Telefishinka HirShabeelle

Call Directions Website Contact the organization

Telefishinka HirShabeelle Bogga Rasmiga ah ee Telefishinka Dowladda Hirshabeelle.

𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐀: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Hirshabeelle Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali...
07/10/2026

𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎, 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐀: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Hirshabeelle Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali oo uu wehliyo Safiirka IGAD u fadhiya Soomaaliya ayaa soo xiray kulan ballaaran oo isugu jiray wacyigelin iyo tababar, kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta doorka haweenka, awoodda hoggaamiyeyaasha haweenka iyo guddiyada nabadda ee xallinta khilaafaadka, nabad-dhisidda iyo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabadda.

Kulanka oo socday muddo shan maalmood ah, waxaa ka qaybgalay 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐫𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen IGAD, Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha DFS, iyo Wasaaradda Haweenka Hirshabeelle.

Intii uu socday kulanka, ka-qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga wada hadleen mowduucyo ay ka mid yihiin:

- Doorka haweenka ee nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka;

- Ka-qaybgalka haweenka ee go’aan-qaadashada iyo hoggaaminta;

- Wacyigelinta bulshada iyo ka-hortagga khilaafaadka;

- Dhisidda awoodda guddiyada nabadda iyo hoggaamiyeyaasha haweenka;

- Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo bulshada deegaanka.

Agaasime Cabdirisaaq Xasan Cali ayaa bogaadiyay IGAD iyo dhammaan hay’adihii iyo bah-wadaagtii ka qaybqaadatay hirgelinta tababarkan, isagoo adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta doorka haweenka ee nabad-dhisidda, horumarka, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Agaasimaha ayaa madasha ka yiri “𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐦𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐢𝐧 𝐞𝐞 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚, 𝐜𝐨𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚, 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚-𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐮𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐟𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚.”

06/10/2026

TOOS ;- WARKA HABEENIMO EE TELEFISHINKA DOWLADDA HIRSHABELLE

06-10-2026

06/10/2026

QODOBADA WARKA TELEFISHINKA DOWLADDA HIRSHABELLE

06-10-2026

06/10/2026

Wasaaradda Awqaafta Hirshabeelle oo Jowhar kusoo gebagebeysay Tababar ku Saabsan Gaarsiinta Nabadda ee deegaannada colaadaha saameeyeen.

06/10/2026

BARNAAMIJKA SOOYAALKA WAXBARASHADA EE TELEFISHINKA DOWLADDA HIRSHABEELLE.

TABABARKA GAARSIINTA NABADDA EE DEEGAANNADA COLAADAHA SAAMEEYEEN OO JOWHAR LAGU SOO GABAGABEEYAY.Wasaaradda Awqaafta iyo...
06/10/2026

TABABARKA GAARSIINTA NABADDA EE DEEGAANNADA COLAADAHA SAAMEEYEEN OO JOWHAR LAGU SOO GABAGABEEYAY.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku soo gabagabeysay tababar ku saabsanaa sidii loo gaari lahaa deegaannada ay colaadaha ka dhaceen, loona gaarsiin lahaa farriimaha nabadda iyo wacyigelinta bulshada, si loo yareeyo rabshadaha.

Tababarka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa Waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Diinta Sheekh Yacquub Cabdullaahi Ciise, Kusimaha Agaasimaha Guud Cabdisamad Caddow, xubno ka tirsan Majmaca Culimada Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Majmaca Sheekh Cabdullaahi Taqwa, haween iyo dhallinyaro.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Gobolka Shabeellaha Dhexe, Sheekh Cabdullaahi Taqwa, ayaa sheegay in tababarku ka-qaybgalayaasha siiyay aqoon muhiim u ah wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadda.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdisamad Caddow, ayaa isna ka hadlay muhiimadda tababarka iyo doorka culimada iyo bulshada ee yareynta rabshadaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mudane Cali Cismaan Ibraahim Ciiley, ayaa soo xiray tababarka, isagoo ka-qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen u gudbiyaan bulshada, kana shaqeeyaan nabadda, wacyigelinta iyo ka hortagga rabshadaha.

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta...
06/10/2026

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta Oktoobar waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah markii dhidibbada loo taagay dowladnimada Hirshabeelle."

Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Dowladda Hirshabeelle Mudane Abdifitah Abdulkadir Addow.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle Cabdiwaasac Cabdulqaadir Shuutaale ayaa guud ahaan shaca...
06/10/2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle Cabdiwaasac Cabdulqaadir Shuutaale ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guuradda 10-aad ee kasoo wareegatay aasaaska Dowladda Hirshabeelle.

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-t...
05/10/2026

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta Oktoobar waa maalin weyn oo taariikhi ah, mudanna in la xuso, maadaama ay ku beegan tahay maalintii dhidibbada loo taagay Dowladda Hirshabeelle.”

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Calasow.

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-t...
05/10/2026

“Waxaan guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 10-aad ee aasaaska Dowladda Hirshabeelle. 5-ta Oktoobar waa maalin mudan xusuus iyo maamuus gaar ah.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Mudane Cabdi Daahir Guurre.

Address

Jowhar
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka HirShabeelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka HirShabeelle:

Shortcuts

Share