Somaliland Coast Guard

Somaliland Coast Guard

Share

It is the official page of the SL Coast Guard and Sea Defense. We operate alongside the coast of Somaliland.

Somaliland Coast Guard Mission
Somaliland Coast Guard is contributing to a sustainable marine environment and safeguarding the safety and security at sea.

11/04/2026

Taliyaha ciidanka Ilalada xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed H**e Haariye oo uu weheliyo abbandulaha 1aad ee ciidanka ilaalada xeebaha ee somaliland Col: Khadar Maxamed Ciise ayaa kulan soo dhaweyn iyo isbarasho ah layeeshay madaxda ha'ayada EUCAP ee somaliland Mr Allane iyo Mr bert iyo sidoo kale Mahad oo ka tirsan xafiiska Hargaysa ee haayadaasi

kulanka ayaa kaqabsoomey Taliska guud ee Caasimada Hargaysa

Photos from Somaliland Coast Guard's post 07/04/2026

Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL admiral Axmed H**e Haariye ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu saraysa Ha'yada EUCAP oo kamid ah haayadaha sida dhow ula shaqeeya Ciidanka Ilaalada xeebaha

Kulankan oo saaka ka dhacay Taliska saldhiga 1-aad ee Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Berbera ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo joogtaynta tababarada ciidanka ee la jaanqaadaya casriga iyo tiknoolajiyada caalmaiga ah

Waxaa kulanka la iskula soo qaaday saaka sidii loo wajihilahaa wadashaqaynta labada dhinaca ee mustaqbalka dhow iyo xoojinta xidhiidhka dhow ee CIX iyo Ha'ayada EUCAP

06/04/2026

Berbera : - Diyaargarowga Xuska munaasibada qaran ee 18may 2026-ka

21/03/2026

Hal qof ayaa ku geeriyooday badda xeebta Batalaale Berbera,,

19/03/2026

Ciid mubarak

Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed H**e Haariye ayaa hambalyo udiray munaasibada ciidul fidriga awgeed ciidamada kala duwan ee Ciidanka Ilaalada xeebaha iyo xaasaskooda iyo guud ahaan shacabka JSL , Golayaasha qaranka , guud ahaan shucuubta islaamka

Alle waxaan inoo waydiinayaa bash bash iyo barwaaqo iyo cibaado suuban

Photos from Somaliland Coast Guard's post 15/03/2026

Sawiro: Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed H**e Haariye ayaa tababar usoo xidhay saraakiisha CIX oo qaatay Tababar caalami ah oo mudo dheer usocday kaasi oo taageeraysay IORIS

15/03/2026

Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed H**e Haariye ayaa tababar caalami ah usoo xidhay qaar kamid ah saraakiisha CIX Somaliland oo qayb ka ahaa tababaro si xidhiidh ah uga socday dalka bilihii ugu danbeeyey oo ka qaybgalayeen khuburo ka socotay Afrika iyo Aasiya

Photos from Somaliland Coast Guard's post 14/03/2026

Digniin Saadasha dhinaca badda ee Todobaadka Soo socda

14/03/2026

Taliyaha Saldhiga 1-aad ee Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Berbera oo saaka kulankiisa kowaad la qaatay , ciidanka kala duwan ee Berbera ,,

Photos from Somaliland Coast Guard's post 11/03/2026

Tacsi :

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Taliyaha Ciidanka xeebaha JSL Admiral Axmed H**e Haariye oo ku hadlaya afka ciidanka ilaalada xeebaha JSL waxaa tacsi udirayaa qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaanba qarankii uu ka baxay gaar ahaana Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland alle unaxariiste G/sare Dubad Cilmi Ducaale oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa

Waxaa uu taliyuhu ku sifeeyey shakhsi wanaagsanaa oo wax badan qarankiisa usoo qabtay , waxaanu si gaara tacsi ugu diray xaaskiisa iyo caruurtiisi inuu alle samir iyo iiman ka siiyo marxuumkana janatul firdowsa geeyo Aamiin Aamin Aamin

11/03/2026

Digniin : Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL waxaa digniin udirayaa shacabka Somaliland maalmaha fasaxyada ciida fooda inagu soo haysa

04/03/2026

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL ayaa xidhay tababar usocday saraakiil kala duwan oo ka tirsan CIX

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Gaariye
Hargeisa
HARGEISA