Mubarik Gahair

Mubarik Gahair

Share

Political analyst

22/07/2023

Dr.salmaan

Photos from Mubarik Gahair's post 26/07/2022

Suuqa wayn ee Amazon ayaa calanka Somaliland Ku iibinaya Qiimo 99.95 oo dollar halka ay calanka Somalia Siinayaan 7.95 oo dollar.

calanka Somaliland waa sagaal iyo sagaashan doollar halka Ka somalia yahay 7 dollar.

19/07/2022

Alle ha unaxariisto Jamaal ahmed maxamed Guulleed.

29/06/2022

Somaliland National ❤️💯

16/06/2022

Ciidanka Qaranka Somaliland ❤️💯

16/06/2022

Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go’aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka.

War-Saxaafadeed-16-06-2022-()-Fadhigii 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey ka soo baxeen qodobo muhiim oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta.

Ugu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay.

Waxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe.

Dhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.

1. Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka h**eeyey ka dib Goluhu waxa uu Qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka dalka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.

2. Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali dalka ka taagan tahay. Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go’aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

15/06/2022

Qaranka Somaliland❤️💯

14/06/2022

Nabada somaliland 💯❤️

31/12/2020

Ilaahey ku xidhnoow.

"Inaad barato cilmi Qudhaanjo ku saabsan iyo inaad barato cilmi Aadame ku saabsan, waxaa qaalisan inaad barato cilmi aadame ku saabsan. Waxa kale oo la mid ah, cilmi Allihii dunida abuurayba ku saabsan inaad barataa wuxuu ka qaalisanyahay, inaad barato cilmi makhluuqaadka kale ku saabsan."

~ Sh. Mustafe X. Ismaaciil.

Ruuxda haddii aanu helin maskax hagta, waxay noqotaa mid ba,da haddii aanu helin caqli wax wanaagsan u horseeda waxay ka talaabsataa xadhkeeda. Dhisida ruuxda waxaa saldhig ah, rumeynta Ilaahay haddii lagaa hello aaminitaanka Alle waxaa dhismaya tiirka ugu adag nolosha qofka haddii tiirkaa dumo waxa hoogmaya nolosha qofka oo dhan. Wanaajinta naftaada, waa libinta noloshaada adduun mid aakhiro qofka haddaanu lahayn caqli wax kalla_saara ma halleeli_karro waxa saxda waxa xun si uu qofka u kalla saaro xaqiiqadka waa inuu adeegsadaa garaadkiisa, garaadkuna waa waxa go,aamiya fahanka nolosha. Garaadku haddaanu diin ku qatomin waxba ma ahan. Nolosha oo dhami waa fahanka diinta, rumeynta Eebbe weyne. Haddii aan garaadka laga hufin, qiyaalka nolosha ay sawireyso, waxaa lagu dhex dabaalan badweynta qasaaraha.

In aan fanno awoodda Alle waxaa daliil u ah suurada ugu quruxda badan inuu innaga abuuray haddana uu innaga abuuray biyo. Murqaha jidhkeeana waxay ka sameysan yihiin waa biyo waanna waaxa jidhka qurxiya, sidaa si lamid ah ruuxda waxaa qurxiya imaanka oo la xoojiyo daacada Alle oo lagu dedaalo. “Nolol aan iimaan lahayn waa mugdi, wareer iyo wel wel joogta ah.” "Adduunyadu waa meel cadhiidhi ah oo harraad badan, waxay kulansatay baahi aan dhereg laheyn, daal aan raaxo laheyn, waa masraxiyad dhalanteed ah oo iimaan la’aan baahsan ay ka jirto, burbursan, faaruq ah oo mugdi iyo jahawareer uu guudkeeda dhex yaallo haba ugu darnaato orad joogto ah oo aan faa’iido lagu gaaraynin illaa aad kadhimato." _Un. Sida kaliya aad adduunka kaga guuleysan kadho ayaa ah in aadan isku mashquulin, kana maaranto, haddii aad ka maaranto adduunka, isaga ayaa ku soo raadin doonno, noloshaada waxba haku qiimeyn aragti ilaa aad ka ogaato xaqiiqda, in aad ogaato waxa dhabta waxaad ku ogaan kadhaa waa in aad fahanto nolosha, waxa aad u abuuran tahay. "Ha noqon qof indhaha wax ku qiimeeya ee noqo qof caqliga wax ku qiimeeya,waayo indhahu waxa ay ku siinayaan jawaab ku kooban waxa aad adigu arkeyso,halka caqligu ku siin karo su'aalo iyo sababo macquul ah oo aaney indhahu arki kareyn."~un.Waxaa laga weriyey Abuu Cabbaas Sahal ibn
Saacid Al-Saacidi (Allaha ka raali inoqdee), in uu yiri : Waxaa u yimid Nebiga (s.c.w.), nin oo ku yiri Rasuulkii Allow igu hanuuni ficil haddii aan falo llaahay iyo ummaddiisaba igu jeclaadaan. Markaas buu ku yiri, ka saahid adduunyada llaahay baa kugu jeclaan, ka saahid waxay dadku haystaan iyagaa ku, jeclaan doonee."
"ALLE dadka waxa uu ugu jecelyahay kuwooda ugu waxtarka iyo anfaca badan addoomihiisa". Acmaasha dadka lagu anfacana waxa uu ugu jecelyahay ka farxinta qof muslim ah". Sidaa darteed cidii rabta in ALLE jeclaado addoomaha ALLE ha caawiyaan inta karaankooda ah.

"Hawlaha la qabto waxa ugu roon fulinta waxa uu Eebbe ku faray, ka dheeraanshiyaha waxa uu Eebbe kaa reebay iyo ku kalsoonaanta waxa Eebbe agtiisa ahaaday! "- Omer Bin Khaddaab.

Haddii aad wanaajiso shaqsiyadaada waxay kaa difaaceysaa wax walbo dhib ah macnaha haddii aad raacdo wax walbo wanaag lagu faray, haddii aad ka reebtoonaato waxii lagaa xarimay, shaki kuma kiro in aad noqoneyso midka dadka ugu hodansan dhan walbo, hodantimada maaha hanti mallaayiin in aad heysato waa inta aad rabbigaa ku xidhan tahay, dadkana aad wanaajiso. In aad noolaato kun sanno, oo aadan waxbo camal wanaagsan aadan qabsan, waxaa ka wanaagsan maalin kaliya aad rabbigaa si wanaagsan, oo baraxtidhan aad u caabudo. Si walbo aan u guuleysan lahay waa la innoo sheegay, ILAAHEY waxa uu innoo soo dajiyay kitaab muqadas ah waxa imaan doonna, waxa hadda dhacaya innooga waramayo, haddii aan dhuuxno fahanno, ku dhaqanno ruuxdeenda waxay noqoneysaa mid dhan walbo ka dhisan, hawada ay ka adkaan karto.

"Marka qofka binu'aadamka ahi araggii, maqalkii, garaadkii iyo garashaddii la siiyey uu Illaahay ku caabudi kari waayo amase uu naar iskaga ilaalin kari waayo; mushkiladda caalamka ugu wayni waa naar, nimcadda ugu waynina waa janno iyo Rabbi aragtidii. Labaddii wax ee ugu waaweynaa haddaad lumiso micnaheedu waxa weeyi xoolahaad ka liidataa, xoolaha ma gaadhid ee waad ka hoosaysaa"
~ Sh. Mustafe X. Ismaaciil.
Ha noqon qof iska nool, ee noqo qof u jeed u nool nolosha martabad wanaagsan ka gaadh, darajada ugu wanaagsan nolosha laga gaadhaa waa ku xidhnaashaha Eebbe weyne. Naftaada bar in adduunka yahay maalin qudha, ama maalin badhkeed, nolosha adduun haddii ay ku kadiso kunna hilmaansiiso nolosha danbe, waxaad noqotay qof hoogay oo qasaaray, ilna adduunkaada ku eego, ilna aakhiradaada ku eego. "Qofka jecel in Alle qalbiga u furo, xikmadna ku arsaaqo; Cidladda ha badsado, cuntadana ha yaraysto, laba qolona yaanu raacin (dadka maan-gaabka ah iyo culimada kuwa aan anshaxa iyo caddaalada lahayn)" Imaamu shaafci.

Ahow mid ku taagan xaqa, jidhka toosan hanna ka weecan waxa xaqa ah, dadkana u noqo mid intifaac badan. “Mar haddii aanu quudkiisa ka werwerayn qofka lihi aabbuhu, sidee ayuu uga werweri karaa qofka leh Rabbigii.” shacraawi.Haddii aad rabbigaa tallada u dhiibatada, aad ka dhigato mid baahiyihisa u sheegta, ma noqon doontid mid wax waaya, Alle waa uu ogyahay baahidaada, kaliya waxa la eegayaa waa sida aad rabbigaa ugu bahaan tahay, ilaahey isaga kuuma baahna, ee adiga u bahaan, rabbigaa ku xidhnow mar walbo.“Marka habsocodka nolosha iyo aragtidaadu is yeeshaan, badhaadhuna wuu kuu dhashaa.”

W/Q:Liibaan Indhacaat Liibaan Indhcaat
31/12/2020

28/12/2020

Bilan iyo Balwaddeedii

3.

"Laamiga ma idinkaa iska leh gabarey, cabbaar ayaad iskaga laafyoonaysay, gabar laandheere ah baaba tahaye," Ayaa cod debecsan oo xifaalo iyo maagis iskugu jira, gaariga dhexdiisa laga soo yiri. Muusig u shidnaa oo aanan markii h**e maqlayn, baa guuxiisu isoo gaarayaa. Waji dhoollacaddaynayana waa isoo eegayaa.

"War naga tag, laamigu waaba bannaan yahay ee maad martid," Baan sida qof bakadsan, oo haddana is-difaacaysa ugu jawaabay. Oo waxaan isku daray bootin aan uga fogaanayo gaariga taakada la ii soo jirsiiyay, iyo afka oo aan marada saartay, qajilaad darteed, baan haddana socodkaygii sii watay. Goor aan xitaa tillaabada qaaday ma xasuusto. Is-xak**aynta oo dhan ayaa iga luntay. In aan wali la taaganahay iyo in aan ka dhaqaaqayba, maamulkeeda anigu ma hayn. Ma aqaan wax dhacay.

"Maxaa kugu dhacayna oo la boodday? Waan kula kaftamayay oo kaliya. Fiiri ! ma ku sii qaadi karaa haddii aad jeceshahay? " ayaan geeskayga ka maqlay. Waa isagii oo i feer wada gaarigii, oo taayirka rogaya - aayar u soconaya.

"Maya ! Iskuulka waa ii dhow yahay," Ayaan durbadiiba si isku dhex yaac ah ugu jawaabay, anoo aan fekerinba, oo socodkaygii sii watay. Laakiin iskuulku iima dhawayn. Marka laga tago in aanan la qabsan nimanka la hadalkooda, haddana kani waaba ka sii burji wayn yahay.

"Waayahay, waa si fiican, laakiin istaag horta, arrin muhiim ah ayaan kuu sheegayaa," Ayuu i yiri, inta uu gaariga istaajiyay si aan u joojiyo socodka.

"Maxaad iga rabtaa? Bal haye," Baan ugu jawaabay, anoo wali saluugsan go'aanka aan qaatay ee ah taagnaanta. Waxaan is-leeyahay nambar iyo wax buu ku waydiin doonaa, laakiin anigu nambarkayga inaan siiyo diyaar uma ahi.

"Mid baan kuu sheegayaa. Dantaadu kuma jirto in aad iskuulka ka daahdo, oo albaabka lagaa xirto. Sidaas u la soco. Waana ku salaamayaa," Ayuu yiri.

Muraayaddii ayuu dallacday, oo leebar gaariga siiyay, si aan anigu islawayni u arko. Waad dareemaysaa in uusan ugu talagalin-ba jawaabtayda in uu sugo. Durbadiiba iga libdhay. "Huuuh...Haaah..." Waa neef tuuray! Haddana hawo ayaan qaatay. Laakiin maxaa igu dhacay? Ma ahan markii ugu horreysay, ee nin gaari wata uu ila qabsado, balse waligiis iima saamayn sidaan oo kale! Ma codkiisii debecsanaa, maagiddiisii xifaalada wadatay, dhoollacadayntiisii qariibka ahayd, iyo gariirkii muusigga, oo saanta isla helay, baa i sixray? Mise muraayadda hortayda lagu dallacday, iyo leebarka wada socday, baa qabkayga dhaawacay? Mooji. Maya! Waa in aan is adkeeyo. Ma ninkaas xunka ah ee aan haddeer laamiga ku arkay, baa sidaas oo dhan ii saamayn kara. Waboy waba! Ilaahow muu hadda soo noqdo! Horta kibir baa kujiray soo maaha? Markii u danbaysay isagoo aan jawaab iga sugin buu muraayadda iga dallacday oo dhaqaaqay. Wey oo wey! "Markuu i lahaa, 'Dantaadu kuma jirto in aad daahdo, oo iskuulka lagaa xirto,' xitaa fursad iima siin, aan ku iraahdo, maxaa kaa galay dantayda, iyo iskuulkayga." Alla intuu ii soo noqdo oo aan intaas ku iraahdo, muu iska tago. Ciil badanaa !

"Naayaa Bilan, soo dheere, aan orodnee, ma in Jeenigaab albaabka naga xirto ayaad rabtaa? " baa hortayda cod dhuudhuuban looga yiri, oo gacanta la ii haatiyay.

Alla waa Sacdiyo ! Waa saaxiibtay aan isku fasal nahay. Waan ku orday. Labo gabdhood oo kale ayaa la socda, oo fasallo kale ah. "Alla kaasaa nacay, Jeenigaab, maxaa isaga maalin kasta albaabka ku taagay," Baan cod xuurtaysan ku iri, aniga oo aan wali orodkii joojin, laakiin gabdhihii labo tillaabo u jira. Indhahayga waxaa laga dareemayaa sida in aan niyadda ka habaarayo Jeenigaab. Jeenigaab waa macallin ka tirsan iskuulka, balse fasalkayaga aan xiisad ugalin. Sida aan maqlayna maba xiisado badna. Waxaad mooddaa in uu qaabilsan yahay ardada cayr-cayrsigooda. Ciddii soo daahda isagaa ciqaaba. Albaabka isagaa xira. Ardada lacagta bisha la daahda, isagaa fasalka ka soo saara. Wax ka xifaaltan badan maleh, haddii aad qoorta isla gashaan. Xitaa adoo dugsi sare ah ayuu ul kula soo aadayaa.

"Alla Bilanay, ardadaas soo ordaysa fiiri, kii baa mindhaa albaabka taagan," Sacdiyo markay intaas igu tiri, iyo waxaa isku wakhti noqday, ardadii ka soo horjeedkayaga ka soo ordaysay oo orod albaabka ku galay. Jeenigaab baa madaxa albaabka kala soo baxay, oo indhaha nagu dhuftay annagoo soo ordayna. Wuuba ku raaxaystaa orodkayaga. Markuu arkay inaan labo tillaabo u soo jirno, buu qam siistay albaabka, oo quful wayn ka gaarsiiyay. Kaligayo ma ahane ardo badan, oo wiilal u badan, oo sidayada oo kale ordayay, baa albaabku na kulmiyay. Albaabku waa mid la iska dhex arko, oo ka samaysan biro adag, sida xabsiyada. Wakaas Jeenigaab sii socda isagoo aad moodid in uu gool soo dhaliyay.

"Jeenigaabow, surweelkaas iyo shaarkaas isk**a beddeshid miyaa? " Cabdifitaax oo agtayda taagan baa yiri, isaga oo qoslaya.

Cabdifitaax waa wiil aan isku fasal nahay, waana wiilka ugu fawdada badan iskuulka. Qosol baa lagu wada dhuftay intayadii meesha taagnayd, oo toboneeyo arday ahayd. Inta uu bariir iska kiciyay Jeenigaab, buu soo kala wareegay oo hortayada soo istaagay. Albaabka oo kaliya ayaa noo dhexeeya. Anigu afka ayaan marada saartay oo ka sii jeestay. Inuu i aqoonsado baan diidanahay. In badan buu albaabka iga xirtay anoo soo ordaya, oo inuu igarto baa laga yaabaa.

"Waa kee najaaska aan laga najaasanayn ee hadlay, yaa magacayga soo qaad ku yiri? Car wakaase haddaa nin tahay ku celi waxaad sheegaysay. " Jeenigaab baa si caro leh u yiri, intuu indhaha galka ka soo saaray.

Shibta ayaa loo xulay. Cidna uma jawaabin. Wuxuu qaylqayliyo, oo uu hadba wiil indhaha ku gubo, bal in uu u hadlo, oo uu hadba mid timahiisa wax ka sheego, buu markii danbe iska tagay. Cidna lama hadlin, ilaa uu cabbaar sii socday.

"Jeenigaabow, Xaliimo Bararaf maxaad isku tihiin? " baa Cabdifitaax mar kale yiri, isagoo qoslaya.

Xaliimo Bararaf waa islaan iskuulka xaaq-xaaqda, oo xoogaa gacmo gaagaaban sida Jeenigaab oo kale. Qosol baa isqabsaday. Ardada inta daacadda ahna Cabdifitaax bay ku xanaaqsan yihiin, oo leeyihiin, "Ma annagaa iskuulka naga cayrinaysaa, nagadaa ninyahaw Jeenigaab ha nagu faarfaarine, mar danbe waxba ha ku oran saaxiibow." Jeenigaab ma maqlin hadalkii, oo xafiisyada oo uu hormarayay buu ku leexday. Waxaan iridda dhoobnaano, oo hadba ardo kale oo soo daahday ay noogu yimaadaan, ayaa labadii xiiso oo h**e dhammaadeen.

Cabbaar kaddib ha soo baxo Jeenigaab oo ul wata. Annaga ha na soo abbaaro. Albaabkii ayuu inta naga furay, oo na soo xareeyay, ayuu nagu fayliyay barxad fasallada hortooda ah. Qorraxda ayaa na haysa. Intuu xoogaa noo booteeyay, buu markii danbe wuxuu noo istaagay geed tallaal naga soo horjeeda hooskiisa, si uu noogu ilaaliyo safka, qorraxdana uu uga gabbado. Ciddii safka khalada ama damacda inay fariisato ul baa taqaan. Cakuye Jeenigaab! Mar h**e bay i dhaaftay xiisaddii aan jeclaa ee taariikhda. Maanta jadwalka taariikh baa labada xiiso ee h**e nagu lahayd. Macallin Muuse ayaa maaddadaas i jeclaysiiyay. Waa macallin sheeko badan oo balaaqo leh. Casharradiisa markuu sharxo wixii ka danbeeya akhrinba uma baahna. Xitaa sidiisa kale waa macallin dabeecad fiican. Ardada kuwa ugu fawdada badan baa xitaa ixtiraama. Markuu xiisadda noogu jiro fasalku waa shib, qof sheekaynaya maleh. Isaga ayaa naga keensaday in aan sidaas u ixtiraamno. Alla yaa macallimiinta oo dhan Muuse oo kale ka dhiga.

Bal Muuse iyo axadkaan na hor taagan isku fiiri. Horta sababta na loo ciqaabayo ma soo daahitaankaa, mise waa caydii Jeenigaab? Yeelkadeede! Waxaanba soo xasuustay qoraal aan shalay Facebook ka akhriyay, ma xasuusto qofkii soo dhigay. Waxaa kamid ahaa, "Horta maxaa loo la jeedaa in ardada lagu ciqaabo, in xiisadaha la dhaafiyo? Waxa loo ciqaabayo soo waxbarasho darteed ma ahan? Haddaba sidee loogu ciqaabi karaa waxbarasho la'aan, si ay wax u bartaan? Inleen haddii xiisadaha la dhaafiyo, soo k**a dhigna in waxbarasho la'aan lagu ciqaabayo." Su'aalahaas iyo ka badan ayaa kamid ahaa. Runtii waa qoraal aniga Bilan ahaan i saameeyay, oo dood cusub igu abuuray. Mararka qaarkood waxaan is iraahdaa, Facebook macallimiin kale ayaa jooga oo kuwayaga ka fiican. Waligood macallimiintayadu maskaxdayada ma dhisin, in ay cashar noo dhigan ma ahane, marka laga reebo macallin Muuse. Horta waa inaan Jeenigaab wayddiiyo su'aalahaas. Maya...Maya, baxarkaas kuma jiro. Ma anaa Jeenigaab su'aalo wayddiiya, oo uu i caayaa, ardaduna iga xaraabaystaan.

Goor aan cabbaar taagnayn ayaa maamulihii noo yimid. Xoogaa buu inta wax noo sheeg-sheegay buu na xareeyay. Sidaas baan maalintaas ku dhammaystay. Maalintii danbe ee xigtay anoo isla laamigii soo haya oo iskuulka u soo socda, baan arkay gaari ila siman.

"Naa Bilaney, cabbaar baan kuu dhawaaqaynay ee gaariga soo gal, yuusan Jeenigaab albaabka naga xiran sidii shalay oo kale," Baa cod dumar gaariga looga dhex yiri.

Alla! Waa Sacdiyo aan isku fasal ahayn, oo gaari lagu wado. Laakiin gaarigu waa kii shalay 'e. See u wax u khaldan yihiin. Ma anaa riyoonaya mise waa dhab? Maxaa sacdiyo iyo gaarigii shalay isku keenay? Muraayadaha oo dhan buu haaf-dajiyay, si aan u arko cidda saaran gaariga. Kursiga baasajeeriga (darawalka ku xiga) Sacdiyo ayaa saaran. Gadaalna labadii gabdhood ee shalay Sacdiyo la socday. Wiilka gaariga wada waa isla kii shalay laftirkiisii. Butuli iima furin, wuuba is-khaafinayaa. Mar mar buu xitaa inta uu Sacdiyo eego, buu leeyahay, "Sacdiyo, ma ka tagnaa gabadhaan, ma socoto baan u malaynayaaye," Markaasaa Sacdiyana tiraahdaa, "Alla gabadhaan isku fasal baa nahay, way na raacaysaa Ibraahinow,". Anigu wali indhahaan taagayaa, oo meel la iga jiraba ma aqaan.

"Abaayo Sacdiyo ani gaarigaan raaci mayo," Baan si naxdin naxdin ah u iri, aniga oo aan garanayn goorta ay erayadaani iga soo baxeen.

"Bilan abaayo maxaa kaa khaldan? Wiilkaan miyaa taqaanaa adi? Waa dariskayaga anagaa soo raacnay isagoo soo socda. Midda kale, ma gaari annagu aan saarannahay baad ka cabsanaysaa?" bay iigu jawaabtay, si boobsiis ah.

Waxaan is iri war jiraaba cakaaruu imaane, gal gaariga. Mar horta waan farxay oo ninkaan cid ii taqaana waan rabay, oo xan fareesh ah iga siisa. Marna u qaadan waa bay igu noqotay. Shirka danbe ayaa gabdhihii ku jiray isku durkeen, si ay boos iigu banneeyaan. Dalaq baan iri. Mukayf baa i qabsaday, iyo muusiggii shalay oo kale mid ka sii macaan. Qorraxdii aan lugaynayay iyo meesha aan dhex fadhiyo kala fogaa. Ibraahim in la yiraahdo Sacdiyo ayaan haddeer ka maqlayay. Isaguna in Bilan la i yiraahdo mindhaa Sacdiyo ayuu ka maqlay, markay ii yeeraysay. Muraayadda yarta ah ee wajigiisa ka korreysa - ee loogu talagalay in darawalku adeegsado, marka gaarigu dib-dib u baxayo - ayuu si shaxaarinnimo ah iigu soo aaddiyay. Indhihiisii cadcaddaa iyo dhoollacadayntiisii mucjisada ahayd ayuu iga daawadsiiyay.

Mar kaliya ayaan dareemay gacan labadayda lugood dhexdooda haahaabanaysa ! Saa waan booday !

"Naa maxaa la bood-boodaysaa Bilaney, qarxisadii meeday? Kor u istaag horta, mindhaa adaa ku fadhiyee. Midda kale maxaa ka fekeraysay? Cabbaar dhan baan kula hadlayay, oo aad ii soo jeensan waydaye." Afey oo intaas i leh baan ku baraarugay, sida qof hurdo ka kacay.

Inleen Afey baa qarxisadii sigaarka lagu shidanayay raadinaya, oo dhabtayda ka baaraya. Waa waxaas waalanee, maxaa aniga dhabta ii saaray. Midda kale cabbaaradaanba sigaar ma shidan.

"War naga tag, waa naga nixisaye, qarxiso ma aanu aragee." Anoo ugu jawaabay iyo waxaan isku daray, in aan is-hurgufo anoo taagan.

"Naa xagee buu ka baaray qarxisada," Bay Sahro Kuus tiri, iyadoo qoslaysa, oo iga xaraabaysanaysa.

Qolkii oo dhan baa qosol isqabsaday. "Gah...Gah...Gah"-da Cali Ruugaaye baa iigu daran, oo isagu dadka qosolka wayn ah. Midig baan fiirshay, mise Farxaan Cadde iyo Hani baa lug ku rafanaya.........

La soco qaybta 4-aad.

Faalladaada hoos noogu reeb (comment), dareenkaaga "reaction" ku muuji, siina faafi (share).

W/Q: Maxamed Jaarlees

Indhacaat

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Hargeisa