Ciidanka Booliska JSL

Ciidanka Booliska JSL

Share

Waa Bogga Rasmiga ah ee Ciidanka Booliska JSL

The official page of the Republic of Somaliland Police Force

11/04/2026

Saldhiga degmada 26ka Juun Daloodha ayaa lagu hayaa wiilkaa yar oo ambada ehelkiisu halkaasi ha tagaan.

10/04/2026

Ciidamada Booliska JSL hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay Eedaysane Cabdikariin Cali Cismaan, kaas oo ku eedaysan inuu muddooyinkii u dambeeyay ku kacayay falal ka dhan ah xayawaanka diinka iyo sidoo kale dadka.

Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka.

06/04/2026

Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa lagu hayaa wiilkaa yar oo ambada ehelkiisu halkaasi ha tagaan.

Photos from Ciidanka Booliska JSL's post 04/04/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay goobta ay Ciidanka Boolisku ka wadaan tababarka iyo diyaar-garowga xuska Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May 2026-ka, oo si weyn looga diyaar-garoobayo isla markaana dhawaan inagu soo fool leh.

04/04/2026

:- Diyaar-garowga munaasabadda Xuska maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Photos from Ciidanka Booliska JSL's post 03/04/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, iyo wafti saraakiil ah oo uu hoggaaminayay oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay dalka , waxaana Madaarka Caasimadda Hargeysa kusoo dhaweeyay Taliye ku xigeenka koobaad ee Ciidanka Booliska JSL iyo Saraakiil sare.

Taliyaha ayaa intii uu joogay Ingiriiska kulamo muhiim ah la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada dalkaasi, kuwaas oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada ciidan. Sidoo kale, waxa si qoto dheer diiradda loo saaray sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidamada.

Intii uu ku sugnaa Ingiriiska, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL iyo waftigiisu waxa ay booqdeen talisyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Booliska Ingiriiska, iyaga oo u kuur-galay hababka shaqo, nidaamyada casriga ah, iyo khibradaha la xidhiidha sugidda amniga.

Dhanka kale Taliyaha ayaa kulan la qaatay qurba joogta Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska , waxaanay iska xog-waraysteen xaaladda guud ee dalka ee dhinaca amniga iyo horumarka ka hana qaaday.

02/04/2026

Ciidamada Booliska JSL, oo kaashanaya Ciidamada Nabadgelyada DDS, ayaa hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen gacanta kusooo dhigay eedaysane Cabdirisaaq Aadan Rooble, kaas oo ku eedaysan inuu 31-03-2026 dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin.

Kadib hawlgal dheer iyo baadhitaan ay sameeyeen Ciidanku , ayaa eedaysanaha lagu qabtay tuulada Magaalo Xaali, waxaana si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hawlgalkan lagu soo qabtay eedaysanaha.

02/04/2026

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay goobta ay Ciidanka Booliska JSL ka wadaan tababarka iyo diyaargarowga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2026, oo si weyn dalka looga xusi doono dhawaan.

31/03/2026

:- Taliska Ciidamada Booliska JSL waxay bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan soo qabashada eedaysane Cabdirisaaq Aadan Rooble, oo ku eedaysan in maanta saacaddu markay ahayd 10:30 uu dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin.

Falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Jungalka ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Boolisku waxay si sharaf leh uga codsanayaan dhammaan shacabka in ay Ciidanka kala shaqeeyaan soo qabashada eedaysanaha, isla markaana cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay ay si degdeg ah ula xidhiidho Ciidamada Booliska. Soo wac. 520175 Ama 999 iyo Saldhig boolis halka ugu dhaw.

Sidoo kale Baraha bulshada ee Ciidanka nagula soo wadaaga.

Mahadsanidiin.

Sawirka eedaysanuhu waakan.👇

30/03/2026

Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay saddex eedaysane iyo saddex gaadhi oo ay wateen, kuwaas oo noocoodu yahay Basaska dadweynaha qaada .

Eedeysanayaashan ayaa dhawaan muuqaalladooda lagu baahiyay baraha bulshada, iyagoo si ka baxsan anshaxa darawalnimada ugu socdaalayay jidka Sheekh.

Eedaysanayaashu waxay ku xadgudbeen xeerarka iyo badqabka waddo-marista, waxaana si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka .

27/03/2026

Faahfaahin:- Qabashada Hal eedaysane iyo gaadhigii uu watay oo ku xadgudbay xeerarka iyo badqabka wado-marista.

27/03/2026

Ciidamada Booliska JSL ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay hal eedaysane iyo gaadhigii uu watay oo noociisu ahaa Noah, kaas oo dhawaan muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada isagoo si ka baxsan anshaxa darawalnimo u maraya jidka Dawga Sheekh.

Eedaysanaha ayaa ku xadgudbay xeerarka iyo badqabka wado-marista, waxaana si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargesa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Taliska Ciidanka JSL
Hargesa