Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Hirshabeelle

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Hirshabeelle

Share

halkaan kala soco xogta ku saabsan kalluumeysiga dawladda Hirshabeelle

19/03/2026

CIID WANAAGSAN.

25/02/2026

Wasaaradda kallumeysiga iyo kheyraadka Badda Dowladda Hirshabelle waxaa ay Hambalyo iyo Soodhaweyn udiraysaa Xild. Fardowsa Abdi Maxamuud oo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) usoo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Hirshabelle.

Photos from Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Hirshabeelle's post 08/02/2026

CADALE, 8 February, 2026. Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Hirshabelle Mudane Iidle Siyar sh. Khalif ayaa maanta Xafiiska Wasaaradda ee Degamda Cadale kusoo dhaweyey team kasocday mashruuca Badmaal ee looyaqano Mashruuca Hormarinta Kallumeysiga Waare ee Somalia SSFDP. Teamkaan ayaa Ujeedkoodu ahaa kormeer iyo qiimeyn kusaabsan Xafiska mashruuca ee Degamada iyo goobta larabo in dhawaan lagadhiso xarunta weyn ee wasaaradda sidokale sameynta kormeer iyo qiimeyan kusaabsan baahiyaha kallumeysatada ee Degamda Cadale.

Intaas kadib Wasiirka ayaa geeyey teamka kasocday mashruuca goobta loo asteeyey in lagadhiso xarunta wasaardda sidole waxaa lageyey suuuqa weyn ee kalluunka Cadale halkaas oo ay ogu tageen ganacsatada kuganacsado suuqa dhexdiisa waxaa ayna kadhageysteen warbixino laxiriira bahiya iyo caqabadaha kaheysto xagga ganacsigooda.
Sidookale team ka ayaa warbixino iyo baahiya jira kadheygeystay iskaashatooyinka iyo kambaniyada ganacsiga kalluunka.

Markii uu soo dhamaaday kormeerka Wasiirka ayaa kullan laqaatay teamka Mashruuca waxaa uuna warbixin guud kasiiyey xaaladaha kallumeysiga Hirshabelle iyo muhiimada uu u leyahay mashruucaan xagga hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha kallumeysiga iyo taageeridda kallumeysatada danyarta ah.

Wisiirka Wasaaradda ayaa usheegay teamka in ladar- dargaliyo howlaha mashruuca wasaaradduna garab buuxo kusiineyso.

XAFIISKA WARFAAFINTA,
WASAARADDA KALLUMEYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA
DOWLADDA HIRSHABELLE.

03/12/2025

HAMBALYO, HAMBALYO

Waxaan Halkaan Hambalyo iyo So Dhaweyn Uga Direynaa Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Hirshabelle mudane; Amiin Muqtaar Axmed.

Waxaan Sidoo Kale Horumar Iyo Wanaag U rajeyneynaa Agaasimihii H**e mudane; Nuur Siyaad Gacal.

21/11/2025

Hambalyo Maalinta Kalluumeysiga Caalamiga Ah – 21 November

Munaasabadda Maalinta Kalluumeysiga Caalamiga ah awgeed, wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda dawladda Hirshabelle waxa ay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan bahda ku shaqaysa xirfadda kalluumeysiga, ganacsatada kalluunka, haweenka iyo ragga ka shaqeeya habaynta iyo suuq-geynta, iyo dhammaan bulshada ku tiirsan khayraadka badda.

Maanta waxay noo tahay xusuusin muhiim ah oo ku saabsan:
• Doorka kalluumeysatada ee quudinta bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
• Ilaalinta badaha iyo khayraadka dabiiciga ah, si loo hubiyo jiritaan waara.

Waxaan idin kaga mahadcelineynaa dadaalkiina joogtada ah ee kalluumeysatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabeelle oo wajahaya halis iyo caqabado, si ay usoo kalluumeystaan.

Allaha idiin barakeeyo shaqadiinna, hana idiin fududeeyo dadaal kasta oo aad u huraysaan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta badda.

Hambalyo Maalinta Kalluumeysiga Caalamiga ah!

.

Photos from Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Hirshabeelle's post 30/10/2025

War-murtiyeed ku saabsan shirka 6aad ee Golaha Sare ee Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka (FMDC)

Muqdisho, 29 -30 October 2025

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga lyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 29kii- 30kii Bisha October ee sannadka 2025.

Shirkan oo ah kii 6aad Golaha Sare ee Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka (FMDC) ayaa looga hadlay horumarinta iyo imaareynta kalluumeysiga, abuuridda fursado wax ku ool ah, dhiirigalinta maalgashiga gudaha, kordhinta wax
soo saarka kalluumeysiga gudaha, mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go'aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada dalka.

Shirka 6aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobbada soo socda:

A) Horumarinta, Dhiirigalinta wax soo-saar ka Kalluunka, iyo Xoojinta
Wadashaqeynta labada heer ee Dowladda ee dhinaca Kalluumeysiga:

1. Goluhu waxa uu dood dhab ah ka yeeshay maareynta hufan iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka taas oo ah masuuliyad qaran iyo in mudnaan gaar ah la siiyo daadajinta adeegyada horumarinta Kalluumeysiga taas oo kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonta hirgelinta qorsheyaasha mideysan ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga iyo ka faa'iideysiga waara kheyraadka kalluun ee dalka.

2. Goluhu waxa uu bogaadiyey wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowlad goboleed iyo Gobolka Banaadir.

3) Si loo horumariyo ka faa'iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka loona helo warbixinno iyo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan kalluumeysiga dalka goluhu Waxa uu go'aamiyey in la sameeyo cilmibaarisyo rasmi oo ku saabsan nuucyada kalluun ee fursadda leh iyo kuwa U baahan in Ia xakameeyo jilaabashadooda.

4) Goluhu waxa uu bogaadiyey dedaalka uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga heer federaal kaas oo ah in Guddiga Badweynta Hindiya ee Tuna (Indian Ocean Tuna Commission, IOTC) la hor geeyo doodda dowladda Soomaaliya ee ah in aan la aqbali karin jaan-gonyta jilaabashada kalluunka Tuna (Tuna Quota) taas oo aan taageereynin ka faa'iideysiga waara ee kheyraadka kalluunka ee dalka.

B) Waqtiyenta shirka xiga ee FMDC, Mahadnaq iyo Gunnaad

1) Goluhu waxa uu dood dheer kadib meelmariyey qorsha howleedka sannadlaha ah ee sannadka 2026 ee Mashruuca Badmaal ee uu taageerayo Bankiga Adduunka, kaas oo sannadka soo socda diiradda lagu saarayo dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah ee Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowlad Goboleed iyo gobolka benaadir.

2) Goluhu wuxuu u mahad naqayaa Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir, howl wadeenada golaha maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga iyo Khuburada ka soo qeybgashay shirka 6aad ee Golaha.

"DHAMMAAD"

05/10/2025

Hambalyo sanad guurada 9-aad ee ka soo wareegtay aasaaska dawladda Hirshabeelle.

28/09/2025

HELIDA QALAB KALLUUMEYSI OO KU FILAN
WAXA AY KALLUUMEYSTAHA U FUDUDEEYSAA
SOO JILAABASHADA NUUCA KALLUUN EE DOONAYO, KA WASAARAD AHAAN WAXAAN MASUULIYAD ISKA SAARNAY IN AAN GAARSIINO QALABKA AY U BAAHANYIHIIN.

24/09/2025

Wasaaradda kalluuneysiga iyo kheyraadka badda dawladda Hirshabelle waxa ay xoogga saareysaa
taageeridda ganacsatada yaryar ee kalluunka u iibgeeya tuulooyinka iyo magaalooyinka xeebaha ka fog, si kor loogu qaado awwoodooda.

22/09/2025

Horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee kalluumeysiga waxa ay door weyn ka qaataan kobaca wax soo saarka dalka.

Wasaaradda kalluumeyysiga iyo kheyraadka badda waxaa ka go'an maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga Hirshabelle.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jowhar Street
Jowhar