05/10/2026
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ
Hargeysa:05/10/2026()-Wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo madax kala duwan oo katirsan xukuumadda Somaliland iyo hayโadaha kale ee qaranka, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 115-aad ee lagu xusay maalinta qaran ee dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa.
Munaasibadda xuska maalinta qaran ee dalka Taiwan ee lagu qabtay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa lagu muujinayey ahmiyadda xidhiidhka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee ka dhaxaysa labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyada oo shacabka iyo madaxda dawladda Taiwan loo diray hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha dabbaaldegga maalintooda qaran.