14/09/2026
WAR-SAXAAFADEED / WARBIXIN
Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle oo Ka Qayb-galay Daah-furka Ololaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka JSP.
Hobyo, Galmudug – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka JSP ayaa waxaa si rasmi ah uga qayb-galay Guddoomiyaha Degmada, isagoo goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu daah-furayay ololaha muhiimka ah ee JSP.
Munaasabaddan daah-furka ah ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, wakiilka Ururka,xubnaha ururuka , iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo muujinaysa ahmiyadda ballaaran ee uu ololahani laga leeyahay.
Qodobada Ugu Muhiimsan ee Munaasabadda:
Ahmiyadda Ololaha JSP: Mashruucan ama Guddoomiyaha degmada oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa bogaadiyay cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta ololahan Waxa uu ku dhiirrigeliyay bulshada iyo laamaha kala duwan ee maamulka inay si dhow ula shaqeeyaan wakiilka iyo hawl wadeenada ayna muujiyaan didaal kabadan intii h**e.
Ballan-qaadka Maamulka: Maamulka degmada ayaa caddeeyay in uu si buuxda u garab taagan yahay habsami-u-socodka iyo guusha ololaha JSP.
Ugu dambayn, munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi yididiilo leh, iyadoo si wada jir ah la isku raacay in si dhab ah loogu hawlgalo wejiyada kala duwan ee ololaha JSP uu ka kooban yahay.
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.