mid ka mid ah cagafyada aanu gacanta ku haynaa.
Daycatir kooban oo aanu ku sameeynay cagafta ka dib, waxaanu ku wareejinay maamulka iskaashatada Beeralayda tuulada Aadan Abokor si ay ugu qodaan beeraha degaanka una daryeelaan inta ay ka shaqaynayso degaankan.
Adan Abdirahman Dirie
05/04/2026
Waxaanu gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawynaynaa Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland .
waxaanu u rajaynaynaa in eebe u fududeeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.
Sidoo kale waxaanu u rajaynaynaa Mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan Wasiir h**e Maxamuud Cige Yuusuf oo qaranka ugu soo adeegay si hufan,
25-March-2026.
Waxaan soo kormeernay qaabka ay bulshada Degmada Sallaxley ugu shaqaynayaan cagafyada beeraha ee dadwaynuhu.
Waxaan kula dardaarmay darawaliinta in ay ilaaliyaan oo xil iska saaraan daryeelka iyo dayacyirkooda maadaama ay yihiin hanti qaran.
Alle ayaa mahad leh
Roobkii gu, ga oo lagu qabawsaday ayaa ilaa xalay ka da, ayay Degmada Sallaxley ee Gobolka M/jeex.
Alle haka dhigo mid barako leh.
FG: xili roobaadka aan ka faa, iidaysano