Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug

Share

Ministry of Fisheries & Marine Resources Galmudug State of Somalia, led by Minister Garad Qowqabo

25/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug iyo dhammaan howl-wadeenada Wasaaraddu, waxa ay tacsi tiiranya leh u dirayaan Wasiir kuxi-geenka Wasaaradda Mudane Abdi Dahir Huseen oo Xaaskiisa, Nadiifo Abdulle Osman ay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Waxaan sidoo kale tacsida u direeynaa Abdalle Daahir Husein oo isna kamid ah howl-wadeenada Wasaaradda oo ay hooyadiis ahayd Marxuumaddu, waxaana dhammaantood leenahay samir iyo imaan allaha idinka siiyo, marxuumadana janada firdowsa allaha ka waraabiyo.

24/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Yusuf Mohamud ( Garad Qowqabo ) ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda u magacaabay Xassan Cabdullahi Cumar.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Agaasimaha cusub in uu xilkiisa u guto si hufan.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

19/03/2026

Ciidul-fidri wanaagsan.

Waxaan hambalyo ku aadan munaasibadda Ciidul-fidri u dirayaa umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay adduunka ka joogaan, waxaanan u rajeeynayaa sanadkaan kiisa kale in uu ilahey nagu gaarsiiyo nabad buuxda.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo acmaashii suubanaa ee aynu soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidul-Fidri ha noo noqoto mid inoo horseedda farxad, midnimo, nabad, iyo barwaaqo.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 26/02/2026

Dhusamareb: 26-Febaraayo-2026.
Wasaaradda kaluumeysiga Dowladda Galmudug oo Dhusamareb tababar ugusoo xirtey tababarayaal loo diyaariyey tababarida kaluumeysatada Galmudug.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Abdirashid M. Abdi ayaa tababar socdey mudo 5 Maalmood ah Magaalada Dhusamareb ugusoo xirey tababarayaal loo diyaariyey inay tababaraan kalluumeysatada.

Tababarkan ayaa waxaa mudadii uu socdey ka faaiideystey 10 qof oo loo diyaariyey si ay u tababaraan bulshada Kaluumeysatada ah, waxaana diirada lagu saarey maareynta kalluunka, habeynta, xakameynta tayada, iyo Maareynta Bay’ada Kalluunka.

Wasaaradda Kaluumeysiga iyo khayraadka badda Dowladda Galmudug ayaa diirada saareysa sidii kor loogu qaadi lahaa ka faaiideysiga khayraad badda.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 13/01/2026

Dhuusamareeb, 13, Janaayo 2026.

Shir udhaxeeya Wasaaradaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug

Shirkan waxaa goobjoog Wasiirada Wasaaradaha Mudane Wasiir Garad Qowqabo iyo
Wasiir Abdullahi kulmiye sidoo kale waxaa wehliyay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug mudane Abshir Hashi Ali iyo Madaxa ilaalinta kaabayaasha badda mudane Mohamed Shuke

Qodobada shirka looga hadlay Shirka waxaa ka mid ah.

1. Diiwaangelin mideysan oo dhammaan doomaha kalluumeysiga iyo gaadiidka badda ah
2. Hubinta sharciyadda doomaha, rukhsadaha, iyo qalabka ay wataan
3. Sameynta database wadaag ah (Ports + Fisheries)
4. Kormeer iyo roondo wadajir ah oo laga sameeyo biyaha Galmudug.
5. Iskaashi ku saabsan qabashada doomaha sharci-darrada ku kalluumeysata
6. Hirgelinta shuruuc badbaado oo wada jir ah (life jackets, qalabka degdegga)
7. Wacyigelin iyo tababar kalluumeysatada ku saabsan badbaadada badda iyo
8. Isku xirnaanta hawlaha Maritime Rescue Coordination Centre (MRCC) iyo kalluumeysiga.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 05/10/2025
Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 22/09/2025

Dhuusamareb, 22 Sibteembar, 2025.

Guddiga Kheyraadka Golaha Wakiilada Galmudug oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug

Waxaa kormeer shaqo ku yimid xubnaha Guddiga oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdiraxiin Igaal, waxaana Wasaraadda ku soo dhaweeyay Wasiirka Garad Qowqabo Wasiir kuxigeenka Mudane Abdi Dahir Huseen iyo Howl-wadeenada Wasaaradda.

Guddiga oo gudanaya wajibkiisa shaqo ayaa weeydiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda wax qabadka Wasaaradda iyadoo halkaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Wasaaradda hab muuqal ah, iyo suaalo guud oo Guddigu weeydiiyay Madaxda Wasaaradda.

Ugu dambeeyn Kormeerka ayaa kusoo dhamaaday in Guddigu booqdo xafiisyada Wasaaradda si uu, u xaqiijiyo shaqada socota.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 24/08/2025

Dhusamareeb 24 August. 2025- Hay’adaha Dowladda Galmudug iyo kuwa heer Faderaal ayaa manta kulan loga hadlaayey arimaha Amniga, dhaqaale, kalluumeysiga sharci darada ah iyo socdaalka badda ku yeeshay xafiiska Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug.

Shirkaan oo uu shir gudoominayay Agaasimaha Guud Abdirashid M. Abdi ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug ayaa waxaa kaso qayb galay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Laanta Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Waaxda Daqliga Ee Wasaaradda Maaliyada.

Shirkaan oo looga dooday sidii daqliga badda loo xoojin lahaa isla markana loola dagaalami lahaa Kalluumeysiga sharci darada ah oo Somaaliya ku lumisay dhaqaala badan, socdaalka ajaanibta la socda doomaha kalluumeysiga kuwaas oo sameeyn ku yeeshay amniga iyo dhaqaalaha Galmudug.

Kulanka ayaa kusoo gaba gaboobay is afgarad ku saabsab talaabooyin wax ku ool ah oo lagu beegsanayo dhinacyadaas.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 22/05/2025

Dhusamareeb, 22 May 2025.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mdne Abdirashid M. Abdi ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Liban Mahad Abdulahi Agaasimaha Waaxda Xalka waara ee Wasarada Qorsheynta Galmudug Iyo Mubarik Mohamud oo ah Madaxa Hay’ada Regional Durable solutions secretariat (ReDSS). Kulanka ayaa waxaa Agaasimaha Guud ku wehlinayey Agaasimaha Waaxda Adeegyada Guud ee Wasaraada Kalluumeysiga. Kulankaan ayaa diirada lagu saaray sidii Wasaraada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug qayb uga noqon laheyd dadaalada xalka waara ee barakacayaasha iyo bulshooyinka nugul ee ku nool degmooyinka Galmudug.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Photos from Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug's post 17/05/2025

Olole nadaafadeeda oo laga sameeyay Degmada Hobyo.

17/05/2025

Hobyo, 17 May 2025.

Olole Nadaafadeed oo laga qabtay xeebta Hobyo.

Olole lagu nadiifinaayay xeebta Degmada Hobyo ee Gobalka ayaa laga sameeyay halkaa, ololaha ayaa waxaa hogaaminayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Abdirashid M. Abdi waxaa sidoo kale ka qeeyb qaatay iskaashatada kallumeeysiga iyo Taliska Boliiska Hobyo

Ololahaan ayaa u jeedkiisu ahaa in laga nadiifiyo haraaga qashanka la dhigay xeebta, si loo hubiyo caafimaadka bulshada.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in qashan la dhigo xeebta, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in talaabo laga qaadi doono cidi ka hortimaada nadaafadda xeebta.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Want your business to be the top-listed Government Service in Hobyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Hobyo