04/05/2026
Guddoomiyaha degmada Hobyo mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kaqaybgalay
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay arday dhammeystay barashada Qur’aanka Kariimka ah madarasada xayaatudiin oo uu hormuud u yahay shiikh Maxamed Jaamac.
Munaasabaddan qalin-jabinta ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyahadegmada, Xoghayaha dowlada hoose agaasimeyaashadowladahoose, culumaa’udiin, waalidiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo dhammaantood muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan ardayda guusha gaartay.
Ardaydan oo wax ka baratay Madarasada Xayaatu Diin ayaa si hufan u dhammeystay xifdinta Qowlkii Eebe, iyagoo muujiyay dadaal, samir iyo karti mudan in lagu daydo. Waxaa lagu ammaanay doorka macallimiinta iyo waalidiinta oo door weyn ka qaatay korinta iyo barbaarinta ubadkan.
Guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa ugu danbayn hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isagoo ku booriyay inay sii wadaan barashada cilmiga diinta iyo kan maadiga ah, si ay mustaqbalka ugu noqdaan hormuud wax ku ool ah bulshada.
DHAMAAD ~~~
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.
02/05/2026
Waxaa laga furay magaalada Hobyo kulan muhiim ah oo ku saabsan Madasha Ka-qaybgalka Dhallinyarada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta ururinta dakhliga Dowladda Hoose , iyada oo loo marayo ka-qaybgal, hal-abuur iyo isla xisaabtan
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira ururinta dakhliga, doorka firfircoon ee dhallinyarada, iyo xalal casri ah oo ku saleysan tiknoolajiyadda iyo daahfurnaanta. Dhallinyarada ka qayb gashay kulanka ayaa soo bandhigay talooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya isla xisaabtanka iyo ka-qaybgalka bulshada.
20/04/2026
Dhusamareb April 20
Gudomiyaha degmada Hobyo Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug, oo ah tilaabo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta Iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaanno,Agaasimayaal Iyo qeyb kamid ah Hayadaha kala duwan ee cafimadka ah Iyo kuwa maxalliga ah sida Save the Children, Unicef, kuwaas oo dhammaantood muujiyay muhiimadda ay siinayaan kor u qaadista caafimaadka bulshada iyo tayeynta adeegyada laxariira.
Ugu dambeyn, shirkan wuxuu fursad u yahay isdhaafsiga fikradaha, waayo-aragnimada, iyo xal u helidda caqabadaha jira, si loo xaqiijiyo mustaqbal caafimaad oo wanaagsan oo Galmudug leedahay oo waara.
-Dhamaad-
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.
17/04/2026
GUDDOOMIYAHA DEGMADA HOBYO OO DAAH-FURAY DIIWAAN-GELINTA COD BIXIYEYAASHA DEGMADA HOBYO.
Hobyo, JUMCO 17- April-2026:-Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle oo ay wehliyaan Guddomiye ku xigeenka Degmada Mudane Mukhtaar Cabdulahi Maxamed,Xoghayaha dowlada hoose Mursal Maxamud Adan,Agaasime waaxeedyada Degmada iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha barlamanka galmudug ayaa daah-furay Ololaha diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha Degmada Hobyo.
Daah-furkan oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo ayaa waxaa maanta wejigiisa koowaad iska diiwaangeliyey shacab waynaha reer hobyo oo ka koobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan, sida odayaasha dhaqanka, culimmada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada rayidka ah ee reer hobyo.
Guddoomiyaha Degmada Hobyo ayaa kadib markuu qaatay kaarka cod bixinta wuxuu la hadlay Bulshada ku nool degmada Hobyo isaga oo ugu baaqay shacabka inay is diiwaangeliyaan si ay u helaan fursad ay codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan la filayo inay ka qabsoomaan dalka.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Doowladda hoose ee Degmada Hobyo.
.
31/03/2026
xiritaanka Shirka Madasha Maayarada Galmudug oo sanadkan lagu qabtay magaalada Guriceel, kaas oo maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa lagu kulmiyay dhammaan maayarada degmooyinka Galmudug iyo guddoomiyeyaasha gobollada Mudug iyo Galgaduud. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Galmudug.
Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.