21/03/2026
Wasiirka madaxtooyada JSL Khadar Xussen Cabadi iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI MD Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye ayaa booqdey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee muddada dheer u soo adeegay nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in xaaladda caafimaad ee Suldaanku ay soo fiicnaaneyso, waxaana uu Alle uga bariyey inuu caafimaadka u sii siyaadiyo .
18/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa galabta booqasho salaan iyo duco ah ugu tagay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse.
Booqashada Wasiirka waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Muniir Axmed Cigaal.
17/03/2026
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno miisaan leh oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, Afhayeenka Madaxweynaha, Danjireyaal, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaal Guud ayaa kulan Afur iyo Casho Wadareed ah la qaatay Haldoorka Bulshada, Hoggaanka Dhaqanka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Siyaasiyiinta degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Gabiley.
Kulankan oo ku qabsoomay jawi farxad iyo is-qaddarin leh ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wadajirka bulshada, adkaynta nabadda iyo amniga, iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gabiley.
Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa si qoto dheer uga dhegaystay talooyinka, aragtiyaha iyo baahiyaha bulshada Gobolka Gabiley, iyaga oo caddeeyey in Xukuumaddu ay ka go’an tahay ka jawaabista danaha shacabka, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta Dawladnimada.
Dhankooda, Haldoorka Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey Ictiraafka Somaliland iyo tallaabooyinka yididiilada leh ee ay Xukuumaddiisu qaaday muddada ay xilka haysay.
Hoggaanka Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada ee Gobolka Gabiley waxa ay muujiyeen in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo ka qayb qaadashada horumarka Qaranka, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee u dhexaysa bulshada Gobolka Gabiley iyo Xukuumadda haatan talada haysa.
Kulanka Afurka iyo casho-wadareedka ah ayaa xambaarsanaa farriin Qaranimo, wadajir iyo is-kaashi bulsho, isaga oo mar kale muujiyey in wada-tashigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadho nabad, xasillooni iyo horumar waara.
16/03/2026
Wasiirka Madaxtooyada JSL Khadar Xussen Cabdi ayaa galabta ka qeyb galay soo xidhitaanka tartankii Bisha Ramadaan ee Kooxaha Heerka Koowaad ee Garoonka Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa
13/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge), ayaa galabta booqasho dhiirigelin iyo farxad-gelin isugu jirta ugu tegay ubadka ku jira Xarunta Dhaqan-celinta Carruurta ee degmada Maxamed Mooge.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa 55 carruur ah oo ku jira xaruntaas gudoonsiiyey dharkii ciidda, si uu ula qaybsado farxadda Ciidul-Fidriga ee inagu soo fool leh.
Wasiirka ayaa xusay in xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso daryeelka dadka tabaalaysan iyo ubadka baahiyaha gaarka ah qaba.
01/03/2026
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Khadar Xussen Cabdi ayaa maanta maamulka iskuulka dhagoolayaasha ee Burco gaadhsiiyey gaadhi cusub oo BUS ah .
Gaadhigan waxa Iskuulka ugu deeqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
27/02/2026
Wasiirka Madaxtooyada JSL Khadar Xussen Cabdi ayaa ka qayb-galay afur wadareed ka dhacay degmada Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
07/02/2026
70 masuul oo ka socda waaxyaha War-isgaadhsiinta ee wasaaradaha iyo dhammaan hay’adaha xukuumadda JSL ayaa la siiyey tababar la xidhiidha hirgelinta Nidaamka War-isgaadhsiinta iyo Sumadda ee Xukuumadda (Government Communications & Branding).
Masuuliyiintan ayaa qaatay casharro iyo tababarro la xidhiidha:
1. Muhiimadda iyo habka loogu shaqaynayo Sumadda Hay’adaha Xukuumadda (Government Branding)
2. Maaraynta war-isgaadhsiinta xaaladaha degdegga ah iyo xilliyada ay dhibaatooyinku jiraan (Crisis Communication Management)
3. Mabaadi’da Isgaadhsiinta Dawladda (Government Communication Principles), war-isgaadhsiinta xukuumadaha, iyo Midaynta Farriinta xukuumadda.
4. Isticmaalka Bogga Sumadda Xukuumadda (Government Branding Portal) iyo habka uu u shaqaynayo.
5. Barashada isticmaalka Nidaamka Dhexe ee Maamulka War-isgaadhsiinta Xukuumadda. (Government Centralized Communications Management System)
6. Hubinta xogta iyo habka tixraac looga qaadan karo bogga Kaydka xogta shaqada madaxweynaha, (Presidential Public Library)
Tababarkani waxa uu qayb ka yahay siyaasadda madaxweynaha ee dib-u-habaynta nidaamka war-isgaadhsiinta iyo sumadda xukuumadda oo loo yaqaanno (Barnaamijka Midaynta Ereyga iyo Astaamaha xukuumadda).
06/02/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Md Muniir Axmed Cigaal, ayaa kulan sare oo socday muddo seddex maalmood ah ugu soo gabogabeeyay magaalada Berbera qaar kamid ah hawlwadeenada Madaxtooyada JSL.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa, dib u eegista qorshayaashii sanadkii h**e ee 2025 (wixii fuley, caqabadihii iyo casharadii la diiwaangeliyay), iyo ansixinta qorshayaasha mudnaanta leh sanadka 2026. Waxa sida oo kale diiradda lagu saaray kulankan, hannaanka hirgelinta qorshayaasha casriyaynta shaqada madaxtooyada, kaas oo muddooyinkii ugu danbeeyay lagu hawlanaa dejintooda.
Ugu danbayn, kulankan ayaa kusoo idlaaday guul, isaga oo ah kulankii 2aad oo si xidhiidha loo qabto hab sanadle ah. Waxaana lagu diiwaangeliyay guulo muhiim u ah hawl socodsiinta shaqada, casharo wax laga bartay iyo qorshayaal hagi doona hawlgalada madaxtooyada sanadka 2026.
01/02/2026
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge), oo uu wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Mudane Muniir Axmed Cigaal, ayaa kulan is-xogwareysi iyo dardargelin ah la yeeshay shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyadda JSL.
Kulankan ayaa diirada lagu saaray dardar-gelinta shaqada, adkaynta wada-shaqaynta, kor u qaadista isla-xisaabtanka iyo masuuliyadda, si Wasaaraddu ay si hufan oo wax-ku-ool ah ugu gudato waajibaadkeeda Qaran .