Dowladda Hoose Ee Jowhar

Dowladda Hoose Ee Jowhar

Share

Boggan Facebook waa Bogga Rasmiga ah ee Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar.

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 23/01/2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yusuf Cali - Cali Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Cabdi Daahir Guure (Karoore) iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Hirshabelle Haaji Nuur Hassan Sheikh Muse ( Jako ) oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Magaalada Caasimada Hirshabeelle Ee Jowhar ayaa booqasho ku yimid Xarunta Dowladda Hoose ee Caasimada Jowhar.

Waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Maamulka Sare ee Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar oo ugu horeeyaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Gudoomiye ku-xigeenka 2'aad Mohamed Ali Ahmed, Xog-hayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise iyo xubnaha Golaha Deegaanka Jowhar.

Booqashada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa daarneed indha indheynta shaqada Dowladda Hoose iyo dar-dar gelinta xoojinta dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta, adeeg daadajinta, Dad dhigidda iyo Dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka ayaa Dowladda Hoose Ee Degmada Jowhar iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Hirshabelle u balan qaaday in uu garab isaag fiican siin doono horumarinta Dowladda Hoose ee Caasimada Jowhar.

DHAMAAD

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 22/01/2025

Jowhar-22-January-2025 .

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federalka iyo Dibuheshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) ayaa shir gudoomiyay kulan lagu soo bandhigaayay waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle 2024 iyo waxyaabaha Hortabinta u leh wasaaradda 2025 .

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Cajiib , Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle Abdi Dahir Guure Karoore Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe, Gudoomiyaha Degmada, Godoomiye Ku-xigeenka2'aadee Degmada, Xoghayaha Dowladda Hoose Ee Degmada iyo dhamaan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha dhaqanka , Dhalinyarada iyo Haweenka .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa u soo Bandhigtay Madaxda Buug iyo Muuqaal Film ah oo laga Sameeyay Waxqabadkii Wasaaradda ee Sanadkii Tagay 2024 iyo Waxyaabaha Hortabinta u leh Wasaaradda sanadkaan 2025 .

Sidoo kale masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ayaa soo bandhigay Buug ka hadlaayay Fahamka iyo Nuucyada Nidaamka Federaalka .

Ugu danbeyn Wasiir Cali Xoosh ayaa kaga Mahad Celiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle Wax qabadkii aay soo bandhigeen isagoo ku dhiiragaliyay ineey sii laba jibaaraan Shaqada adag aay Bulshada u hayaan waxuuna balan qaaday inuu garab buuxa u noqon doono Dadaalada Xasilinta , Dibuheshiisiinta iyo Dhisida Dowladaha Hoose ee laga qabanaayo Degmooyinka iyo Deegaanada Hirshabelle .

DHAMAAD

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 20/01/2025

FURITAANKA KALFADHIGA 3'AAD EE GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA JOWHAR OO MAANTA QABSOOMAY.

Jowhar: 20: Janaayo: 2025 : Waxaa maanta furmay Kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada Jowhar oo looga hadlay Arrimaha hortabinta leh ee 2025 iyo wixii qabsoomay 2024.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdi Daahir Guure Karoorre iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Haaji Nuur Hassan Sheikh Muse ( Jaako )

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 14/01/2025

Shirka isu-duwida Arrimaha Bani’aadannimada Hirshabeelle oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ( MOHADM ) Ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Jowhar Ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Jowhar: 14 : January: 2025 : Shirka Arrimaha Bani’aadannimo gaar ahaan xaalada ka jirta Degmada Jowhar ayaa maanta ka qabsoomaya Magaalada Jowhar waxaana ka qeyb galay Madaxda Dowladda Hoose Ee Magaalada Jowhar, Wasiirada Wasaaradaha Gargaarka, Biyaha, Caafimaadka, Beerha.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayay xaaladaha bani’aadannimo ee ka taagan, ka taagan Deegaanada Hirshabelle oo ay sababtay LA-NINA gaar ahaan waxaa diirada lagusaaray xaalada Bini'aadanimada ee ka jirta Deegaanada Hirshabelle gaar ahaan xaalada LA-NINA ee ku dhufatay Deegaanada Degmada Jowhar.

Sidoo kale shirkaan waxaa ka qeyb-galaya wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bini'aadanimada.

DHAMAAD

08/01/2025

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo la shiray Garsoorka Hirshabeelle, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Maamulka Degmada Jowhar, Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-sugida Degmada Jowhar.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Garsoorka laamaha amniga iyo Maamulka waxa uu shirkan dabasocday kulankii shalay looga hadlayay horumarinta Magaalada Jowhar Ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 02/01/2025

Tababarka Qorshaha Horumarinta Degmada oo maanta loo furay XubnahaGuddi Hoosaadyada Golaha iyo Agaasinada waaxyaha Dowladda Hoose.

Jowhar: 02: Janaayo: 2025 : Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Hirshabeelle mudane Nur Hassan Sheikh Muse ( Jaako ) oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar ayaa daahfuray Tababar
Ujeedkiisu yahay diyaarinta Buuga qaab dhismeedka Horumarinta degmada iyo wadatashiyada bulshada ee degmada Jowhar, District Development Freame work DDF.

Si loo sameeyo qaabdhismeedka horumarinta Degmada ayaa wadatashiyo bulsho oo loo dhanyahay lala sameynaa bulshada Dowladda iyo qeybaha kale ee kala duwan taas kamid ah dadaalada aay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose Ee Jowhar oo wada jir ah ugu jiraano horumarinta Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar.

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 22/12/2024

Kulanka Bandhiga Natiijooyinkii Latashiga Bulshada Magaalada Jowhar ee Hanaanka Horumarinta Degmada District Development Framework ( DDF )

Jowhar: 22 - December- 2024 : Xog-hayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise iyo qaar kamid ah Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ayaa ka qeyb galay kulanka Bandhiga Natiijooyinkii Latashiga Bulshada Magaalada ee ku saabsanaa Hanaanka Horumarinta Degmada District Development Framework DDF ee lagu soo bandhigay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa xubnaha Golaha Wasiirada ee Gudiga adeeg daadejinta.

Ujeedka wuxuu ahaa in lasoo bandhigo xogihii bulshada degmada laga aruuriyay in lala wadaago xubnaha Wasiirada ee Guddiga adeeg daadejinta.

Shirka waxaa soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle waxaana shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Daahir Guure Karoorre.


DHAMAAD

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 13/11/2024

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Hirshabeelle ayaa maanta soo Gaba gabeeysay kulanka wadatashiga iyo wadahadalka hogaamiyayaasha Bulshada Magaalada Jowhar kaasoo u socday mudo 4 maalin ah Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada.

Jowhar: 13- November- 2024 : Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Nuur Hassan Sheikh Muuse Jaako, Gudoomiye ku-xigeenka Siyaasadda Gobalka Shabelaha Dhexe Mudane Mohamed Abdi Sheikh Xaandow, Gudoomiyaha Degmada Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Barise, ayaa maanta ka qeybgalay kulan Ujeedkiisa ahaa xiritaankaan shirka wada hadalka hogaamiyeyaasha Bulshada oo mudo 4maalmood ah ugu socday Magaalada Jowhar.

Ujeedka kulanakaan ayaa aheyd in la kobciyo is-aaminaad iyo iskaashi dhex mara beelaha dhawaan dowladda kala shaqeeyey xoreynta deeganadooda iyo kuwa deeganadooda aan weli la xoreynin iyo In la ogaado caqabadaha ka hor xoraynta, baahiyaha, mudnaanta soo kabashada, cabashada bulshooyinka, kuwa la xoreeyay iyo kuwa weli aan xorta aheyn.

Odayaasha Dhaqanka iyo masuuliyiintii kale ee kasoo qeyb galay kulanka ayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha kaga mahad celiyeen kulamadaan Qiimaha badan oo aay meesha ka saareen fikiro kala duwan eey kala aamin sanaayeen hogaamiyaasha bulshada.

Odayaasha ayaana dalbaday in wasaaradu aay badiso kulamada nuucaana ah oo Baahi weyn loo qawo.

Madaxda kala duwan ee xeritaanka kulanka ka qeyb galay ayaa iyagana bogaadiyay shirka Odoyaasha dhaqanka mudada 4ta maalmood ah ugu socday Magaalada.



DHAMAAD

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 12/11/2024

Jowhar:- 12- November:-2024-Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle oo soo xertay tababar oqoon kororsi oo in mudo ah usocday Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle Mudane Nur Hassan Sheikh Muse, Gudoomiyaha Degmada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Barise ayaa si wada jir ah usoo xeray aqoon is weydaarsi kor loogu qaadaayay xirfadaha iyo aqoonta Golaha Deegaanka Degmada Jowhar iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan Dowladda Hoose ee Degmada .

Tababarkaan oo socda mudo 6 maalin ah ayaa ujeedkiisu ahaa in xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ay xog ogaal u noqdaan sharciga iyo xeerarka kala duwan ee Golaha marka loo eego xilalka iyo waajibaadka saaran.

DHAMAAD

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 10/11/2024

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta furtay kulanka ku saabsan wadatashiga iyo wadahadalka hogaamiyayaasha Bulshada Magaalada Jowhar.

Jowhar:-10- November:2024: Gudoomiyaha Degmada Ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Barise ayaa ka qeyb galay kulan ujeedadiisu aheyd in la kobciyo is-aaminaad iyo iskaashi dhex mara beelaha dhawaan dowladda kala shaqeeyey xoreynta deeganadooda iyo kuwa deeganadooda aan weli la xoreynin iyo In la ogaado caqabadaha ka hor xoraynta, baahiyaha, mudnaanta soo kabashada, cabashada bulshooyinka, kuwa la xoreeyay iyo kuwa weli aan xorta aheyn.

Kulankaan oo mudo 3 maalin ah socon doono ayaa waxaa Daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Mudane Nuur Xasan Sheikh Muuse Jaako .

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 23/10/2024

Jowhar:-23- Oktoobar -2024

Daahfurka Shirka Latashiga Bulshada Jowhar Ee soo Jeedinta Cutubyada 5aad ilaa 9aad Ee dastuurka oo Maanta ka Furmay Degmada Magaalada Ee Ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Photos from Dowladda Hoose Ee Jowhar's post 23/10/2024

Jowhar:- 23-October-2024:Dowladda Hoose Ee Degmada Jowhar oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa maata Daahfurtay Adeega Dad-dhigista iyo Diwaan Gelinta Xaaladaha Madaniga ah sida dhalashada iyo dhimashada.

Waxaa Xaflada Daahfuray Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Gudoomiye ku-xigeenka 2'aad Mohamed Ali Ahmed iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise.

Hanaanka diiwaan Gelinta Adeegan oo maanta laga daahfuray 20 Degmo oo Dalka ayaa si toos ah looga faa,idaysan Doona Xaaladda Diiwaan Gelinta Madaniga ah oo Digital ah kaa soo lagu Diwaan Gelin Doono Dhalashooyinka , Dhacdooyinka kale Sida Guurka, dhimashada iyo Arrimaha Degaananshaha Dadka ajaanibta ah.




DHAMAAD

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jowhar
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00