Dr Majed

Dr Majed

Share

Health Worker

04/03/2021

04/03/2021
. Gaadhsii qof kasta oo is leedahay waa anfacaysaa

Waxaynu Wax iska yara odhan doonaa xanuunka la idhaa dhiikarka kaas oo ah mid kamida xanuunada dilaaga ah ee lala noolyahay ilaa hada waxa la ogsoonyahay in 972million oo dad ahi la tacaalayaan xanuunkaa dhiikarka la idhaa

Hadaba Akhriste aan ku Horeeyno noocyada kala duduwan ee dhiikarka madaama oo badi dadku moodaan in uu jiro hal nooc oo xanuunka dhiikarka ah ka ah la idhaahdo

1. Labile hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Waa nooc kamida dhiikarka kaas oo is bad badalaya Mar Cadaadiska dhiigu aad ubadanayo hadana uu hoos usoo dhacayo sidoo kale noocan dadka uu ku dhacaa aad ayay u maskax wareeraan waayo haday dhakhtar utagaan oo uu ku idhaa dhiikar ba aad leedahay hadana mid kale utagaan kii kalana ku idhaa ma lihid waxan lagugu sheegay
2. Persistent hypertension

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Noocan waa nooc joogto ah oo cadaadiska dhiigu uu aad usareeyo

3. Accelerated hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo qof la noolaa marka h**eba xanuunkan uu si dag dag ah uu ukacayo cadaadiska dhiigu

4. Resistent hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo aan ka jawaab celinayn ugu yaraan 3dex daawo oo ah kuwa dhiikarka loo qaato

5. White coat hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo marka uu qofku yimaadaba xarun caafimaad cadaadiska dhiigiisu saais ukacayo hadii uu gurigiisa tagana uu normal noqonayo

6. Mask hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo cadaadiska dhiigu kacayo marka uu joogo gurigiisa hoosna usoo dhacyo marka uu xarun caafimaad imaado

7. Hypertension malignant
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
waa nooc kamida dhiikarka kaas oo xadiga cadaadiska dhiigu sare ukacayo isgoo wata calaamado ay ka mid yihiin dawakhaad ama miir beelid , indho beelid iyo calaamado kale Halis ah

8. Idiopathic intracranial hypertension
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Waa nooc kamida dhiikarka kaas oo si fiican loo aqoon waxa keena kaas oo kubadan dumarka uu misaankoodu aad ubadanyahay iyo caruurtaba waana midka ugu badan ee keena indho beelida dag daga ah

W/Q =Abdimajed Mohamed MD
Refrence = Medscape , Imam Danish one of medical book

20/12/2020

17/12/2020

(Stroke سكتة دماغية)
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Gaadhsii qof waloo uu anfacayo..................................................
Madaamo xanuunka faaligu maanta wadankeena ka yahay xanuun dilaa ah sidoo kalena haduu qofka dili wayana kaga taga xaalada uu qofku talax gabo , Curyaamo oo laxaadkiisii ku waayo

Mida ugusii daran oo ah in Bulshadeenu aad ugu bislayn dhinaca wacyi galinta ku saabsan xanuunkan dilaaga , inakstoo in qofku dhimasho uu ka bad baadaa xaga ilaahay ka sugnaatay hadana xanuunkan 60% qofka waa la badbaadin karaa hadii 48saacadood ee ugu h**eeya xarun caafimaad lagula dag d**o qofka oo aan la odhan dabayl baa maratay , Jin baa ku dhuftay, Rooxaan baa gasahay, ee hala geeyo Cilaash , ama dhinaca halaga gubo
Midaas waxay keenaysaa in qofkii laga badbaadin kari waayo Dhibaatooyinka halista ah ee uu ku dilayo qofka

Hadaba sidaa oo ay tahay waxaynu Qoramadeenan oo noqon doonta mid taxana ah waxaa ku lafa guri doonaa intii ilaahay inaga waafajiyo
1. Waa maxay faaligu?
2. Maxaa keena faaliga?
3. Calaamadaha lagu garto faaliga?
4. Sidee uga hortagiw kartaa hadii uu ku asiibo xanuunkan?
5. Xanuunka

1. Waa maxay Faaligu?
•••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Faaligu waa dhibaato ka timaada in Qaybo ka mida xididada masakaxda waraabiyaa ay dhiigbax badan ku imaado ama dhiig la’an ku tumaado midaas oo dhalinaysa in gabi ahaanba meeshaas shaqdeedada ujoojiso si tartiib tartiib ah ama si kadis ah ba

Xanuunka faaligu waa noocyo badanyahay lakiin noocyada ugu caansan waxa la kala idhaahdaa
1. Ischemic Stroke oo ah 85%
2. Hemorrhagic Stroke oo ah 15% inkastoo midkaas imika bulshadeena kusoo badanyo

90% Dhalinyartu waa ka kacdaa xanuunkan halka 40% dadka waawayn ay ka kacaan

NB
wixii suaal ahna waad nala wadaagi doontaan Mahadsinidiin

Lasoco Qaybaha dhiman .........

W/Q = Abdimajed Mohamed. MD
Reference = CDC , Medscape,NEJM

03/11/2020

03/11/2020
gaadhsii qof walo la il daran xanuunkan

ُداع_نِصْفيّ
...............................................................
🥼Waa maxay Xanuunka Dhanjafku?

Waa Mid kamid ah madax xanuunada ugu khatarsan ee soo noq noqda badi waxa uu ku bilaabmaa Dhinac Qudha mudo kadib waxa uu noqdaa 2 dhinacba in uu qofku ka dareemo
Qofka waxa uu hayn karaa ugu yaraan 4 saacadood ugu badnaana ilaa 3dex Cisho

Xanuunkan waxa uu aad ugu badanyahay Dumarka , waana xanuun hiddo ah oo lakala dhaxlo

🥼Calaamadaha Xanuunkan
...............................................................
Maalamaha ka h**eeya madax xanuunka waxaa uu qofku dareemaa calaamado tilmaamaya in qofka uu soo hayo dhanjafku kaas oo ay ka mid yihiin :
Calool istaag ama Shuban in aad yeelato iyo daal badan,caajis

Calamadaha aad yeelanayso marka xanuunku sidaa ubilaabmo waxa kamid ah
1. Qaybta uu kaa haleelo xanuunkan ood ka dareento garaac iyo xanuun sidii in wax af leh oo sidii mudaca oo kale ah lagaa gal galinyo isha iyo qaybta ka dambeysaba

2. Madxoo dhan ayaad ka dareemaysaa garaac 2 ama 3dex saac ka dib

3. In aragaagi saafi noqon oo meshaad eegtaba ay kula dhaq dhaqaaqdo ama aad aragto layman zig zag ah oo ku hor cararaya

4. Iftiinka , Qaylada, Hoos u foorarsiga , Urta cuntada sida basasha oo ku dhiba

5. Matag iyo lalabo

Waxyaabaha keena dhanjafka ilaa hada si fiican looma garanyo inkastoo ay jiraan waxayaalo loo aaneeyo inay keenaan sida

1. Isbadala dheecaamada ku yimaada dumarka xiliga caadada

2. Cabitaanada sida Coffe iyo Khamriga

3. Hurdo yaraanshaha

4. Shaqooyinka aadka u culus

🥼Sidee loo daaweeyaa ama looga hortagaa Dhanjafka
..............................................................
Waxa ilaa hada jira laba qaab oo loola tacaalo xanuunakan
A. Qaab aan daawo ahayn
B. Qaab dhawow ah
Qaabka daawada aan ahayn waxa kamid ah adoo sameeya

1. Inaad barato was kastoo kugu kicinaya si aad iskaga ilaaliso

2. Inaad seexato Hurdo kugu filan

3. Inaad iska ilaaliso cabitaanada soo sheeganay

4. Jimcsi joogta ah inaad qaadato

5. Nasiimo wanaagsan qaadatid Ood iska
ilaaliso fikirka iyo isku buuqa saaidka ah

Qaabka daawada ah waxa kamid ah

1. Dawooyinka loo yaqaan NSAID

2. Dawooyinka loo yaqaan 5HTrec agonist

3. Dawooyinka loo yaqaan Dopomine antagonist

Mida kalaate nasiib ah ee xanuunkan leeyahay waa inuuna marna keenayn dhimasho iyo waxyaalo kalo qofka khatar galin kara

Wixii suaal eed qabto waad nala wadaagi kartaa

W/Q : Abdimajed Mohamed
Refrence: Medscape, CDC......

20/10/2020

20/10/2020

Insha allah bal waxaynu kayara wada hadli Doonaa Xanuunkan aadka inoogusoo badanaya ee la Idhaa ama KUDUUDIYAHA fadlan Sii Gaadhsii Cid waloo Xanuunakan la il daraad

waa xanuun uu keeno fayruska loo yaqaano "Arbovirus" Kaas oo ay soo qaado kaneecada nooca loo yaqaano
( Aedis Mosquitoes الزاعجة المصرية )
Taas oo dagaan ahaan ku Nool meelaha dhirtu ku badantahay ,xaafadaha aan Nadaafadoodu wanaagsanayn , Biyaha Fadhiya ,iyo meelaha kale ee ay ku noolyihiin Xayawaanada duur joog iyo dabjoogba
Magaca xanuunka "Chikungunya" asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: "qallooc u socod", qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka Haya dartiis

Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay somalia sanadkii 2005. Sida magaca kaaga muuqaatana Waa xanuun wata garaac fara badan oo kala gooysyada lafaha saameeynaya iyo Xumad saaida kaas oo ay gaadho heerka garaaca uu lafaha ku samaynayaa mid aad moodo in shay aad u culus lala dhacayo lafahaagii
Inkastoo xanuunka waagaas lagu wareeray oo dhakhaatiir badan oo bahda
caafimaadka ah isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen waa Dengue fever, qaarne waxay dhaheen Rift valley fever

Siduu u faafaa xanuunkani?
...............................................................
Sidaynu kasoo waranay kaliya xanuunkan waxa uu ku faafi karaa In Qof Qaba xanuunkan ay kaneeco soo qaniintay adigana ku qaniinto ama Qof Qaba in dhiigiisu kusoo gaadho
Sualaha ugu badan ee ilaa hada aan lakulmaa waa taabashada malagu kala qaadaa ama salaanta jawaabtu waa maya laguma kala qaado

Xanuunkan ma yahay mid sida Covid19 ama duryga ama Qaaxada mid aad ufaafaya ?
Xanuunkan maaha mid si xawliya ufaafa

Calamadaha aad ku garan karto Xanuunkan
...............................................................

qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo oo haysa labo ilaa toddobo maalin
2 ama 4 cisho xumada waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata, wuxuu wataa xaglo (kala goysyo) xanuun badan, kalagoysyda ugu badan waa kuwa faraha, kuwa Kuraanta kuwa jilbaha kuwa misgaha iyo dhabarkaba

Calamadaha kale ee 40% ilaa 70% dadku yeelan karaa waxa ka mid ah Finan yar yar oo kasoo baxaya lugaha ama gacmaha ilaa marka dambe ay soo gaadhaan wajiga kuwaas oo noqon kara qaar jidhkoo dhan ku baaha

Calamadaha waxa ka mid ah madax xanuun, murqohoo ku daala, kala gooysyda qaar oo ku barara

Udhimashada cudurkaan ayaa aad u yar, qiyaastii 1000kii hal ayaa u dhinta hadduu alle qadaro, dadka da'da ah ayaa u dhinta

Sidee loo daweeyaa xanuunkan?
...............................................................

Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab'iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino
Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!. Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin. Sidoo kale Gurigana Iska Buufiyaan Kaneecada , Wixii Dhiree Ku yaalana iska jaraan

Wixii Suaala waad nala wadaagi kartaan

W/Q :Abdimajed Mohamed
Reference: Uptodate, WHO, CDC,Medecape

16/09/2020

16/09/2020


Dilaaga Qarsoon Ee Jooniska (التهاب الكبد ب)
••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
QAYBTII KOOWAAD..................................................

■Wax kabaro Xanuunka Dilaaga Qarsoon ee loo yaqaan Hepatitis ka, Intaynaan Sii Guda Galin waxan Wax Yar kaga hadli Doonaa Xubinta Uu ku dhaco Caabuqani oo ah Beerka

■Beerku waa mid ka mid ah Xubanaha Ugu Muhiimsan ee Uurku jirtu leedahay , Wuxu ku jira Dhinaca Midig ee Feedhaha
Hoostoda

Shaqooyinka Beerku inoo Qabto
••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
1. Wuxuu ka Cawiyaa Inaad ka hesho Cuntada Nafaqo
2. Wuxuu ka nadiifiyaa dhaman wax kasta oo Sun ku ahaa jidhkaaga
3. Wuxuna la dagaalamaa Caabuqyo fara badan oo soo gala jidhkaaga
4. Waxaa uu inoo kaydiyaa Tamarta jidhka
Hadaba Waa Maxay Hepatitis ama Joonisku?
■Waa Caabuqyo ku dhaca Beerka kuwaas Oo keena Beer xanuun

Maxaa Keena Hepatitiska?

■Waxyaabo Fara badan aya Keena waxana ugu Muhiimsan
1. Ilmo aragtyga loo Yaqaan Viruseska oo kala ah A , B , C, D, E
2. Daawooyinka Qaar sida kuwa loo qaato Garaaca jidhka
3. Khamri badan oo uu qofku Cabo
■Hadaba kuwa ugu muhiimsan ee keena Caabuqan beerku waa ilma aragtygaa Viruska , kuwa ugu sii darana waa ABC-ga

■Kalmada jooniska ee soomalidu isticmasha waxay ka timid kalmad latin ah oo ah JOUNDICE oo somalina ku noqonysa Cagaariye taas oo ah mid kamida calamadaha ugu Horeeye lagu garto Xanuunkan

■Fiiro Gaar ah
..............................................................................
Hal mid hadaan Idin Xasuusiyo Kuma Jirto Literature ka Ama Qaamuska Caafimaadka wax la kala idhaa Jooniska Cad iyo Jooniska cas Kaliya waa Eray bixin Somalidu iskala baxday kaas oo ay ku sheegaan uun Hadii Uu Qofku Yeesho Calaamadaha ugu Caansan ee ah Cagaar in ay ku noqdaan indhuhu , ama cidiyuhu ayay yidhaahdaan waa joonis caskii , Hadii uu qof ku yeelan waayo Calamadahaa waxa la idhaa waa Joonis Cadkii

LASOCO QAYBTA LABAAD OO AAD UGU SII FAAH FAAHIN DOONO...........................................

03/09/2020

بسم الله الرحمن الرحيم

03/09/2020
■ Waa maxay Xanuunka safarku "Motion sickness"??
Waa xanuun Qofku isku arko markuu Fuulo ,gaadhi , tareen, dooni kaas oo calaamadihiisa ugu muhiisan ay yihiin in uu qofku yeesho dawakhaad, Matag fara badan , yalaalugo fara badan
Marka ugu h**eeysa ee lasoo hayo qofku waxa uu dareemayaa Naqaska oo cidhiidhi ku noqda , Qadhqadhyo, Dhidid badan , Canshuuf badan oo uu qofku tufo ..................

■ Ilaa inteey Joogan Calaamadahani?
Qofku si tartiib tartiib ah ayuu ulasoo qabsadaa safarka marba marka ka dambysa calaamduhu waa sii yaraadaan
Ugu yaraan 4 saacadood ka dib safarka qofku xaaladiisii ayuu kusoo noqdaa

■ Siduu u dhacaa xanuunkan?
Dhaman Socsocodkeena iyo Hawleheena oo dhan waxaa ugu damabayn maamulaa waa maskaxdeena hadaba dhaqaaq kastoo aynu samyno ama meel aan joogno oo dhaqaadaa waxa ay indheheenu ugudbinyaan fariimaha ay arkayaan maskaxdeena taas oo iyadana usii gudbinysa meesha inoo qabilsan maamulida isku dheelitirnaanta jidhkeena taas oo ah in markasta si joogto ah loola socdsiiyo maskaxda si ayna u lumin misaankii jidhku
Hadaba waxa jira in dadka qaar sida dadkan la ildaran xanuunkan in ay is khilaafaan fariimihii imanayay maskaxda iyo kuwii kasoobaxayayba

■ Sidee iskaga yareyn kartaa xanuunkan?
1. Intaanad safrin iskasii yaree cuntada
2. Fadhiiso gaadhiga xagiisa h**e
3. Markasta xagaaga h**e eeg oo ha leex leexin maskaxda
4. Daaqada gaadhigu hakuu furnaato si aad u qaadato hawo saafi ah
5. Ka jooji dhamaan waxa gaadhiga laga dhex dhagysanyo sida heeso ama music

20/08/2020

بسم الله الرحمن الرحيم
21/08/2020

HALISTA QARSOON EE MARAQ DIGAAGA JUMBO
...................................................................................

■insha allah hadii eebe yidhaa waxan ka hadli doona mawduucii ay asxaabtu ubadnaayeen ee ahaa halista jikada inoo taala ee aynaan ogayn ee aan macaansanayno hableheenuna ay inoogu udgeeyaan Suugada cuntada alle ha inoo sahle "HALISTA MARAQ DIGAAGA JUMBO"

■ Shirkadaha badan ee soo saara helisatan inagusoo badanaya waxa ka mid ah "jumbo"
"Magi" Iyo "Oxo" iyo shirkada kaloo badan

■ Waxyaalaha uu maraq digaagu ka
samaysanyahay maaha maraq digaag magaca uunbaa laynagu qaldee waxa uu ka samaysanyahay waxyaabo caafimaadka aan uwacnayn taas ooy isku waafaqeen Daraasado badan oo la sameeyay waxyaabaha waxa la mid ah
1. Monosodium Glutamate (MSG) Madadan waa waxa ugu khatarasan ee ilaa hada la ogyahay ee ku jirta maraq digaaga jumbo Daraasado Badan oo lagu sameeyay madadan waxa lagu ogaaday inay keento xanuunada ay ka midka yihiin
• Beer xanuunka
• Xanuunka la idhaa Fibromyalgia oo ah xanuun calaamdo fara badan leh mar gaara ka hadli doona insha allah
• Gastric , Boogaha Caloosha
• Iloowga

2. Dufanka = Waxa ku jira Dufan loo yaqaan Trans fat kuwaas oo sababi kara Inay xidida jidhka awdaan

3. Milix = Waa madada ugu badan ee ku jirta maraq digaaga milixdaas oo xadigeeda aanu cayimnayn

4. Toon , iyo filfil baa lagu dhex badhxiyaa si aan si dhab ah loo ogaan Halista Maraqdigaga

Talo Guud
-----------------------------------------------------
1. Fadlan iska jir isticmaalka maraqdigaga hadiiba aad ubaahantahy maraq digaag adiguba qalo digaag kadibna fadhiisi subaga oo halkaa isgoo saafi ah kala soo bax
2. Fadalan hadiiba aad ubaahantahay inaad carfisato ama udgoonaysiisato ku dar sugadaada waxyaabaha dabiiciga ah ee beereheena kasoo goa sida Kamasarada , Toonta , Xawaashka , Geedaha .....etc
3. Fadalan ka ilaali dadyoowga sidoo kaleba ula nool xanuunada sida Macaanka , Dhiikarka ,gaastarida , Beerxanuunka , Beer subaga .....etc

12/08/2020

12/08/2020

Qaybtii 2aad..............................................................

■Astaamaha ay yeelato Hooyada dhicisa
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
Iyadoo ay hooyooyinku ku kala gadisanyihiin oo qaar kamidii ayna waxbaba dareemin , lakin badanka waxay ubadanyihiin oo ay yeeshan Calaamdahan soo.socda
1. Calool xanuun saaida
2. Cad iyo xinjiro isla socda oo hooyada kasoo baxa
3. Dhiig bax saaid ah
4. Dhabar xanuun daran ama fudud

■Yaa halis ugu jira ?
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
1. Dumarka da'dodu u dhaxeyso 35jir ...45jir
2. Dumarka sigaarka qiijiya
3. Jug soo gaadha gabadha

■Talo Guud
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
1. Dhicisayntu cadayn uma aha in hooyadan ayna uur qaadi karayn , Dumaro fara badan ayaa dhiciyay dhalayna
2. Waa muhiim in Hooyadu ogaato in dhicisaynta inta ugu badan ay keenan waxyaabo iska dabiiciya oo la xidhiidhin aabaha iyo hooyada midtoona
3. Waa muhiim in lamaanuhu ay xaqiijiyaan Uurkooda dambe si loo hubiyo dhecaamada iyo nafaqada, Caafimadka Hooyada

Dhamaad

06/08/2020

بسم الله الرحمن الرحيم
06/08/2020
Qaybtii 1aad..............................................................


■Erayga Dhicis ama Qubasho ilmood Macnihiisu waxa weeyi = Uurka oo Si lama Filaana u dhamaada isla markaana Ilmihii Bilaabayo In uu Kasoo Daato ama Kasoo Baxo Minka Hooyada Isgoon gadhin 24 Week

■Noocyada Dhicinta Ilmaha
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
1. Dhicisayn Dhamaystiran
2. Dhicisayn aan dhamaystirnayn
3. Dhicisayn Soo noqnoqonaysa
4. Dhicisayn aan ugu tala galnay
5. Dhicisayn dag dag ah

■Inta Ugu badan dhibaatadan Dhicintu waxay ubadantahay 12 wiige u h**eeya

■Maxaa sababa Dhicisaynta ?
Si uu Uurku usii jiro oo uu ukoro waxa uu ubaahanyahy in Dhecaamo badan iyo nafaqo badanba uu ka helo jidhka Hooyada
Labadaa mid ka midii haduu khalkhal ku yimaado Ilmihii yaraa awood uyeelan maayo in uu sii wato Koritaankiisii

Waxyaabaha kale keeni kara waxa kamid ah
1. Qalad ku yimaada Hida sidaha
2. Da'da Hooyada oo aad uweyn ama aad uyar
3. Xanuunka Qanjidhka Thyroid oo aan la daweyn
4. Xanunka macaanka ,caabuqa ku dhaca Makaanka Iyo meelaha ku hareraysan
5. Jug soo gaadha hooyada
6. Cilad is diidis Dhiiga hooyada iyo ka aabaha
7. Cilad xaga dhecaamada Hooyada ah
8. Cilad difaaca jidhka ku yimaada

■Insha allah Qaybteena Labaad waxa kaga hadli Doona Astaamaha Lagu garto Dhicinta
Sida ugu wanagsan ee lagag Hortagi karo

Qoralkii= Abdimajed Mohamed
Refrence= CDC and NEJM

■Wixii suaal eed qabto waad nala wadagi kartaa?

02/08/2020

■Insha allah waxaynu wiiga soosocda ka hadli doona Dhiciska oo Noqon kara mararka qaar xaalad dhimasho ku keni karta Hooyada

■Waxaad Maqlaysaa ama arkaysaa Hooyo leh Mar kasta ama Caruurtayda Qaarbaa iga Qoomay , ama igasoo Qubtay ........................

Fadlan Like gareeyso Si uuna kuu dhaafin Maqaalka muhiimka ah Gaadhsiina Cid kasto is leedahy uu anfacaya

Happy Eid Mubarak .......

28/07/2020

بسم الله الرحمن الرحيم

29/07/2020

Xanuunka (غثيان صباحي)
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

■ Wa maxay Walacu "Morning Sickness"?

《J》Walacu waa mid ka mid ah Calamadaha ugu h**eeya ee lagu garto gabadha uurka qaaday

■ Maxay Dumarku isku arkan Xaaladan?

《J》 Inkabadan 95% Dumarku waxay yeeshan Yalaalugo Iyo Matag mar walaba ah ha ugu sii badnaado mataga aroorta h**e matagyso

■ Xiligee ayuu Walacu ku yimaada Gabadha uurka leh ?

《J》 Lagsoo Bilaabo wiiga 4aad ilaa wiiga 16aad ayay gabadhu xaaladahan ku jiraysaa

Calamaadaha Walacu waxay Noqon karaan Qaar aan aad udarnayn oo gabadha ku kalifeyn in Goob caafimaad la dhigo Iyo qaar kaloo aad khatar u ah oo ku kalifaya in gabadha goobta caafimaad ugu dhaw lageeyo laguna daryeelo

■ Maxaa keena Walaca ?

《J》 Ilaa hada si fiican looma oga waxa keena inakstoo Aqoonyahano badan ku doodan in Dhecaamadan iyo isbadalan Hooyada ku yimid uu jidhku ka fal celinayo

■ Maxaa lagu gartaa walaca halista ah ee gabadhu ubaahantahy in Cisbitaal la dhigo?

Gabadhu waxay yeelanysaa markan oo kale
1. Matag iyo yalaalugadii oo kasii badan kii Fududaa
2. Misaankeeda oo hoos udhaca
3. Fuuq bixid
4. In ay Koomo ay gasho hooyadu mararka qaar
5. Hooyada oo xaalad maskixiyana gasha taas oo mararka qaar waxyaabo guriga kamida nacda ama waxyaabo kamida iska jeclaata

■ Maxaa lagu yareyn Karaa Walaca ?

1. Ka fagoow Cuntooyinka urta sare sameeya Sida Cunto lagu daray Xawaash , Basal iyo qaar kalo badan
2. Calooshada mar walaba ka ilaali inay madhnaato
3. Kolba Cun Cunta yar adoo mar wa wada cunayn cuntada ugu yaraan 6lix jeer oo koo kooban taas oo lamida inaad 2 saac mar wax qaadatid iska ilaali inaad sidii 3dexda waqti aad wax uqadatid
4. Iska ilaali cuntooyinka ay ku badantahay Milixda iyo Subaga ama dufanka kuwaas oo kuu horseedi kara yaalaalugo badan
5. Cab shaah Caleenta ama ranjiga aad ku daratay aad khafiif u yahay
6. Waa inaad nasasho waanagsan gashaa xiligaad ku jirto bilowga uurka oo maskaxdaadu dagantaa mar walba
7. Waa inaad ka fogaata meelalaha cuntada lagu samynayo hadaad awoodid
8. Ka fogow aaladaha Casriga ah sida TV , koombitarada
9. Waa inaad Cabtaa biyo badan si jirkaagu u ahaado mar walba mid Qoyan oo aan fuuq bixin
10. Aroortii markaad soo kacdo iskuday inaad waxooga malab ah qaadatid
11. Isku day inaad qaadato cuntooyinka laga helo Vitamin B ama Qaado Dawda Pyrodoxine 50mg laba jeer habenkii iyo aroortii
12. Cuntooyinka ugu fiican ee gabadha xiligaa lagula dadaalo waxa ka mida
Muuska , Tufaax , Bariis , Hilib aan aad uqoyanayn

Waana Xanuun badana baaba markay hooyadu gaadho 20 wiig iyo wixi kasii badanba

Reference CDC, NMJ, WHO

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa