Silanyo National Library

Silanyo National Library

Share

page of Somaliland's National Library in Hargeisa, serving 1.2 million people. Silanyo National Library is an investment in peace.

A step toward entrenching peace by providing kids, students and adults with an ambient place where they can go and read or borrow a book and improve their life chances through education. It is an architectural demonstration of dividend of peace, an escape from the numbing talk on conflict. This will be the first public library since 1980s to operate in Hargeisa. The only small library built by the

28/09/2025

OGAYSIIS
Maktabadda Qaranka JSL ee Silaanyo National Library, waxa ay ogaysiinayaan shacabka Jamuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa, in ay maktabaddu bilaabi doonto bisha 10aad, ee sannadkan 2025ka, barashada akhris-qoraalka.

Waxa la bilaabi doonaa fasal cusub oo lagu dhigan doono akhris-qoraalka af Soomaaliga iyo xisaabta inta seeska ah. Waxa lagu wargelinayaa qof kasta oo danaynaya waxbarashada dadban in ay tani tahay fursaddiisii oo uu ka faa'iidaysto.

Qof kasta oo garanaya cid u baahan waxbarashada dadban, fadlan ha la wadaago cidda uu isleeyahay ha ka faa'iidaysto fursadan

FG: Tirada dadka loogu talagalay waa ay kooban tahay, fadlan h**e isu diwaangeli, si aad uga faa’iidaysato tababarka.

Soo dhawaada.

Fadlan ku biir whats App group-kan:
https://chat.whatsapp.com/I8rQZFcvCi7GoKmRMRUBDc

26/09/2025

galabta waxa lagu falanqayn doona Maktabadda Buugga Hoggaamiyihii SINGABUUR ee uu qoray Cabdinaasir Sahal. Waxa inoo soo bandhigaya buugga Haldoor Cabdale Siciid.

Photos from Silanyo National Library's post 13/09/2025

Falanqayn Buug:
Madasha , waxa taariikhdu ahayd 11/08/2025 ee jimcuhu soo gelayey lagu falanqeeyey buugga cinwaankiisu yahay “Caqliga Qabyaaladda iyo Saykoolajiga Wadajirka” oo ah buug akaademiya, si qoto dheerna uga hadalaya qabyaaladda iyo nolosha aadamaha. Waxa soo bandhigay Wasiirkii h**e ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi.

Sida magaca ka muuqata, buuggu waxa uu diirrada saarayaa qaabka uu fikiro caqliga qabyaaladda aaminsan iyo arimaha nafsadeed ee keena wadajirka/iskaashiga qabiilaysa ku dhisan. Waxa lagu gorfeeyay madasha buuga lagu falanqaynayay:

1. Sababaha keena fikirka qabiilka ku dhisan.
2. Nidaamka isku-dhafka ee siyaasadeed (dawladnimada casriga iyo nidaamka dhaqanka) ee Somaliland.
3. Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay siyaasadda, horumarka dawladnimo, saamiqaybsiga xilalka dawladnimo ee Somaliland.
4. Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay horumarka iyo saloonida dhaqaalaha.
5. Saamaynta qabyalaaddu ku leedahay wadajirka iyo isku-duubnida bulshada.

Ugu dambayn, waxa laga dooday sidii loo yarayn saamaynta taban ee qabyaaladdu ku leedahay nolosha dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waa buug xambaarsan aqoon iyo xoogo faa’iido badan leh ee ku haboon in la akhtisto.

11/09/2025

Madasha caawa waxa lagu gorfayn doona Buugga “The Tribal Mind and the Psychology of Collectivism” ee uu tifaftiray Joseph P. Forgas. Waxa inoo soo bandhigaya Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi.

08/09/2025

Maktabadda Qaranka JSL waxa ay Xuska Maalinta Akhris-qoraalka Aduunka oo ku beegan maanta 8 September 2025, awgeed la wadaagaysa bulshada in Maktabadu bilaabi doonto barnaamijka barista Akhris-qoraalka dadka aan waxna qorin waxna akhriyin.

29/08/2025

galabta waxa lagu falanqayn doona Maktabadda Buugga Ninkii Baabila ugu Hantida Badnaa ee uu turjumay Dr Jaamac Sahal. Waxa inoo soo bandhigaya buugga Yaxye Maxamed Nuur.

Photos from Silanyo National Library's post 08/08/2025

Madasha waxa xalay lagu gorfeeyay buugga Saykoolojiga Lacagta oo uu qoray Morgan Housel. Waxa turjumay isla markaana si wanaagsan u soo bandhigay Maxamed Sharma'arke.

07/08/2025

Madasha caawa waxa lagu gorfayn doona Buugga Saykoolojiga Lacagta ee uu qoray Morgan Housel. Waxa turjumay Maxamed Sharma’arke. Waxa inoo soo bandhigaya turjumaha buugga.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Road No. 1, Taardheer, Behind The Ministry Of Telecommunications
Hargeysa
00252

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Thursday 08:00 - 20:00
Saturday 08:00 - 20:00
Sunday 08:00 - 20:00